Waxaynu ku eegnay qaybti kowaad seddex xisaabooh oo WAsiir Samaale buuxsaday si uu u helo hanti aanu cidina weydiisan oo sida uu doono ugu tagrifalo. Waxa ayaan darro ah in Golaha Hurda ee Wakiiladu yahay wax matare aan meeshan banayn. Waxa hubaal ah in halka Soomaliland ka socon ladahay tahay jileeca ku jira Golaha ood moodo inay isagu tageen aqoon yarri iyo dhoohanaan. Miisaaniyaddu waa tan kaliya ee Golaha awood u yeeleysa hadday u maamulaan sida dauurku oggolyahay. Cidda daba galka u lihi waa iyaga. Cidda dalban karta xisaab xidh iyo warbixin sedddex biloodle ihi waa iyaga, cida hantidhowrka hawlgelin karta waa iyaga. Intaas oo dastuurku u oggolyahay ayey ka hurdaan. odhan maayo waa la laaluusha ee masuuliyad darro ayaa ku habsatay.
Maantana waxaan idin horkeeni seddex xisaabood oo kale oo Sheekheena ayadaha quraanka ku muraadsadaa uu buux dhaafsaday si uu u helo xantoobin xeeladaysan.
KHRASHKA SAMEYNTA MIISAAANIYADDA oo ahayd 2012, lacag dhan 462 Milyan waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 962 Milyan, korodhsiino 500 Milyan una dhiganta 108%
DHIIRIGELINTA IYO ABAALMARINTA oo ahayd 2012, lacag dhan 200 Milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 500 Milyan. korodhsiimo ah 300 milyan una dhiganta 150%
HABEEN DHAXA TRAVEL ALLOWANCE oo ahayd 2012 lacag dhan 219 Milyan, waxuu ka dhigay 432 Milyan, korodhsiimo ah 213 Milyan una dhiganta 97%.
Kolkaad isu geyso seddexdan xisaabood oo keliya halkay 2012 ahaayeen 881 milyan, waxuu ka dhigay 2013, lacag ah 1894 milyan, korodhsiimo ah 1013 milyan una dhiganta 115%.
Haddaba ma tahay wax maquul ah in labajibaar iyo wax ka badan ay xisaabahani hal sano ookaliya isu bedelaan. Meedey se xisaabtii dhabta ahyd ee 2012 la khrashgareeyey. Sabab la’ aanta loo kordhiyey lacag intaas leeki waxay ina tusaysa masuuliyad darraanta ciddi horjoogsan lahayd boobkan cad oo ah Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada.
Khrasha loo bixiyey sameynta miisaaniyadda maxa ka dhigey inay laba jibaar iyo siyaade noqoto illeyn awalba waa la sameyn jiray oo waa shaqo maalmeedka wasaaradde..
Sheekha hadalka macaani bal heyno bayaamiyo waxa kalifay inuu lacagta intaas leeg ku darsado miisaaniyadda oo uu si guracan u isticmaalo lacagta ay ka ooman yihiin kuwii laga soo uruuriyey, kuna baxaysa meel ayna oggayn.
Madaxweyne Alle ku tuso inta wanaagga kula jecel eed eryanayso iyo inta xumaanta ku maleegeysa eed hoosta gashanayso. Alle ha ku tuso hanti boobka la farsameeyey iyo baahida dalka taala. Aamin.
Cabdi Xaaji Axmed