Awdalstate Rashiid Ina Xirsi Oo Kaliya Nama Khaayimeen Haddii Cumar Maxamed iyo Mahdi Isaaq iyo Kuwo Kaleba oo Badan Ayna Caawin Sida darteed Dadka Awdalstate Khalad weyn oo Khaayin Gar gaar ah ayaad Ka Gasheen idinkuna laakin haddii aad garateen inuu daw khaldan inagu waday marka horeba ninkaasi oo uuna daacad ka ahayn mustaqbalka awdalstate maantana uu si cad khiyaamo qaran oo weyn ugu kacay waxa la idinka filayaa arrimahan oo hoos ku qoran iyo in kale oo badan.
1- Waa marka hore’ e waa inaydu Si cad dadka ugu sheegtaan wixii aad dadka waanu ku saxsanahay aad lahaydeen inuu madaxweyne iimaanla’ oo wanaaguba deeqin, idin khaayimay oo aad runta waxay tahay aad sheegtaan.
2- Waa ta labaade dadkii sxbadiin ahaa ee aad awdalstate wada bilawdeen ee idiinka digay ninkaasi ee aad idinkuna cay ugu badasheen taladoodii wanaagsanayd iyo xigmadoodiiba waa inaad, sumcadoodi aad idinkoo magaca awdalstate huwan aad dhulka dhigteen ee khaayimin iyo qabyaalaystayaal aad ku tilmaanteen waa inaydu maanta sheegtaan inaad idinku wado khaldan la idin mariyay wixii la idinku dhaliilayna ay sax ah ahaayeen, shakhsiyaadkii idinka darteen awdalstateba u nacayna waa inaad qalbi jabka aad ku rideen aad magdhow kasii saan.
3- Hadii kol ninkii Madaxweynimada aad ku raacsanaydeenba maanta dadkii la masabidayayba, xumaan iyo khiyaamada uga dheereeyay dee maaha inaad idinkii aad tidhaahdan xilka waxaanu usii dhiibnay hebel oo isla groupkii khalad gar gaarka ahaaya amba hebel ayaa si kumeel gaadha ah ugu wareejinayna sababto ah dee rashid kaligii khaladka muu galin laakin intiinii la socotayba waad la qabtiin amba naca amba jeclaada marka waa inaydun idinka soo raacdaan groupka awdalstate ee mucaaradka aad u taqaaneen laakin xaqiiqdu noqotay inay muxaafid yihiin, idinkuna aad awdalstate mucaarad ku ahaydeen wada jirkeeda taaso idin bilaamatay maalinkii aad dadka awdalstate aad ka doorbideen ina xirsi taageeradiisa.
Ugu Danbayntii waa inaad cadaysaan dhibka iyo sida uu wax walba u kharibay rashiid ee uu abuseka ugu sameeyay aaminkiinii waana inaad cadaysaan sababta aad hada uun u garateen sababtoo ah idinka laftiina waa la idin hubin inaan rashiid lacagta uu idinka qarsadey ee hargaysa uu utagay inaydun ka xanaaqin qaybtiina idinku soo hagaagi lahayd ee maqan sababto ah hadii heshiish aad ku ahaydeen inaad ka qaybsataan wixiinana la idin siiyo laakin uu rashiid qaybtiini uu jeebka ku shubtay oo uu idin dhacay, kadibna idinku aad sidaas ugu cadhaysantihiin, idinkoo leh rashiid waa khaayin sababto ah lacagtii ayuuna waxba idin siin. Habada Inay arrimo sidaas idinku yihiin amba run sheegid la’aani sidaas dadka ugu eekaysiisay amba inaad dee sheegtaan waxaad nacdeen iyo sababta isla markaana waa inaad sheegtaan waxa aad diideen maanta ma awdalstate darteed ayaad u sameynasaan mise rashiid nacayb sababto ah wuu idinla tashan waayay haddii talo la’aan aad ka xanaaqdeenna, dee la socda idinkuba dadka awdalstate ee hore u sheegay meesha inay jirin talo wadaag waxaad memberskii awdalstate ee sidaas yidhi aad ka raacdeen ina xirsi sababto ah maalmaha taladu idin sheegi jiray idinka, idinkuna waxad tidhaahdeen wax u eeg kol haddii aniga wax la weydiinayo taladana aan ku jiro , madaxweynaha aanu is fahamnay maxaa naga galay wixii leh madaxweynihu taladiisu nama soo gaadho sidaas baad idinkoo qiimeynin dadkaas oo yaraystay aad ina xirsi ku raacdeen,
Dee miyaydaan filayn kolba sida qof iyo labo miiska talada looga saarayo inay maalin maalinkiina noqon doonto sidaasna meesha aad uga bixi kartaan idinkoo la mid ah lana idinka yeelay sxbadiina idinka horeyay oo kale, dee maanta talo ma jirto markaad leedahay Xassan Yayow ma awdalstate darteed ayaad u hadashay mise naftaada ayaa ka hadashay waxay ila tahay naftaada ayaad ka hadashay sababto ah maalinkay ku soo gaadhay inaa waxba lagu weydiinin waxna lagu sheegin ayaad soo booday markii walaalaha sidaas oo kale lagu sameynayayna waad qoslayseen , Markaasi Sax miyayna ahayn inay Kugu Dhacdo adigana?, Sax miyayna Noqonayna Haddii Aniguna Maanta aan ku yidhaahdo Hirroo ? Memberskii Awdalstate ee Bilawgiiba Dhibka meesha yaala Sheegay iyo ka maanta sheegayaana waxay ku kala duwan yihiin, Wakhti Hurayaashaashi hore intaan shakhsiyan waxba ayna soo gaadhin ayay dhibta sheegi jireen iyagoo dhibta la gula kacay iyo wixi shakhsiyadooda gaadhayayba ka hor mariyay awdalstate laakin idinku awdalstate markay furfurmaysay waad qoslayseen laakin markii naftiina lasoo gaadhayna waad cadhoonaysiin markaasaad iska dhigaysaan amba isku haysataan inaad awdalstate darteed wax u sameynaysaan laakin xaqiiqdu waxay tahay idinkuna bal dib u fiirsho inaad khaldanaydeen ila imika (morally ) markiina horeba.
Adiguna Cumarow hadii aad odhan jirtay reer nuur ahaan aya loo eryan jiray ninkaasi adiguna reer ahaan ku difaac aad islahayd dee maantana wali isku reer uunbaad tihiin walina waa ina xirsi sigii uun ma reernimadii ayuunbaad ku joogi mise awdalstate ayaad ka run sheegi, kuna darso awdalstate dadkii aad iskugu jeclaydeen eed inay qabiilkaaga necebyiihin aad u qaadatahay taasina aad kula colowday dee maanta haddii awdalstate dhab idinka tahay adiga iyo inta kale ee kula haybta ah ee tolkayo ka mid waa inaad idinku dadka ugu horaysaan oo aad awdalstate inay dhab idinka tahay oo reernimo aydaan ku doorsanayn aad cadaysaan laakin haddii aad rabtaan inaa anaga rashiid nagu dirtaan hadhowna aad nagula colowdaan oo aadna tidhaahdaan reer nuurbuu wax ka sheegay dee waan idinka diidnay taasi haddii wax idinka dhab ahaayeenna maanta ayaa ninkii reer nuur amba reer gooniya ah iyo kii awdalstate ahba laka la ogaan doonna.
Tusmada Awdalstate.com
Samaron Robleh Hassan
www.awdalstate.com
Fiiro Gaar ah: Wixii aad Cabasho ka Qabto Qoraalkan ka xidhiidh qoraaga ku saxeexan.