Magaalada Borama waxa ay ka mid tahay degmooyinkii hoos tagi jirey gobolka Waqooyi Galbeed balse markii uu Marxuum Maxamed Siyaad Barre 1984kii ku dhawaaqey amma bixiyey gobolka Awdal waxa ay degmada Borama noqotey degmo madax bannaan oo maamul ahaan ay hoos yimmaadaan saddexda degmo ee kala ah Saylac, Lughaya iyo Baki.
Haddaba intii ka dambeysay sannadkii 1984kii waxa magaalada Borama soo marey illaa sagaal Mayor oo kala ahaa.
1. Maxamed Xasan Maaful AUN 1984kii illaa 1991kii (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).
2. Xuseen Cawaale Wabar 1992kii illaa 1996kii (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).
3. Ciise Axmed Nuur 1996kii illaa 1999kii (Habar Cafaan/Muusafiin).
4. Ibraahim Magan Nuur AUN 1999 illaa 2000 (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).
5. Maxamed Daheeye Ismaaciil 2000 illaa 2002 (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).
6. Maxamed Muuse Bahdoon 2002 illaa 2003 (Habar Cafaan/Xeebjire).
7. Cabdiraxmaan Sheekh Cumar 2003 illaa 2007 (Makaahiil/Reer Nuur).
8. Cabdiraxmaan Shidde Bille 2007 illaa 2012 (Habar Cafaan/Muusafiin).
9. Saleebaan Xasan Xaddi 2012 illaa immika (Jibriir Yoonis/Reer Axamed).
*Intii u dhaxeysay sannadihii 1991kii illaa 1992kii oo lagu tilmaamo wakhtigii dalku ku jirey marxalada adag ee salka ku haysey ka soo kabashada dagaalkii sababta u ahaa burburka Soomaaliya waxa degmada Borama ka talinayey 21 Odey oo ahaa xulka haldoorkii hore ee reer Awdal.
La soco qeybaha kale…………….,
Fiiro gaara; Qormadda xigta waxaan ku soo qaadan doonnaa waxqabadkii kala duwanaa ee ay sammeeyeen guddoomiyayaashii soo marey maamulka degmada Borama.
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com