Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Yeelimaayno Mr. Siilanyo iyo Wasiiradiisa Nidaamkii Aanu Kula Dagaalanay Af-weyne Bare Shalay.

$
0
0

Ka Yeelimaayno Mr. Siilanyo iyo Wasiiradiisa Nidaamkii Aanu Kula Dagaalanay Af-weyne Bare Shalay.

Waxaan marka hore salaan qiimo badan u soo gudbinayaa dhamaan shacbi-weynaha reer somaliland oo ku suntan tariikh wacan iyo mid nabadeed iyo xasilooni waafiya iyo mid wax qabadba aadbaanan ugu hanbalyeynayaa xasiloonida iyo dedaalka bulsho ahaaneed ee ay leeyiin.

Sida aynu la wada socono waxa in dhaweyba ka socday madaarka Casimadda JSL ee Hargeisa dhaqdhaqaaq military oo ay xukuumada Mr.Siilanyo ay ka muujinaysey iyadoon wax dhibaato ahi ka jirin oo carrigu nabad iyo reynreyn ku jiro, dhaqdhaqaaqaa military ee xukuumada Mr.Siilanyo ay muujisay ayaa waxa ay noqotay mid aad loola yaabo shacabi weynihiina ku riday fajac iyo amakkaag.

Hadii aynu isku deyno in aynu raadino wax sababi kara ficiladan fajaca iyo l’a yaabka leh ee xukuumadu kula kacday masuuliyiintii labada xusbiqaranee UCID iyo WADANI bal aynu dib u jaleecno usbuucyadii ugu danbeeyey ficilada xusbiyada mucaaradku ay sameeyeen ama ku foognayeen inagoo soo kor-xaadinayna nuxurka arimahii ugu danbeeyey ay qabteen aynu ku horeyno UCID, Sidii aynu wada ogeyn waxa jiray in Gudoomiye Xusbiga mucaaradka Ee Ucid Eng-Faysal Cali Xussein,uu dalka dibada ugaga maqnaa tagayna shirkii loogu yeedhay ee Tukriga shirkaa xalka guud ahaa ee uu Gudoomiyahu ka qeybgalay waxa uu ahaa mid maamuus iyo ixtiraam ba uu ku mudan yahay soona gutay wajibaad qaran oo saaraa ee may ahayn in xukuumadu ay u arragto guushaasi mid lid ku ah qaranimmada iyo jiritaanka ummada reer Somaliland.

Waxa aynu hore u ogeyn in xukuumada uu hogaminayo Mr. Siilaanyo uu ay ka qaybgaleen shirar ay guuldaro iyo fadeexado aada kala soo guryo noqdeen oo qaranimmada ummada Somaliland gelisay madmadow badan oo maanta dul hoganaya kalifayna in maamul goboleedyo aan tayo iyo taariikhtoona lahayn la barbar dhigo.Ficilkaa ay kala kulmeen Madaxda UCID soo guryo noqodkoodii madaarka Hargeisa International Airport-kana waa wax ay ku ceebeysanyiin xukuummada Mr.Siilanyo muujinaysana masuuliyadarada ay xilka ummada ee ay ku tumanayaan.

Aynu bal isna eegno Wadani. Gudoomiyaha Xusbiga Wadani waxa uu dalka uga dhoofay arrimo siyasadeed oo xusbiga ah waxaanu la soo kulmay shacbiweynihii taageersanaa ee qurbajooga ahaa iyo hawlo kale waxa kaloo jiray in masuul weyn oo ka tirsan Golaha Madasha Wada Tashiga iyo toosinta qaranka oo ahaa mid warkiisa iyo haddal hayntiisuba badnaa waayadan danbe doorweyna ka qaadatay olole lagu xakameynayo dawlada Mr.siilanyo, ee shuruucdii dalka ku tumatay baal martayna axdiyadii qaran guud ahaanba, Muj-Ibrahim Degaweyne oo ka mida madasha wada tashiga ayaa taageerayaasha xusbiga Wadani ugu baaqay kuna booriyey in ay si weyn ugu soo dhaweeyaan Gudoomiyaha Xusbiga Wadani Mudane Abdiraxman Maxamed Cabdillahi(Ciro) oo isna ku soo beegnaa madaarka magalo madaxda JSL ee Hargeisa wakhtiyadaas.

Waxa se ayaan daro weyn noqotay in labadii masuul ee xusbi qaran iyo musharaxii jaggada madaxweyne mudana Jamal Ali Xussein, ba ay kala kulmaan madaarkoodii iyo ciidamadoodii qaran caga jugleyn iyo cabudhin iyadoo dhanka kalena lagu xadgudbayo maamuuskii iyo xurmadii ay ku lahayeen dalkoodda iyo mushatamacooda, waxa kale oo iyana lagu tuntay xoriyadii shacbiweynihii soo dhaweynayey labadaa masuul ee Xusbiyada Qaran. Ma jirto ficilo kalifa oo ay labada Xusbi Qaran hogamiyayaashoodu ay ku mutaystaan maamusdaridaa iyo waliba hatiddaada xoogan ee ay kala kulmeen ciidamada Bileyska iyo Cutobyo ka mida ciidamada military-ga ee la soo dhoobay madaarka Hargeisa.

Waxa kale oo iyna si joogto ah loogu xadgudbaa shacbiga ku dhaqan magalada gudaheeda gaar ahaan Koonfurta Magalada Hargeisa oo mar walba iyagu la kulma ficilo aan raali galin maatida iyo caruurta ku dhaqan xaafadahaas oo ay kula kacaan Ciidama dawlada uu hogaminayo Mr. Siilanyo, mar waloo masuul qaran ka dhoofayo madaarka ama ka soo degayo. Ma jirto xasiilooni daro iyo cabsi ka jirta dhulkaasi iyo wax ka soo horjeeda toona lakiin waxa caado u noqotay xukuumadan iyo tii ka sii horeysayba ficilo caga jugleyn ah oo ay kula kacaan mushtamacaas ku dhaqan madaarka iyo xaafada tirada badan ee ay u sii dhex marayaan ama agagaarkiisa.

-Isku soo wada duuboo marnaba may dhicin mana jirto ficil ay cidina ku mutaysato in siidhiga loo afuufo Ciidamada Military-ga iyo kuwa Bileyska toona.

Waxaan ku boorinaya masuuliyiinta labada xusbi qaran ee mucaaradku in ay si dhakhso ah uga gaadhaan xal iyo xakammeyn ba ficiladaa faqasheysan ee lagula kacay iyaga iyo mushtamacweyana reer somaliland een galabsan wax ba. Maaha in loo seeto dheereeyo laguna gefo masuuliyadii xilka qaran ee laydiin doortay, waynu ognahay in ay lunsadeen dastuurkii qaranka iyo shuruucdii lagu kala soconayey kuwii wax ka qaban lahaana waa idinka Labdina Xusbi Qaran gaar ahaan Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Qaranka Abdiraxmaan Ciro, hadana waad aragtaan in ay u soo gudubtay xukuumadan Mr.Siilanyo in ay duudsido xuquuqdii aad sida gaarka ah u lahaydeen ee dastuurka qaranku idin siiyey, maxaad ka filaysaan beri sow arinku JEELKA geeye maaha masuuliyiinta Xusbiyada Qaran iyo cidwalloo juuq tidhaa.

Waxaan ku soo gabagebeynayaa qoraalka in ay Xukuumada Mr.Siilanyo ee mudada gaaban u hadhay ay ka waantoonbaan ficiladaas aan loo baahneyn ee ay caadeysteen masuuliyiinta xukuumada Mr. Siilanyo, ixtiraamaana dastuurka qaran iyo asxaabta qaran ee lagu soo doortay codka aqlabiyada ah sidooda. Waana in ay taliya yaasha Ciidanku ay ogadaan in aanay jirin xaalad dagaal oo ka oogan Koonfurta magalada Hargeisa iyo Madaarka toona, waxa kale oon xasuusinayaa in xaafada dadka rayidka ahi ay ku dhaqanyiin aan looga baahnayn Ciidan qawlalada ka xunbaynaya oo gaafwareega hadii la sii joogteeyo ficiladaa caruurta iyo maatida lagaga sasinayana waxa aan idin xasuusinayaa in ay fududahay in qaladaadka aad gelaysaan laydinkula xisaabtamo magaalada aad dhexsaqaafaysana laydiinka saaro dhulka ku haboon in la geeyo ciidamada gaar haana xaafada aad kala kulantaan ficil aydaan ku soo dhiiran dhexmarkooda iyo caruuro ka sasin danbe toona.

Amiin Dahir Caynaanshe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles