Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

JAWAAB. Wax ka baro Maayaradii Boorama soo maray iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

$
0
0

 

Marka hore waxan salaamayaa warbaahinta madaxa banaan gaar ahaan shabakada Harowo oo aan rajaynayo inay maqaalkeygan jawaabta ah baahin doonto maadaama ay tahay mareegta aan ka akhriyay maqaalka aan jawaabta ka bixinayo

Boorama ma 1984kii ay ay degmo noqotay? su’aashani waa qoraalkeyga gundhigiisa.

Waxan shabkada Harowo.com ka khriyay qoraal uu diyaariyay wiil la yiraahdo Cabdirisaaq maxamed barkhad . Qoraalkaa markii aan akhriyay waxan fahmi wayay ujedada uu wiilakani ka leeyahay.

cinwaanka maqaalkiisu wxuu ahaa wax ka baro maayeradii bORAMA soo maray iyo beelaha ay kasoo jeedaan!!. intaa markuu cinwaan uga dhigay bal cajiibka wuxu taariikhda degmada  Borama ka bialaabay 1984-kii. Islamarkii aan akhriyay waxan tixraac ku sameeyay wiilkan si aan ugaado heybtiisa.waxa iisoo baxday in qoraalkiisu salka ku hayo markii u horeysay ee adeerkii borama maayer looga dhigay oo ahayd 1984kii !!!!!!.

Hadaba waxa aan qoraalka wiilkan yar oo aan filayo marka aan wajigiisa eegay in uu taariikhda Borama dhalashadiisii ka bilaabay ku naqdiyayaa, waa halka uu taariikhda magaalada Boorama ka bilaabay iyo sida uu ugu sargooyay mayernimadii Alle ha unaxaristee adeerkii Maxmed Xasan maaful oo ku beegnayd 1984kii. waxbadan odhan maayo wiilka yare waxan odhan lahaa laab la kaca iyo xayeysiiska jufada hoose ee aad kasoo jeedo intaad iska dayso dib u fadhiiso oo ku noqo taariikhda maayerada Boorama soo maray iyo taariikhda magaalada bORAMA waa haddii aad doonayso in dadku ku dhageysto oo waxa aad qoraysaa macno sameeyaan.

Aan ku baro taariikhda Borama. Borama waxa dhidibada loo taagay 1920-kii. Waxa asteeyay Alle ha unaxaristee Cilmi Dheere oo wakhtigaa Ingriisku Ugaas ka dhigtay si uu isugu garaaco reer Ugaas oo uu ubaabiiyo boqortooyadii faca weynayd ee Gadabursiga. Boorama waxay ka mid noqotay lixdii Distric ama degmo ee ingiriisku aqoonsanaa.

waxad taariikhda Borama kasoo bilowday markii siyaad bare bixiyay gobolka awdal waxanse u malaynayaa inay iskaga kaa khasantay gobolnimada awdal iyo degmonimada boorama. Malaha waxad donaysay inaad ka shekeyso markii awdal gobol noqotay inta badhasaab ee soo martay, laakiin waxad ka sheekaysay inta maayer ee borama soo martay markii awdal gobol noqotay. maxaad saylac iyo lughaya iyo baki uga sheekaynwayday kuwaasaa qaarkood maayernimadoodu ka bilaabatay 1984-kiiye.

Waa run awdal waxay gobol noqotay 1984kii laakiin borama waxay ahayd degmo waligeedba jirtay oo ay soo mareen maayaro farobadan. Lixdii Distric ee ingiriiska labo ka mid ah ayaa gobolo loo dallacsiiyay, sadexdii Degmo ee kalana waxa la hoosgeeyay labadaa degmo ee gobolada loo dallacsiiyay.  Labadaa degmo ee gobolada loo dalacsiiyay waxay ahayeen Burco iyo Hargyesa. Burco waxa la hoosgeyay labadii bariga, Hargeysana waxa la hoosgeeyay labadii galbeedka.

Tarihda maayerada degmada Borama soo maray waxan u kala qaadaynaa labo, kuwii wakhtigii gumeysiga  soo maray iyo kuwa intii xornimada la qaatay soo maray. Intii gumeysiga kuwii soo marey magacdoodii ma hayo waxan ka sugayaa akhristayaasha qoraalkaygan daalacan doona haddii harowo ay iibaahiso, lakiin kuwa 1960-kii wixii ka dambeyay soo maray waxan ka garanayaa dhawr maayer oo ka horeeyay kuwa uu cabdirisaaqyare taariikhda degmanimada boorama innooga bilaabay.

Kuwaas waxa ka mid ah

1- 1960-kii, Cabdilaahi Jeermaan (J/Yoonis/Cismaan Guulo) Wuxu ahaa Maayerkii u horeeyay ee Boorama yeelato markii xornimada la qaatay

2- Bile Rafle.  Ogaadeen reer Cabdile

3-Xuseen Muuse Hodoon (Nuur Yoonis/Faarax nuur) xiligii uu qabtay sax uma hayo todobaatanaadkii qiyaastii

4- Sheekh Cabdilaahi Sh.Cali Jawhar.  Babahar Cabdalo/Xasan Weyd

Waa inta aan ka xasuusto hadii aan wax khaldanayna waan ka afeef dhiganayaa, waanad i toosin kartaan.

Maxud Cumar Momaar@yahoo.com

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles