Dekedaha Bada iyo Cirkuba waa hanti Qaran, dowlada dhexena xaq bay u leedahay la wareegistooda, Beesha Caalamkuna waa in ay ka taageertaa dowlada dhexe taas.
Dhowaan shir ka dhacay magaalada Kambaala, oo ay isugu yimaadeen dowladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxa ay dowlada dhexe ee Soomaaliya, u gudbisay dalab ah in lagu soo wareejiyo dekeda Bada iyo Cirka ee magaalada Kismaayo, taas oo buuq aad u wayn ka dhex dhalisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ay ugu kala safteen mu’ayid iyo mucaarad dalbka
Dowlada dhexe ee Soomaaliya. Runtii dowlada dhexe waxay xaq u leedahay, bal ku waajib ah, in ay dalbato la wareegista dhamaan hanti qaranka Soomaaliyeed debeda iyo gudahaba, waayo waa awooda keli ah, ee sharciga ah, ee loo igmaday in ay maamulaan dalka guud ahaan, la wareegista dowlada dhexe ee hantida Qaranka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha,oo ay ugu horeeyaan
Dekedaha Bada iyo Cirka ee dalka oo dhan, waxa waajib ah in ay beesha caalamka iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka, ay ka taageeraan dowlada hadii ay dhab ka tahay, in ay taageerayaan, oo doonayaan dowladnimo ka islaaxda Soomaaliya, adeegyadaas oo hada intooda badani gacanta ugu jiraan maamulo budhcad ah, oo aan sharci ahayn, kuwaas oo adeegyadaas ku
Cuna qabateeya ummada inteeda kale, tusaale waxaa inoogu filan Markabkii dhowaan laga celiyay dekeda Bada ee magaalada Bosaaso, kaas oo gargaar Bini Aadamnimo u siday deegaanada Khaatumo iyo deegaano kale, oo aan laba iyo labaatankii sano ee wadanku burbursanaa helin wax gargaar Bini Aadamnimo ah, iyo deeqaha kale ee aduunku siiyo
Soomaalida toona, sababta oo ah, cunaqabatayn lagaga hayay dekedaha Bada iyo Cirka ee maamulada Soomaaliland iyo Puntland ee budhcada ah, sidaas darteed dhacdadan murugada lihi waxay inagu baraarujinaysaa, in la helo dariiqad lagu gaadhsiin karo gargaarka Bini Aadamnimo iyo deeqaha kaleba dalka oo dhan, taasuna ma suuroobayso ilaa laga wareejiyo adeegyadaas,
Maamulada aan masuulka ahayn, ee hada cudhaadha u haysta adeegyadaas, loona dhiibo jiha masuul ah, oo dhexdhexaad u ah shacabka Soomaaliyeed,waayo adeegyadaasu waa hanti qaran, oo ummada soomaaliyeed ka wada dhexaysa, waxana lagu dhisay cashuurtii ummada Soomaaliyeed oo dhan laga wada qaadaayay, iyo kaalmooyinkii aduun waynuhu siinaayay
Shacabka Soomaaliyeed, jihadaasuna cida keli ah, ee ay noqon kartaa waa dowlada dhexe, waayo iyada ayaa loo igmaday maamulka dalka oo dhan. Hase yeeshee waxaa dowlada dhexe ku ah ceeb, gef, eex, beel jeclaysi iyo beel necbaysi, in ay dalbashadeeda ku gaar yeesho dekeda Bada iyo Cirka ee Kismaayo oo keli ah, iyada oo aan dalban dekedaha kale sida: Bosaaso,
Berbera, Gaalkacayo, Hargaysa iwm, waayo dhamaan adeegyadaasu waa hant qaran, ee maaha kuwa ay dhiseen maamulada budhcada ah, ee hada inta badan gacanta ku hayaa. Dowlada dhexe way ku khaldantahay in ay waqti iyo maal aad u fara badan ku bixiso ama ku lumiso ishortaagista maamulka Jubaland, iyada oo aan marnaba ka hadal sharci darada ay ku dhisan
Yihiin maamulada Puntland iyo Soomaliland, oo ah aabayaashii fowdada, sharci darada, iyo kala qoqobnaanta maanta dalkeena ka jirta, waxay had iyo jeer ku andacootaa dowlada dhexe, in aan maamulka Jubaland loo dhamayn, oo aanay beelaha wada degaa ku heshiis ahayn!!! Oo hadaa ma Somaliland iyo Puntland, ayaa loo wada dhan yahay, oo beelaha ay wada
Sheeganayaan ku wada heshiis yihiin?!!! Masuuliinta dowlada dhexe hayska daayaan isburinta, ay hadaladooda iyo ficiladooduba isburinayaan!!! Hayska daayaan siyaasada guracan ee beelaysan, hayska daayaan beelo jeclaysiga iyo beelo necbaysiga,oo ah runtii dhuumasho dhabarku muuqdo, iyaga oo loo igmaday inay ummada oo dhan dhex u noqdaan!!! Indhaha
Ummada iyo aduunkuba waa idinku soo jeedaan ee, ilaa iyo hada waxay dowlada dhexe si aan la arag, oo la maqal ugu fashilantay, mustaqbalkana ugu sii fashilmi doontaa, hadaanay siyaasadooda ma dhalayska ah wax ka bedelin, arinta Jubaland, waxaana u sababa in ay mushkilad balaadhan, oo Soomaaliya oo dhan ka taagan, inta intii kale oo dhan ay indhaha ka
Qarsadeen, ay ku gaar yeeleen ishortaagista maamulka Jubaland laga dhisay, oo aan waxba kaga duwanayn maamuladii hore dalka uga jiray, taas oo aanay cidna ka qarsoonayn in madaxda sare ee dowlada dhexe, ay gobolada Jubooyinka ka leeyihiin dana gaar ah, oo beelaysan, waayo hadii kale kumay gaar yeeleen gobolada Jubooyinka mushkilad balaadhan, oo dalka oo dhan ka jirta,
Oo weliba looga horeeyay iyaga, ee waxay odhan lahaayeen dhamaan maamulada ka jira dalku waa wada sharci daro, aan waafaqsanayn distuurka, waayo distuurku waxaa lagu yidhi cidii kala raali ah, baa maamul wada samaysan karta, ee laguma odhan cidii cid xoog ku qabsata, ama khasabta inta kale, ama sheegata deegaano aanay waxba ka dhexayn,ayaa maamul samaysan
Karta!!! Waana taas ta ay hada ku dhisan yihiin maamuladii hore u jiray, siiba Puntland iyo Somaliland, marka maxay dowlada dhexe kuwaas indhaha uga qarsanaysaa, oo ugu soo mindiya tumanaysaa Jubaland oo keli ah?!!! Ha loogu dhaarto dowlada dhexe in aanay marna ka guulaysanayn Jubaland, inta ay si gaar ah u abaarayso, ayna iska indha tirayso qaarkoodna
Suubaa salaaxayso(Somaliland) maamulada kale ee dalka ka jira, waayo Jubaland waxay la mid tahay Puntland, Somaliland, Galmudug iwm. Waxay ku odhanayaan Somaliland waxaa noo socda wada hadalo!!! Waa khaldaadka ugu waawayn, ee ay dowlada dhexe dalka ka gelayso, waayo maba aha in Somaliland wada hadalo lala galo, inta ay ka fulinayso shuruudahan ah, bal
Hadhow wada hadaladu waxay doonaan ha ku dhamaadeen ee : (a) hantida qaranka oo ay dowlada dhexe ku soo wareejiyaan (b) dadka fikirkooda diidan oo degaanadaa u dhashay, oo ay u ogolaadaan, in ay si xoriyada iyaga oo aan fikirkooda la cubudhinayn, ku joogaan deegaanadaa (c) in ay joojiyaan duulaanka iyo dagaalka ay hadba beelo iyo deegaano kale ku qaadayaan
(d) dhulka iyo magaalooyinka ay xooga iyo khasabka ku haystaan oo ay ka baxaan, oo ku ekaadaan deegaanadooda oo keli ah, marka shuruudahaa laga helo ayuu wada hadal lala galaa Somaliland ansax iyo xalaal iyo sharciba noqon karaa, sidoo kale ayaa mudan in Puntlandna ay dowlada dhexe ula dhaqanto, haday se sii wado in ay arintaas ku gaar yeesho Jubaland oo keli
Ah, waxaan shaki ku jirin sidaan hada soo xusnay, in ay ku guuldaraysan doonto, ayna ka dhaxli doonto khasaare iyo sumcad xumo aad uga balaadhan, tan ay hada kala kulantay! Waayo inta badan maamulada hada dalka ka jiraa, waa wada sharci daro, maxay dowlada dhexe ugu gaar yeelaysaa Jubaland.
Distuurka Soomaaliya ee aan weli la ansixini, waa shaadh ay Puntland tolatay, oo isku filnaysiisay.
Puntland waxay ku andacoonaysaa in distuurka wax laga bedelay, dhamaan waynu la soconaa in xaalku ka gaadhay sababtaa awgeed, in ay yidhaahdaan waxaan joojinay wada shaqayntii nagala dhexaysay dowlada dhexe, sidii ay dowladnimadu tahay maqaaxi marna la gelaayo, markii la doonona laga baxaayo!!! Taasuna waxay ina tusinaysaa fowdada ay rabaan maamuladaa aan
Sideedaba sharciga ku dhisnayni! Soomaaliya waa dal xor ah, oo ka mid ah lagana aqoonsan yahay dhamaan haya’adaha dowliga ah, iyo kuwa gobolaysiga ah oo dhan, Soomaaliya waxay leedahay hal dowlad, hal Calan, iyo hal madaxwayne, dhaliil kastaaba ha jirtee, bal se waxay maamuladaasu rabaan, in ay Soomaaliya ka dhex sameeyaan, dhowr dowladood oo siman, oo
Isku wada awood ah, iyo madaxwaynayaal isku awood ah!!! Bal waxay rabaan dowlad dhexe oo magac u yaal ah, iyo maamulo ka awood badan dowlada dhexe! Distuurkan aan weli la ansixin, ee uun Puntland hadal haysaanaa, sida uu hada u dhigan yahay, oo aan dabcan laysku waafaqsanayni, waa shaadh ay tolatay Puntland, oo ay si fiican isugu filnaysiiyeen, oo ay ku
Salayeen danahooda guracan, ee ah “kula lihi kaa lihi”, waxana taa u saamaxay duruufo markaa jiray, iyo shakhsiyaad aan wadaniyiin ahayn (saxiixayaashii), oo midkood waliba danihiisa gaarka ah fushanaayay, suurgalna maaha ina distuur ay beel ka mid ah, beelaha Soomaalidu danahooda guracan ku salayeen, lagu maamulo dalka oo dhan, sideedabana ma ahayn, in la qoro
Distuur, iyada oo aanay wadankan colaadaha sokeeye daashadeen, aanay ka dhicin dib u heshiisiin qaran, oo aan go’aamada ka soo baxa shirkaa qaran, iyo waxa lagu heshiiyo, lagu salaynin distuurka dalka, hase yeeshee duruufo dowli ah oo markaa jiray awgeed, waxa laynagu khasabay in aan si ku meel gaadh ah u ansixino, dabadeedna dowlada qaran ee lagu dhisaa, ay
Bilowdo, oo suurageliso wax ka bedelidiisa iyo hufidiisa, arintan oo ay ka gaabisay dowlada dhexe ee hada talada haysaa, waxa ah wax aad looga xumaado, in dowladan hada talada haysa markii la dhisay, ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen, oo ku shirsanaayeen odayadii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa, halkay uga faa’iidaysan lahayd in ay abaabulaan
Shirwayne qaran, oo dib u heshiisiineed way fududaysteen doorkooda, odayadiina way kala direen, markaa maanta la yaab malaha in dhinac walba guuldarooyin kala soo dersaan, si kastabana ha ahaatee, maaha distuurka hada jiraa mid u qalma, oo ku haboon in dalka lagu xukumo, suuragalna maba aha, in lagu sii dhaqmo isu dheelitirnaan la aantiisa xaga beelaha, iyo
Weliba khaladaad badan oo ka buuxa awgeed, hase yeeshee wax ka bedelidiisa waxaa lama huraan ah, in ay ka horayso shirwayne dib u heshiisiin qaran, oo sal balaadhan, kaas oo laga rabo in ay dowlada dhex dedaal u gasho, abaabulistiisa iyo qabsoomistiisa, dowlada dhexe waa in ay joojisaa siyaasada laba wejiilaynta iyo ma dhalayska ah, oo ay si cadaalad iyo dhexdhexaadnimo
Ah u gudataa waajibaadka loo igmaday, ay dusha ku qaateen, iyo in ay ka shaqayaan sidii gargaarka Bini Aadamnimo iyo deeqaha kaleba, u wada gaadhi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo mudnaanta kowaad siinaaya degaanada aanay deeqahaasu gaadhin laba iyo labaatankii sanadood, ee aynu burburka ku jiray, iyaga oo la kaashanaaya beesha caalamka,
Waana ku bogaadinayaa in ay dowlada dhexe si toos ah ula wareegtay deeqaha iyo gargaarka, layna siiyo, sida deeqaha waxbarashada iyo gargaarka Bini Aadamnimo, oo ay awel si gaar ah uga faa’iidaysan jireen maamuladaa sharci darada ah, ee wadanka ka jiraa, iyaga oo ka xarimay ummada inteeda kale. Beesha caalamkuna haday dhab ka tahay inay gargaarayaan shacabka
Soomaaliyeed, oo ay ka shaqaynayaan dowladnimo ka islaaxda dalka, sidaas owgeedna ay ula dagaalamayaan Ashabaab, waa in ay il gaara ku eegaan maamulada sharci darada ah, ee wadanka ka jira, ee caqabada kowaad ku ah, in ay dowladi wadanka ka dhalato, hadii kale ha naga daayeen siyaasada laba wejiilaynta iyo munaafaqada ah. Ummada Soomaaliyeedna wadar iyo
waxaadba waa inaan Joojinaa, oo xakamaynaa caadifadaha beelaysan, iyo damaca guracan, ee aan suura gelinayn in aan lugeheena dib isugu taagno, oo aan la soo noqono qaranimadeenii, karaamadeenii iyo sharafteenii, aana ku baraarugno in caalamku waqti dheer ina eegaayay, ayna dhowdahay waqtigii ay inaga tashan lahaayeen, hadaynaan arimeheena wax ka bedelin, taas oo aan midkeena ka farxin doonin.
Wabillaah atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam