Maddaxihii hore ee Sirdoonka Somaliland Mudane Maxamed Nuur Cismaan “Cansharaar” iyo Xaaskiisa Marwo Khadra Cali Libaax waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxey Marxuum Cabdi Caydiid Axmed waxaana ay marxuumka Illaahey uga baryayaan in uu jannadii Fardowsa ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin aamiin.
Marxuum Cabdi Caydiid Axmed oo ka mid ahaa wafti madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo saaka u raacey magaalada Gabiley laakiin xanuun ku soo boodey darteed u geeriyoodey intii jidka ay ku jireen ayaa Maxamed Cansharaar waxa uu shakhsiyadii marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa Sarkaal la soo shaqeeyay NSS-tii hore isla markaana muddo dheer ka tisanaa hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland “Waxa uu ahaa Sarkaal fir-fircoon oo daacad u ah shaqadiisa aad ayuu u dabeecad wannaagsanaa waxaanan Eebbe uga baryayaa in uu janno Fardowsa ka waraabiyo intii uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin aamiin” ayuu yidhi Mudane Maxamed Cansharaar oo ah maddaxii hore ee Sirdoonka Qaranka Somalialand.