Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dawladdaay Dukaameysiga daa

$
0
0

 

Dowladdaay Dukaameysiga daa:
W/Q: Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com

Ilaahow adaan waxba kaa qarsooneyn. Anigu waxaan arkayaa, Dowladda maanta dalka ka arrimineysa, siiba hoggaankeeda sare in aanay diyaar u ahayn hanashada howlaha loo doortay ama loo igmaday.

Waa mas’uuliyeen xilal culus lagu aaminey loona dhaariyey. Balse hab dhaqankooda, hadaladooda, gudashada waajibkooda, fikradahooda, ficilladooda iyo go’aamadooduba waxay istaweynayaan niman hayya xilal dhalanteeda oon dhab ahayn.

Waxaad mooddaa inay cid kale u daba fidhiyaan jaangoynta iyo meelmarinta arimaha Dalkooda iyo dadkoodaba khuseeya. Markaan rogrogey een si taxadar leh ugu fiirsaday, waxaan ku qiyaasay khibraddooda, aqoontooda maamul dowladnimo, garaadkooda siyaasadeed, garashadooda iyo shaqadooduba inaaney ka korreynin kuray iskasoo uruursaday heerka dugsiyada dhexe ee dalka iyo dibaddaba.

Kuraydaasoo tababar iyo tijjaabo fulintuna u dheertahay ku qaadaneysa xafiisyadii ugu sareeyey talada dalka iyo dowladdaba. Dowladda Dugsiyada Dhexe (DDD) waxaa loogu sii daray awoodii madax dhab ahi lahaan jireen iyo aqoonsi caalami ah.

Shacabka Soomaaliyeed Qurbojoog iyo Qolqoljoogba aad bey ugu diirsadeen waaney soo dhoweeyeen in Dowladdooda la aqoonsado, jiritaankeedana muranka laga saaro. Waxaase ayyaan darro ah in Hoggaanka sare ee  DDD aaney karti iyo aqoon ku filan u lahayn siday shacabkooda u daajin lahaayeen beerta xorriyadda caalamka ee lagu sii dhex daayey iyagoo ka maqnaa muddo ku dhow 23 sannadood.

Waa niman loo hanweynaa laguse hungoobey. Waa niman la moodey noqonse waayey. Waxay qabatimeen qaarkood, sida Mudane, Guurguurte inay sidii lo’da funaanaan beer ba’day ama waa hore la gooyey ama dagaaladii sokeeye ku gubatay.

Qosol baa ka soo hadhay, waxaa filanwaa ku ah darajadan dalka u sreysa, aqoonsigan la siiyey, beertan xorriyadda ee gun iyo baar buuxda ee uu mar qudha arkay isagoo dhextaagan, Dowladda Dugsiyada Dhexe xubnaheeda kalena uu ugu yeedhay oy ilaa hadda dhex dayeysanyihiin.

Waxaan qalbigeyga iyo qalinkaygaba ku qirayaa in Dowladda Dugsiyada Dhexe kurayda lagu weheliyyo oyna ku jiraan tiraba laba aan la dafiri Karin dadaalkooda, wax qabadkooda, kartidooda iyo habsami u dhaqankooda.

Dhankasta oo laga eegaba labadan wasiir wey ka korreeyaan kureyda intooda kale. Waxaan ka xusayyaa oo ka mid ah Dr. Marwo Maryam Qaasim Ahmed Wasiirka Waxbarashada, Caafimaadka iyo arrimaha Bulshada.

Waxaanse arkayaa oon shacabka Soomaaliyeed ee nabadda iyo horumarka jecelow idiin sheegayaa in Dr. Maryam iyo wasiirka kale eenan halkan magaciisa idiinku soo gudbin labadaba loo dardaarwalinayo oon filayo in xilka qaadis lagu sameyn doono dhowaan.

Waxaa ayaandarro ah kii kureyda la filayey inuu xakameeyo xumaha, xassarada iyo marba gobol xagxagashada afarta beerta dhex doobyeysa in aanuu kaba rooneyn. Afartu waa Hoggaamiyaha sare Nacweyne, Guurguurte + Ka madaxtooyada Dillaalweyne, Sakkiin + Ka daakhiliga dakharweyne iyo ka gaashaandhigga Qassweyne (Qass wade weyn). Wasiirka kowaad howshiisu afartan ayey u qaybsantahay.

Waxaase kaalintiisii kaga aadaneyd xakameyntooda iyo waajibaad kale oo badanba gabay Danbiweyne, ka baarlamaanka Jawaari. Wuxuu si badheedh ah u difaacaa, falalkooda waxashnimo iyo xadgudubyada qawaaniinta dalka iyo xuquuqda dadka. Difaacani waa qayb ka mid ah ka dukaameysiga Jawaari ee dhiiga shacabka iyo dalka gaar ahaan shacabka iyo Badda Jubbalnd.

Dowladda Dugsiyada Dhexe waxay ku baratamayaan wax la yidhaahdo heshiisyo ay la galaan shirkado gaar loo leeyahay. Dabcan heshiisyo wax tar u leh bulshada dadka iyo dalkaba wey jiraan, lakiin Xaalkoodu taa waa ka duwanyahay waana, saxeexaye adiguna ma saxeexday. Ujeedada u weyn ee laga leeyahy heshiisyadan, waxey tahay ka dukaameysi iyo dano dhaqaale oo gaar ah.

Heshiis la galaa wuxuu u baahanyahay in si cilmi ah baadhis loogu sameeyo. Macluumaad fara badan la uruuriyo. Hay’dda ama xafiiska ay khusaysaa soo sameeyo qoraallo ay ku qeexayyaan baahidooda iyo sida ay wax u doonayaan oo lagu daro astaamaha iyo shuruudaha laga rabo inay yeeshaan shikaradaha heshiiska lala gelayaa. Wada tashi badan laga sameeyo.

Wax tar iyo wax yeello midduu leeyahay la isu miisaamo. Si guud loo soo bandhigo oo loogu tartamo. Maamulgobaleedyada talada wax laga siiyo. Golayaasha dowladda iyo shacabca oo laga ansixiyyo. Waxaadse mooddaa taa badalkeeda in lala kala cararayyo oo danaha  gaarka ah laga horaysiinayo ta danta guud. LA SOCO………………


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles