Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Shaqo deg deg ah oo ka bannaan Madaxtooyada Siilaanyo

$
0
0

SHAQO DEGDEG AH OO KA BANAAN MADAXTOOYADDA SOMALILAND.

Ka dib markii ay bateen dhaliilaha loo soo jeedinayo dawladda markay saddex jirsatay lagana waayey wixii laga filaayey siina bateen Musuqmaasuqa, Eexda,Qabyaaladda iyo qaabokiilka, shaqo laanta khaasatan dhalinyarada,Tahiibta,Sixir bararka iyo horumar la,aanta ku habsatay guud ahaan dalka.dawladiina ku fashilantay inay dadweynaha qanciso ayaa waxa madaxtooyada looga baahday dad Afku malablayaal ah oo dhaleecayntaa iyo dhaliilahaaba ka difaaca Dawladda .

SHURUUDAHA LAGA RABO.

· Afku malableh Guulwadena soo ahaan jiray waxna lagu shuban karo.(top –up) · Weji adag oo aan xishoon marka TV qaranka la soo fadhiisiyo. · Waa in aanu kayrkayrin nin been sheegayana u ekaan. · Waa inuu warqad cadayn ah ka sitaa Hooraaye ama Cumar iid. · Waa inuu Beenawaas yahay kuna soo ceeshi jiray, · Waa inuu ka dhaadhicin karo dadka wax aanay dawladdu qaban in ay qabatay WAXBARASHADA. · Waa in aad taqaan oo degree takhasus ah ku haysataa cayda kuna takhasustay cayda reerkiina iyo cidii kale ee loo baado in aad caydo.

SHAQADA AAD QABANAYSO: · Haddii nin Reerkiina ah uu Dawlada wax ka sheego waa in aad markiiba Mikirifoonka qaadataa oo aad u jawaabtaa adigoo cayna u raacinaaya. · Waa in aad reerka kala jabin kartaa oo aad odayaasha Dawlada ku soo xidhi kartid cawskana u dhigi kartid odayaasha oo ay Dawlada amaanaan markii loo baahdo waa in ay diyaar u yihiin cid Dawlada wax ka sheegta in ay u jawaabayaan Tvga iyo idaacadda qaranka waa in aanay ka maqnaan. · Waa in aad badiso Dawlada amaanteeda oo lagu arko adigoo markasta Amaanaya waliba aad Tvga ka hadsho oo aad ka Amaanto ,waxaan aad si gaara u amaanaysaa Xirsi iyo Marwada madaxwynaha .

Gunnada aad helayso 1. Jeeg furan oo aad ka qaadato Samaale (wasiirka maaliyadda) marka aad hawl fuliso. 2. Qaraabadaada oo laguu shaqaalaysiiyo 3. Dekadda Berbera oo Cashuur dhaaf laguu sameeyo adiga iyo cidaad wadato cali xoorxoorna amar cad lagu siiyo. 4. Kaadhka Madaxtooyadda lagu galo oo lagu siiyo si aad danahaagana uga fushato wasaaradaha dawladda dadkana ugu hanjabto.iyo qaar kaloo badan.

CIDDA LA LA SOO XIDHIIDHAYO Xirsi ama Dhuxul Hassan abdi Hargeysa

By Hassan Abdi hassanabdi103@yahoo.fi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles