Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Walaalaheen Isaaq waxay rabaan inay Berbera iyo Hargeysa dhuuqaan Gadabuursina cagtooda ku hoos jiro.

$
0
0

Marka hore waxaan salaamayaa maamulka shabakada harowo oo noo suurto geliyey  hadaan nahay reer awdal salal  gabiley iyo harawo inaan fikirkayaga ku soo daabacno harowo.com halka kuwa kale ay xirsi tooriile iyo siiraanyo kaga sheekeeyaan.
Sidaad la socotaan beesha isaaq waxay goosatay inay somaliland weligeed sidaas ahaato bilaa aqoonsi ilaa 100 sano weligeedna aanay somaliya dib ula midoobayn. Mowqifkaas ay is taageen iyaga dan weyn ayaa ugu jirta laakiin gadabuursi wuu ku burburayaa.
Ujeedada ugu weyn ee ay u rabaan isaaq inuu gooni isku taago waxa weeyi waxay doonayaan  inay dhaqaalaha gobolada waqooyi  iyo xukunkaba ay iyagu isku shushubtaan oo ay iska dhuuqaan gadabuursina ay isku haystaan xoghaynta borama.
Isaaq dhaqaalaha berbera ka soo baxa dhamaan iyagaa leh laga bilaabo xamaal ilaa wasiirka. Hargeysa dhamaan iyagaa maamusha wasaaradaha iyo hayadaha .golaha wasiiradu waa wada isaaq halka guurtida iyo baarlamaankuna yahay isaaq. Markii siiraanyo fuuley kursiga wuxuu bilaabay inuu burco gaadhsiiyp hargeysa oo hayadihii ayuu badh ahaan u xawilay inay ka hawlgalaan burco maantana burco intaa uu xukunka hayey waxaa loo airport iyo mashaariic waaweyn.
Isaaq wuxuu ku tashaday inuu waqooyi sidaas maanta uu yahay weligii iska ahaado hadaba ayey dani ugu jirtaa ma gadabuursi mise isaaq.
Dawlad ka maaranta taageerada caalamka ma jirto gadabuursina dawlad la aan ma noolaan karayo ee maxaa mala ah. Qabiil ogaaladay inuu  qabiil hoos fadhiyo waa dhibaato sideese looga baxayaa si dadkeena nolol loogu raadiyo.
Waad ogtihiin in sadex sano saami qaybsi aynu la hor fadhino isaaq sidii caruurta ayey yidhaahaan waan dhameynaynaa in kasta oo cabasho jirto hadana xaga nabada ayaa gadabuursi  saami looga dhigaa oo farta loogu fiiqaa.
Waad maqlayseen shalay suldaan baade wuxuu yidhi cabashadayada waad dhegaysataan laakiin wax jawaab ah weligeed lanagumo soo celiyo.
Hadaba gadabuursi ma waxay diyaar u yihiin 80 sano oo soo socda inay ka xidhnaadaan caalamka intiisa kale ileyn 20 socotaye waa boqolkii sano ee siiraanyo qabtay.
Ma waxaad rabtaan in gadabuursi oo milyan ku dhow inay jago oo borama la islu haysto iyadoo aad ogeydeen awel hore badhsaabka ayaad isku haysan jirteen tiina isaaq baaba soo doontay halka maaliyada cashuuraha bankiga iyo dhandhanaan leh gobolka awdal waxaa jooga isaaq.
Bal u fiirso saylac waxaan golaha degaanka ahayn waa isaaq….sumxaana alaah…….
Gadabuursi oo xaalkiisu sidaas yahay ayey weliba intaa isaaq khiyaamo iyo dhabarjabin maleegayaan sida mashruuca ciise oo ay iyagu isku keen dirayaan.ciise wuu ogyahay inaanu degaan ku lahayn somaliya way ka faani jireen somaliya .waxayna gadabuursiga djinouti ku odhan jireen  saalax diidooy saylac baad tegi macnaheedu waxaa weeyi saalax wuxuu duqii djibouti ama maayarkii djibouti ee waqtigii gadabuursi iyo ciisuhu djibouti balbala isku layn jiray.saalaxna markaa ciisaha ayuu u hiilin jiray isagoo weliba abtigii sheekh awgaab koriyey.
Isku soo wada duuboo gadabuursoow kala doorta 80 sano oo soo socda oo aad bilaa aqoonsi baa dhaqaale bilaa shaqo bilaa caafimaad bilaa dawlad aad ahaataan oo reer inila mid ah cashuurta iniga gurto iyo inaad tashataan .
Waad arkaysaanhorumarka ka socda berbera hargeysa iyo burco reer baa iska leh adigana madaxa ayaa lagaaga fadhiyaa.
Waa inaad si deg deg ah UN iyo AU  iyo EU aad ugu gudbisaan codsigiina sidii qaybtiina wixii mucaawimo loo dirayo somaliya aad u heshaan. Inta aan dadku dhaqaale xumo u dhamaan waana sida siiraanyo ugu talo galay gadabuursi in dhaqaale xumo u dhamaado

Elmi montikarlo
Elmiking@hotmail.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles