Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

War maanaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?!!! Waa yaabee maxaa ka si ah goboladan Khaatumo?!!!

$
0
0

War maanaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa?!!! Waa yaabee maxaa ka si ah goboladan Khaatumo?!!!

Ka dib dagaalo sokeeye, oo doog iyo qalaylba cunay, sababayna saddex iyo labaatan sanadood oo burbur iyo darxumo oo dhan ah, guud ahaan Soomaaliya, iyo maanta oo aynu ku jiro xili kala guur ah, waxa muuqata in aanay weli dadka ku abtirsada gobolada Khaatumo, waxba ka baran sooyaaladii xanuunka badnaa ee soo maray, iyo siyaasadaha iyo shirqoolada qorshaysan ee

Deegaanadooda ku xeeran, iyo in lagu jiro waqti kama dabays ah, ayna arimuhu ku dambayn doonaan “Lax waliba shilalka ay isdhigto, ayaa lagu qalaa”!!! sanad iyo badh mudo hada laga joogo, dadka deegaanadaasu waxay ku kaceen hawl aad u balaadhan, oo taariikhda baal dahaba uga gashay, waxayna ahayd markii ugu horaysay, ee ay dadka deegaankaasu si isku

Duubni ah, u samaystaan maamul iyaga u gaar ah, kaas oo ay ummada Soomaaliyeed oo dhami soo dhowaysay, laguna bogaadiyay, iyada oo karaamadii iyo sharafta ay beeshu bahwaynta Soomaaliyeed ku dhex lahayd dib u soo nolaysay, waxad se moodaa in maalmahan dambe ay beesha dhexdeeda ka soo yeedhayaan buuq, khilaafyo la abuuraayo,arima yar yar oo la buun

Buuninaayo, hadalo ma dhalays ah, oo aflagaado iyo xumaato uun xambaarsan,websityo aan masuul ahayn, oo qoraalo caantayn ah, oo xumaan iyo colaad lagu hurinaayo, dadkana lagu kala fogaynaayo,  hadba soo qoraaya!!! Arintan oo shacabka reer Khaatumo ee xalaasha ah, inta waxgaradka ah, inta mustaqbalka iyo aayaha wanaagsan hiigsanaysa, inta aanay mabda’ooda ka

Leexin  shilimaad sumaysan, oo lagu dhagraayo, ayay arintan iyo shirka aan loo dhamayn, ee qaarkood ku hadaaqayaan, in aan cidna loo joojinayn, oo la qabanaayo, ay wel wel iyo walaac ku abuurtay, waxayna soo xusuusisay fashilaadii ka timid shirkii Nairobi-Buurawadal ee aan loo dhamayn, iyo sidii ay beeshu ugu kala fogaatay, taas oo aan moodaayay in aynu

Duruus badan oo muhiim ah ka baranay, oo ay ugu horayso in aan waxaan loo dhamayn soconayn, maalka iyo juhdiga la geliyaana ay khasaare ku dambaynayaan, Khaatumo waxay ku tisqaaday, oo loogu guulaystay, waa in loo dhamaa, oo raali lagu wada ahaa, waana taas rasiidhka keli ah, ee aan iib gaynay, ee laynagu aqoonsaday Soomaaliya gudeheeda iyo

Debedeedaba, Khaatumo dhisideedii waxay inaga dhigtay dad leh meel ay ku abtirsadaan siyaasada ka jirta maanta Soomaaliya, waxaynu kaga soo baxnay god dheer oo gudcur ah, oo aynu waqti dheer ku hoos duugnayn, waxaynu dhadhaminay macaanka iyo neecawda karaamada, sharafta iyo midnimada, waxaynu noqonay xubin muhiim ah, oo ka dhex jirta

Bulshawaynta Soomaaliyeed.intaas oo waanaaga ka dib, ma waxaa jira dad u xiisay kala qaybsanaantii, godkii gudcurka ahaa, iyo sharaf iyo karaama daradii aan soo maray?!!! waa maxay maamulka hawada laga kala dareerinayaa?!!! Waa maxay wasiiradan iyo wasiira ku xigeenada qooq dartiis doobinaaya, ee xamaasada iyo colaada hurinayaa, iyagoo ka soo

Horjeestay maamulkoodii iyo madaxdoodii?!!! Ooda dhacameed siday u kala sarayaan, baa look ala qaadaa ee, waa maxay shirarkan lays barbar eryayaa?!!! Waa maxay hadalka ma dhalayska iyo caqli darada ah, ee shirka Taleex waa muqdas, kii diidana loo joojin maayo?!!! waa maxay ragan siman ee isku derejada ah, ee qaarna la kool koolinaayo, oo cirka iyo samada loo

Qaadaayo, waxaanay ahayna laga dhigaayo, qaarna burushka  wasakhaysan lala daba joogaa?!!! Ma waxa maanta laga ilaalinayaa Khaatumo, oo lagu andacoonayaa, in uu duminaayo, oo horgale loogu yeedhayaa, burush wasakhaysana lala dabajoogaa, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), oo wax walba oo dantiisa ah u huray, danta guud ee Dhulbahante, cid kasta oo ka soo

Horjeesatana ay isku seegeen?!!! Ma garaad Saleebaan aabihii Khaatumo, la’aantiisna aan Khaatumoba jirteen, ayaa maanta lagu andacoonayaa in uu Dhulbahante kala qaybinaayo, oo uu Ugaadhyahan u wareejinaayo Puntland?!!!! Caqligaas baan nacay!!! Maanta waxaa noo muuqda Sinaariyoogii Nairobi-Buurawadal ee lagu fashilmay, kii beeshu ku kala irdhowday, dadka

Wadaana waa isla kuwii hore! Maanta sidaan soo xusay waa xili kala guur ah, dushaada ayay dowlada Xasan Culusow iyo SNM ku gorgortamayaan! Adna waad ka maqantahay! Haday tii hore oo kale dhacdona, way adkaan sida dib dambe cagaha laysugu taaga! Sidaas darteed, war hooy hadaan doonayno in aan wax noqono, ha la isu joojiyo, oo yaan talada qaarkeen isku gaar

Yeelin, caqliguna ha shaqayo, oo hareerahaaga eeg. Beesha Ugaadhyahan waa beel balaadhan oo muhiim ah, waana beel Dhulbahante ah, taariikh kasta oo goboladan soo martayna, mar walba doorka ugu wayn ka qaadanaysay, hase yeeshee Ugaadhyahan Dhulbahante la’aantiis waxba noqon maayo, sidoo kale Dhulbahantena Ugaadhyahan la’aantiis waxba noqon maayo, wax u

Qabsoomayaana ma jirto! waa xaqiiqa aan cidna iska indha tiri Karin, sidaas darteed shirka Dhulbahante ee Ugaadhyahan ka maqan yahay, ma soconaayo, Ugaadhyahana gooni isuma taagi karo, markaa waa labo isu baahan, oo aan marna kala maarmayn. Haday sidaas tahayna waxaa waajib ah siday isku raaceen Isimadii Boocame ku shirsanaa, in dib loo dhigo shirwaynaha

Khaatumo, inta uu ka soo dhamaanyo kan Ugaadhyahan, hadalada xumaan abuurka ah, ee dadka kala fogaynayana, ha iska dhaafaan kuwa lagu ibtilayay, oo ha u soo noqdaan danta guud ee beesha, yaana laysku deyin sidaan maalmahan maq maqlaynay in beesha Ugaadhyan la qayb qaybiyo, oo lagu andacoodu in qaarkood shirkaa diidan yihiin!!! Taas waa caadada xun, ee ay

Inagu isticmaalaan maamulada hareeruhu, oo runtii inaga arkay, oo inaga bartay!!! Waxana sidaas inagu sifowday, odhaahda ah “sidaad u dhaqanto, ayaa laguula dhaqmaa”!!! waan ka xumaanaa, marka maamulada hareeruhu yidhaahdaan, mid horgale ah, oo iyaga u shaqaya baa Dhulbahante metela!! Laakiin inagu isla tii baynu gudeheena isaga isticmaalaynaa, sidaad u

Dhaqanto, ayaa laguula dhaqmaa!!! Shirka Ugaadhyahan faa’iido ayaa ugu jirta reer Khaatumo oo dhan, waxay ka shirayaana waa cad yahay, waana laba arimood, oo tan hore tahay, in ay xaliyaan mashaakilka iyo mad madowga dhexdooda ah, tan labaadna ay tahay in ay isla meel dhigaan, oo la hor yimaadaan shirwaynaha Khaatumo, wax badan oo ay ka tirsanayaan

Beelwaynta Khaatumo, siiba wixii lagu heshiiyay markii maamulka Khaatumo la aasaasay, ee ay ahayd in la qabto ka hor shirwaynaha Khaatumo, markaa waxaan shaki ku jirin, in kuwa qayl qaylinaaya, ee leh shirka Khaatumo ee Taleex waa muqadas, iyo cidna loo joojin maayo, waa kuwa boodh isku qarinaaya, oo doonaaya in hadba shirar iyo dig dig ay kaga baxsadaan, in lala

Xisaabtamo!!! Bal waa la xisaabtamayaa, ee nin walowba u soo diyaar garaw. Arinta Gen. C/Samad Cali Shire, ee buuqa badan kicisay, kuwa badan oo aan daacad ahaynina ay gaashaanka ka dhiganayaana, in kasta oo uu u shaqeeyo maamul hagardaamo iyo colaad ku haya dadka iyo deegaanka uu ka soo jeedo, hadana isagu marna wax dhib ah, oo toos ah uma gaysan dadka iyo

Deegaanka, bal wuxuu ruuntii ku amaanan yahay, in uu tiisa ka doorbiday, in uu kala badbaadiyo dadkiisa, waa markii shirkii Khaatumo2 ka socday Taleex, waxaan la dafiri Karin, in hadii uu Gen. C/Samad carqaladayn lahaa, aan shirkaasu dhaceen, Taleexna dhiig badan oo sokeeye ku daadan lahaa, iyada oo aanay cidna ka qarsoonayn in shirkaa, oo ka dhacaayay magaaladiisii, in

Isaga lagu mijaxaabinaayay, waxa kale oo xusid mudan in maalma yar ka hor shirkaa, magaalada Taleex lagu dilay laba nin oo qoyskiisa ah, qowska reer Cali Shire ah, bal se waxaas oo dhan wuxuu Gen. C/Samad ka doorbiday in uu dhiiga dadkiisa kala badbaadiyo, wuxuuna u ogolaaday in Dhulbahante si nabad gelyo ah ugu shiro Taleex, aayahoodana ay ka tashadaan,

Marka maanta ma waxaas oo qaylo iyo aflagaada ah, ayuu reer Khaatumo ka mudan yahay, ninkii tolkii sidaa u kala badbaadiyay, isagoo cadayay wuxuu u yimid Taleex, oo ah in uu heshiisiiyo beesha reer Taleex, ee uu ka soo jeedo, iyo in uu ajiibay hadalkii garaadkiisa ee shirka Sarmaanyo. Kulahaa Khaatumo ayuu burburinayaa, oo yaa ka hor joogay, iyada oo aan

Dhalanba, in uu is hortaago, siiba isaga oo awood buuxda u lahaa, oo haystay ciidan tababaran, Hub iyo dhaqaaleba, inta uu maanta burburinaayo, maamul taaba qaaday, oo meel walba laga aqoonsan yahay?!!! Waxaan shaki ku jirin haduu maalintaa Gen. C/Samad ahaan lahaa horgalayaasha dhulbahante, ee maamulada hareeraha ku jira, ee aan wada naqaan, oo uu ugu

Dambeeyay, kii jaahilka ahaa ee dhowaan dhibta ka gaystay degmada Fiqifuliye, iyo qaar badan oo qarsoon, oo inagu dhex jira, biya uma kabadeen, in ay Taleex dhiig ku daadiyaan, tolkoodna xabad isugu dhiibaan!!! Bal se Gen. C/Samad ma yeelin taas, mana aha kuwaas oo kale, ee Jananka aflagaadada ka daaya, oo ixtiraama, qaderiyana wuxuu sameeyay, iyo abaalka uu reer

Khaatumo ku leeyahay. Dhanka kale gudiga fulinta Khaatumo (G7), waa madaxdayadii, waa siyaasiyiintayadii, waa aqoonyahanadayadii, waa haldoorkii Khaatumo, waxayna naga mudan yihiin ixtiraam iyo qaderin oo dhan, waxaanu u ogolahay in ay anaga wax nagu noqdaan, iyana aanu wax ku noqono, runtii wax badan bay qabteen ilaa maalintii Khaatumo la dhisay, waana ku

Bogaadinaynaa, oo uga mahad celinaynaa si aad iyo aad ah, hase yeeshee iyaguna dhaliilo iyo in la xisaabiyo kama madhna, anigu shakhsi ahaan qodobadan soo socda baan ku soo koobayaa dhaliishooda sidaan u arko: (1) waxaad moodaa iyaga oo muda dheer dalka ka maqanaa, in ay fahmi kari waayeen, sidii ay ula macaamili lahaayeen shacabka iyo maamulkii ay iyagu

Dhiseenba, la xidhiidhistooduna uu aad ugu yaraa. (2) in aanay u dhega nuglaan dareeno uga yimi shacabka qaarkiis ama guud ahaanba, sida arintii dhaqaalaha, oo bilowgiiba dareenada qaybaha shacabka qaarkood uga yimi ay dhegaha ka furaysteen, ilaa arintu gaadhay ugu dambayn halka aynu isla wada ognahay. (3) in ay dhiseen maamul aan kala dambayn lahayn,

Sababna ay u ahayd iyagoo iyagu dhamaantood wada magcaabay, halkay ka ahaan lahayd in golaha madaxtooyadu, iyagu soo magcaabaan wasiirada la shaqayn doona, si ay u jirto kala dambayn iyo kala amar qaadasho. (4) in ay kordhiyeen tirada golaha fulinta, oo markii hore ahaa todoba xubnood marka lagu daro Dr. C/Kariim, taas oo hoos u dhigtay kalsoonidii shacabku ku

Qabeen golaha fulinta, siiba markay ka soo dhex muuqdeen, xubno aan shacabku isku raacsanayn, iyo iyadoo albaabada u furtay, mar hadii hebel lagu daray, maxaa hebelna loogu dari waayay ama heblaayoba. Arimahaa iyo kuwa ay dad kale qabaanba, waxay golaha fulinta uga baahan yihiin fiiro gaar ah, iyo in aanay fududaysan dareenka shacabkooda, wax aanay

Jeclaysana aanay dusha kaga keenin. Ugu dambayntii waxaan ku kalsoonahay, in golaha fulintu ay si hoose dedaal ugu jiraan xalinta khalaafyada yar yar, ee hada ka dhex muuqda bulshada Khaatumo, siday samayeen Isimaduba, waxan dhamaan u rajaynayaa guul, Khaatumo meel fiican bay inoo maraysaa, ee yaan dib loo noqon, waxaana shacabka Khaatumo u rajaynayaa guul, barwaaqo iyo horumar.

Wabillaah atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles