Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

WASIIRKA ARRIMAHA DEBEDDA OO FULIYEY DALABKII XIRSI EE KULANAKII UGU HOREEYEY

$
0
0
WASIIRKA ARRIMAHA DEBEDDA OO FULIYEY DALABKII XIRSI EE KULANAKII UGU HOREEYEY
Innagoo naqaan hab dhaqanka guran ee Xirsi kuna salaysan mabda’ gumeysiga ee kala qaybi bulshada iyo ka madaxa adag gaarac deedna ka dabci si uu isu dhiibo, ayaan sii saadaaliyey sida uu Xirsi ula dhaqmi doono Wasiirka. Waxa aan tilmamay inuu u adegsan doono sidii uu beesha Wasiirka u mustafayn lahaa. Waxa aan tilmaamay cidda loo diri doono.
Haddaba waxa soo baxaysa inuu guulo ka gaadhay fariintii Xirsi. Waxa soo xero galay oo madaxtooyada ku soo laabtay rag ay muddo dheer ka xidhnayd. Horaan u sheegay Cismaan Hindi, waxa se hadda la soo sheegayaa Sheekh aadan Siiro iyo Baashe Cabdi Gaboobe in ay Xirsi la qoslaan. Shalayna waxa aynu arkeynay Hubaal oo ilowday gardaradii loo geystay oo Madaxtooyada ka qoslaysa. Waxa soo xerooday Caloolay oo iloobay dilkii leysku dayey iyo dulmigii loo geystay.
Waxa ayaan darro ah rag inta la xidho oo gardarro badheedh lagu sameeyo, laga dhigo dambiilayaale oo la yidhaahdo waa leydin cafiyey. Haddaan dambi jirin sow cafisku ma aha bah dilaad kale iyo qirasho dambi. Waxa aynu eegi doona bal wargeyska HUbaal sida uu u dhaqmo inuu noqdo mid cabsi darteed iyo wax kale oo soo raaca lagu aamusiiyo iyo inay ahaato mid madax banaan oo u adeegta bulsho weynta.
Rayigeyga waxaan qabaa inay is dhiibtay oo waxaan arkaayey labada nin ee madaxweynah dhinaca taagan ee Caloolay wehelinayey, waa Qurux badane Sayid iyo Hilaac Dheere (Yuusuf Cabdi Gaboobe), oo baryahanba ku jiray gacanta Cukuse.Waxa u hadhsan Wasiirka inuu Cali Guray aamusiiyo oo horreyba uu maaro waayey dilaalka Samaale ee la yidhaahdo Bakayle  oo Wasiir Samaale ugu dhiibay adduun iyo mansabba.
Dadkeeni ka korimaayaan in si hawl yar loo bah dilo deedna loo diro dilaliin ayna hoos tagaan iyagoo tuke baal qoyan ah ninkii dulmiyey ooy isaga xaal siiyaan baryatamaan, deedna la yidhaahdo waad gafteen oo waad dambaabteyn ee Madaxweynaha ayaa idiin naxay oo idin saamaxay. Subxaanala bal dulmiga intaas eeg u fiirsada. Waa ku dulmiyey waan ku dilay, waan ku xidhay haddana adigaa dambiila ah ee xaal bixi, saamaxaad i weydiiso, waan ku saami doonaaye.
Bulshow ku quuso Bowor Buurmadow, Boqor Raabi iyo qaaar kale oo badan oo inta la dulmiyo la saamaxo deedna ninka dulmiyeyn dhinaca fadhiista oo u heesa. Maantana waa halgamayaashii reer HUBAAL kuwa diiraddu haysaa.
Madaxweyne waan kuu duceeyaa in Alle ku tuso xaqqa iyo maafiyada aad u afduubantay.
Cabdi Xaaji Axmed

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles