Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maxaa Kala Haysta Balanqaadka Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beerlaxawsiga Madax Dhaqameedka Reer Awdal? By: Cabdirisaaq Camuudi.

$
0
0

Sida aan la wadda soco waxaa toddobaadkan magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal gaadhey wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Haddaba Wariye Khadir Taraar Goob Joog oo ka mid ah bahda Warbaahinta aan waxba qarin ayaan xidhiidh toosa la sammeeyey waxaana ugu horreyntii uu iiga waramey socdaalka madaxweynaha “Walaal madaxweynuhu Arbaca bil u dambeysa ayuu soo gaadhey magaalada Borama isagga oo ay weheliyaan dad tiro badan oo isugu jirey rag iyo dumar kuwaasi oo xilal kala duwan ka haya Xukuumadan ay immika ku kacsan yihiin golahan la baxey xarunta wada tashiga iyo toosinta xeerka beesha dhexe, markaa madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa lagaga hor tagey duleedka degmada Dilla sidii caadada u ahayd waxgaradka reer Awdal halkaas ayey iska soo wadda xaadiriyeen dabadeed waxaa waftiga madaxweynaha loo galbiyey dhinaca xarunta Jaamacada Camuud waxaana uu halkaas shahaadooyin ku gudoonsiiyey boqolaal ardey oo sannadkan ka qalin jabinayey kuliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacada Camuud”.

Wariye Khadir isagga oo ka hadlaya jawiga qalin jabintii Jaamacada Camuud iyo arrimihii uu ku tallaabsadey Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu joogey magaalada Borama waxa uu yidhi “Xaflada qalin jabinta Jaamacada Camuud waxa ay ahayd mid qurux badan oo si qiimo leh looga soo shaqeeyay qabsoomideeda laakiin markii dabaaldega iyo damaashaadka ardeydii qalin jabineysay soo dhammaadey waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jarey mashaariic fara badan oo isugu jirey jidad laami ah oo la sammeeyay iyo guryo cusub oo la dhisey kuwaasi oo ay fuliyeen golaha deegaanka ee degmada Borama dabadeed madaxweynaha iyo waftigiisu waxa ay habeenkii u hoydeen guriga martida ee gobalka Awdal”.

Mar aan weydiiyey su’aal ahayd maxaa dhacey markii waagu baryey waxa uu ku jawaabey “Walaal waagu markii uu baryey waxa uu madaxweynuhu Rays Hutel kulamo kula qaatey aqoonyahanadii, madax dhaqameedkii iyo muxtarimkii reer Awdal oo dhan, markaa kulanku wuxuu ahaa kulan degan oo qabow mana jirin cid ka cabaneysay madaxweynaha iyo qof ka waji dadbayey, waxa kale oo uu ahaa kulan shakhsi kaste oo goob joog ka ahaa uu ku qanacsanaa oo waliba ku faraxsanaa aragtida iyo kulanka madaxweynaha, runtii Aniga waxaa ii muuqatey madaxweynaha oo qof kaste oo uu la kulmo balan u qaadaya wuxuuna raacinayey haddii hawshu igu badato oo aan iloobo fulinta balanqaadkan fadlan I soo xasuusi laakiin nasiib xumo ma aan arkin qof kaliya oo odhanayey amma madaxweynaha weydiinayey sideen kuula soo xidhiidhi karnaa haddii aad ilowdo balanqaadkan, taasna waxaa Cabdirisaaqow laga cabsi qabbaa in ay keento siddii caadada ahayd in madaxweynaha warbaahinta loo mariyo xasuusinta balantii uu qaadey kadibna Axmed Siilaanyo siddii dhaqanka u ahayd arrintaas wuu ka xanaaqi doonnaa oo waliba dhagaha ayuu si fool xun uga fureysan doonnaa fulinta balanqaadkii uu la galey waxgaradka reer Awdal dabadeedna wareerka iyo weerarku halkaa ayey ka billaami doonnaan illaa uu madaxweynuhu booqasho dambe ku yimmaado magaalada Borama haddii Eebbe idmo”.

Wariye Khadir Taraar Goob Joog waxa kale oo aan wax ka weydiiyay sida uu ahaa dareenka dadweynaha reer Borama ee ku aadan socdaalkii madaxweynaha waxaana uu yidhi “Walaal jawiga magaalada Borama iyo ka bulshada ku dhaqan waxba kama duwaneyn muuqaalka ay lahaayeen maalmaha kale laakiin goobaha la isugu yimmaado amma laga cabo shaaha iyo bunka waxa aad loogu hadal hayey amma falanqeynayey kulanka dhex marey madaxweynaha iyo madax dhaqameedka waxaana dadka badankoodu lahaayeen madax dhaqameedka waxaa seegtay oo hoos martey in ay madaxweynaha ku yidhaahdaan haddii aad ilowdo balanqaadkan waxa ku xasuusin doona Xirsi Cali Xaaji Xassan”.

Horaa loo yidhi nin garasho leh su’aashii hore ka gudub sidaas darteed haan soo gunnaanado wareysiga “Malaha muxtarimka reer Awdal xaga ay u jeedaan waa xidigaha cirka, sababta oo ah masuulka xilalka ka dhacey dacwadiisu kuma haboona warbaahinta ee waxa ay ku wannaagsan tahay in la iska aamuso amma la fadhiisto miiska xisaabaadka ee xafiiska Madaxtooyada Somaliland waayo labbadaas waxaan ahayn horaa waxtar looga waayey”.

Abdirisaq Mohamed Barkhad
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles