Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal. Qormadda 1aad. By: Cabdirisaaq Camuudi.
26-ka bishii Juun 1960-kii ayay ahayd markii u horreysay ee Calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago gobolladii Waqooyi ee dalka Soomaaliya iyadoo 1-dii July isla sannadkii 1960-kii ay xornimadii qaateen gobolladii Koonfureed, gobonimadda curdinka ah waxa ay keentey in labbadii gobol midoobaan isla 1-dii July 1960-kii waxaana maalintaasi la yagleelay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelato.
Wax qabadkii Kacaanka waxaa ugu weynaa qoriddii iyo hirgalintii barshada far Soomaaliga, iyadoo ololihii hormarinta reer miyiga ee xaga barashada Soomaaliga uu ahaa mid aayatiin fiican keenay, waxaana lagaga xoroobay afafkii qalaad oo dad aad u yar yaqaanneen waxaana bilowday in buugaagtii cilmiga ee dugsiyada laga dhigi jiray oo dhan lagu turjumo Af-ka Soomaaliga. Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sareba ay ku qaateen Af-koodii hooyo.
Sannadkii 1975-kii Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyey sharci ay soo rogtey Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre, sharcigaas oo ka hor imaneyey Quraanka Kariimka iyo Shareecadda Islaamka amma Xukunka Eebbe. Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% Muslim sunni ah u cuntami waydey xukunkaas ayey culimadii Soomaaliyeed gadoodeen waxaana loogu jawaabey in isla sannadkaas toban culimadii ka mid ah lagu rido xukun dil ah oo lagu fuliyey gudaha magaalada Muqdisho.
Labbo sanno kadib oo ku beegan 1977-kii waxaa bilowdey dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo sababey dhaawac weyn in uu soo gaadho Siyaasadii uu Maxamed Siyaad Barre ku hagayey hoggaaminta tallada dalka Soomaaliya, waxaana dhammaan Ciidamadii oo dhan dib loogu celiyay xuduudihii ay markii hore ka duuleen taasina waxa ay keentey in niyad jab iyo bur bur weyn ku dhaco nidaamkii amma hannaankii Ciidamadda Soomaaliya.
Sidoo kale sannadkii 1978-kii waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre waxaana tallaabadaas fashilka noqotey ay keentey in la toogto 17 ka mid ahaa ragii waa weynaa ee Inqilaabka lagu tuhmayey in ay ka dambeeyaan kuwaas oo uu hoggaaminayey Maxamed Sheekh Cismaan oo ku magac dheeraa Col. Ciro kaas oo ahaa Taliyihii Ciidamadda difaaca cirka ee dalka Soomaaliya, wakhtigan ayaa ah markii uu Col. Cabdillahi Yuusuf Axmed ka baxey gudaha dalka Soomaaliya isaga oo isku dhiibey amma u tallaabey dalka Kenya, arrintaas oo daaha ka rogtey in uu ka mid ahaa ragii ku jirey fulinta Inqilaabka lagula wareegayey tallada wadanka, waxaana arrimaha fashiliyey Inqilaabka lagu sheegaa in uu wakhtigii loogu tallo galey ka soo hormarey.
Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxa uu dabayaaqada sannadkii 1978-kii aasaasay mucaaradkii u horreeyay taariikhda dalka Soomaaliya waxaana uu markaas ku dhawaaqey Jabhadii (SSF) taas oo bishii Oktoobar sannadkii 1981-kiina isku bedeshey (SSDF). Dhinaca kale waxa bishii April sannadkii 1981-kii dalka dibadiisa lagaga dhawaaqey Jabhadii Somali National Movement (SNM).
Bishii Jeenaweri (January) sannadkii 1984-kii Ciidamadii cirka Itoobiya ee gacan ku dhiigle Mengistu Haile Mariam ayaa weerar diyaaradeed wakhti barqo ah la beegsaday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal waxaana ay halkaas ku xasuuqeen 37 arday oo da’doodu u dhexeyso 6 jir illaa 14 jir, waxa kale oo xasuuqaas ku dhintey afar macalin, dhinaca dhaawaca waxaa lagu qiraasey 39 ardey iyo 5 macalin, sidoo kale waxaa duulaankan foosha xun ku geeriyoodey 4 Hooyo oo Xaamilooyin ahaa kuwaas oo ku sugnaa xarunta xannaanada hooyada iyo dhallaanka (MCH) ee Xaafalada Xalane oo ku taala Koonfurta magaalada Borama.
La soco qeybaha kale………….
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor