Nin sigtay ma baxsan, mooshinkii baarlamaanka waa lala laabtay ee ma fashilmin, dowladuna ha u naxariisato brakacayaasha iyo masaakiinta!
Waxay ahayd 23kii May maalin farxad, damaashaad iyo dabaaldeg u ah dowlad federaalka, ee hogaamiyo madaxwaynaha Xasan Shiikh Culusow iyo taageerayaashooda, ka dib markii ay xukuumadu ka badbaaday mooshin, ay baarlamaanku rabeen in ay kalsoonida kagala noqdaan xukuumada, waxaa la soo abaabulay banaan baxyo ay samayeen dumarka iyo caruurta
Masaakiinta ah, ee sida qasabka ah looga soo ururiyay xeryaha barakacayaasha, kuwaas oo aanba fahamsanayn waxa ay u banaan baxayaan, wejiyadoodana aad ka arki kartid diifta iyo darxumada ay ku sugan yihiin, ayaa inta bacad la tagay iyagoo ku dhawaaqaayay hal kudhegyo loo soo laqimay, iyo boodhadh lagu amaanaayo horumaro la sheegay in ay dowladu ku
Talaabsatay!!! Bal se aanay iyagu waxba kala socon fahamsanayna. Mid taas ka gedisan xubnihii baarlamaanka, ee iyagu mooshin ka noqday, odayadii dhaqanka ee qancintooda ka qayb qaatay, iyo taageerayaashii dowlada, iyaga waxaa xaflado casuumada ah, loogu samayay Hudheelada Muqdisho ugu waawayn, iyaga oo halkaa kula qadayay, oo kula sheekaystay
Madaxda dowlada ugu sar saraysa, oo uu ugu horeeyo madaxwaynuhu!!! May 21dii iyana waxay ahayd maalin taas aad uga duwanayd, oo waxay ahayd maalin ay xukuumada la soo deristay welwel iyo walaac aad u xoogan, iyo niyad jab baahsan, oo ku dhacday iyaga iyo taageerayaasha dowladaba, iyada oo ay maalintaas maalin uga hadhsanayd waqtigii gudoonka
Baarlamaanku, u mudayay in lagaga doodo mooshinkii, ay tiro kor u dhaafaysa boqol xildhibaan dabada ka riixayeen, kuwaas oo xukuumada ku eedaynaayay waxqabad la’aan, iyo awoodihii haya’ada fulinta iyo weliba gudoonkii baarlamaanka, oo isku dhex milmay, taas oo ay ku adkaatay haya’ada sharci dejinta, cidii ay kala xisaabtami lahayd hawlaha dowlada, bal cadishay
Hawlihii baarlamaanka oo dhan, iyada oo ay noqotay haya’adii sharci dejintu magac-uyaal, isla arintan iyada oo ay jireen dedaala hore oo midha dhal noqon waayay, markii ay xildhibaanadu ku adkaysteen in mooshinka laga dodo, oo xukuumada codka kalsoonida loo qaado, waxay dowladu maalintaa soo abaabushay sidii caadadu ahaan jirtay, banaan baxyo lagaga soo horjeedo
Mooshinkaa, iyagoo ka soo ururiyay xeryaha barakacayaasha dumar iyo caruur iyo dad masaakiin ah oo diifaysan, oo iyana xaafadaha Muqdisho laga soo ururiyay, oo loo soo laqimay, boodhadhna loo dhiibay lagu soo qoray erayo iyo hal kudhegyo lidi ku ah xubnaha baarlamaanka ee mooshinka dabada ka riixaayay, bal erayo iyo hal kudhegyo qadaf iyo ihaano
Loogu gaysanaayo xubnahaa baarlamaanka, ee waajibkoodii wadaniga iyo distuuriga ahaa gudanaaya, waxa ka mid ahaa hal kudhegyadaa “mina aase iyo mooshin keene waa isku mid”!!! ma aragtay ihaano, bahdilaad iyo aflagaado intaa ka wayn, oo lagula kacay masuuliin sumcad, karaamo iyo sharaf leh ummada ku dhex leh, oo aanay jirin wuxuu dhimay, aan ka
Ahayn in uu guto xaqqiisa wadaninimo iyo waajibkiisa distuuriga maahee! Marka lala meel dhigay nin mujrim ah, oo miino ummada u aasaaya! Waxay kale oo dowladu u adeegsatay, is hortegista mooshinka baarlamaanka, warbaahintii qaranka sida Radio Muqdisho, Telifiishanka qaranka (SNTV), iwm, oo ah hantida qaranka ka dhexaysa, oo ay u simanyihiin haya’ada fulinta
Iyo tan sharci dejinta iyo dhamaan haya’adaha iyo qaybaha kale ee dowlada iyo shacabkuba, waxaan iyana meesha ka maqnay, oo ka qayb qaatay ihaanada iyo bahdilaadaa loo gaystay baarlamaanka, si kastaba sababta ku kaliftay ha ahaatee, qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay, siiba Telifiishanka Somalichannel, laantiisa Nairobi,oo runtii aan ku tirin jiray
Warbaahinta dhex dhexaadka ah, waa wax aad looga xumaado, in uu ka qayb qaato ololaha dowlada, ee sharci darada iyo nin jeclaysiga ah, iyo in lagu eedeeyo, oo lagu aflagaadayo masuuliin sharaf iyo karaamo ku dhex leh ummada, oo waajibkoodii wadaniga iyo distuuriga ahaa gudanaaya.Tan kale ee aan rabo inaan ku baraarujiyo haya’adaha ay khusayso ee gudaha
Iyo caalamkaba iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, inay ka hortagaan, oo ay cambaarayaan, dadkan barakacayaasha iyo masaakiinta ah, ee ay dowladu soo abaabulayso, ee maalin walba la bacad joojinaayo, iyaga oo aan quutu daruurigoodii haysan, iyo iyada oo aanay wax dheef ahi ka soo gelin dadkaa, hawshaa adag ee lagu qasbay, bal dadkan waxa dhacda in dhibaatooyin leh
Dhimasho iyo dhaawac, ay ka soo gaadhaan banaan baxyadaa, oo aan cidna loo raacin, sidii dhacday ayaamihii dowladii Shiikh Shariif, maalintan dhowaydna way dhici lahayd, hadaanay xildhibaanadii mooshinka watay xil iska saarin, oo la laaban mooshinkii, dadkan waxa laga soo abaabulaa xafiiska madaxwaynaha, kan ra’iisal wasaarah iyo kan gudoomiyaha gobolka
Banaadir, arintanu sida runtii ah waa adoonsi, waa dad muwaadiniin ah, oo dalkoodii hooyo lagu adoonsanaayo!!! Sababtoo ah waa dad baahan, oo ay barakiciyeen abaaraha iyo duruufaha qalafsan, ee wadankeena ka jira, marka waxa looga faa’iidaystay, oo lagu adoonsanayaa, baahidooda iyo xoogaaga garaamada ah, ee ay haya’adaha samafalka dowliga ahi siiyaan!!!
Yaana adoonsanaaya weliba?!!! Waa dowladoodii ay ahayd in ay ilaaliso amnigooda iyo xuquuqdooda muwaadinimo, sidaas darteed waxaan ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed iyo haya’adaha ay khusaysoba ama ku wadani ah ha ahaadeen ama kuwa dowli ah ee , in arintaa laga hortago, oo laga dalbado dowlada federaalka in ay u naxariisato, oo aanay xuquuqdooda ku
Xadgudbin dadkaa muwaadiniinta ah, ee taagta daran, ee tabaalaysan. Aan ku noqdo mawduuca ee, dowladu waxaas oo dedaal ah, oo ay ku bixisay is hortaagista mooshinku, midha dhal wuu noqon waayay, arinkii wuxuu noqday alamtara soo dhaaftay, halkan waxay bilowday dowladu, in ay marka qasnadaha dowlada furto, si ay ugu kala fur furto xildhibaanada mooshinka wata,
Waxayna u kala fur furtay qaab beelaysi ah,waxayna ku bixisay arintan dhaqaale aad u tira badan, oo ay ku laaluushtay xildhibaanada qaar iyo odayadoodii dhaqanka iyo weliba warbaahinta dowlada kala qayb qaadatay, ololaha ka hor imaanshaha mooshinka baarlamaanka, oo uu shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalku ka qatan yihiin, xogo ay warbaahintu heshay
Iyada oo aan Soomaalida waxba ku kala dhex qarsoomin, si ay uga noqdaan mooshinka,waxay dowladu siisay koox ka mid ah xubnihii baarlamaanka, ee xukuumada mooshinka ka keenay, oo tiradooda lagu sheegay 60 xildhibaan, midkiiba £4000-USD, halka $30,000-USD laga siiyay odayaashoodii dhaqanka ee qancistooda ka qayb qaatay, waxa intaas dheer mansabo muhiim ah
Oo loogu balanqaaday qaarkood ama dad ka soo jeeda beeshooda, waxa iyana qayb libaax ka helay qasnada dowlada warbaahintii ka taageertay dowlada ololahaas, oo iyana lagu sheegay lacagta la siiyay £10,000-USD, lacagtaas oo isu gayn noqonaysa £280,000-USD, taas waxaa dheer xildhibaano iyo oday dhaqameed kale, oo gooni gooni iyana wax loo siiyay, ku dar
Kharashkii xafladaha, casuumadaha iyo abaabulada, oo aan mudo todobaad ah ugu yaraan kala joogsan, waxaas oo dhaqaale ah wuxuu ka baxaayay qasnada qaranka. Hadaba arintan dambe waxay noqotay midha dhal aad iyo aad, waxana dowlada u suurtowday in ay ku kala fur furto xubnihii baarlamaanka ee mooshinka waday, iyada oo ay ku adkaysashada mooshinka ay ku soo
Hadheen xubna aan tiradoodu ka badnayn 40 qof, kuwaas oo iyana markaas la laabtay mooshinkii sida uu sheegay xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf, si aanay xukuumadu kalsooni cusub u helin, iyada oo waqtigan ay xubna badan, oo baarlamaanka ka mid ahi dalka ka maqan yihiin, ayna u suurta gasho in ay muda dambe, oo aan fogayn ay soo celiyaan mar kale mooshiinkaas,
Hadaba hadaba iyada oo muda aad u yar xukuumada mooshin lagaga keenay, iyada oo lagu eedaynaayo wax qabad la’aan, waxaa ku sifoobaysa odhaahda ah: “ nin sigtay ma baxsan”, mooshinkii ma fashilmin, ee waa lala laabtay, waxaana shaki ku jirin, in ay arintanu tahay falaadh weli xukuumada ku taagan, waxay se su’aashu tahay iyada oo aynu ujeedno in madaxdii
Dowlada ugu sar saraysay, ay maalin walba sharciga iyo distuurkii lagu heshiiyay ay si badheedha u jebinayaan, laaluushka iyo musq maasuq oo dhamina u noqday mid dowlad oo dhan hadheeyay, ma idin la tahay in ay suurta gal tahay in aan dulinimada iyo darxumada aan ku jiro, uga gudbayno qaranimo, sharaf iyo karaamo?!!! Waa jawaab aan aqristayaasha u daayay.
↧
Nin sigtay ma baxsan, mooshinkii baarlamaanka waa lala laabtay ee ma fashilmin, dowladuna ha u naxariisato brakacayaasha iyo masaakiinta!
↧