Billowga sannadkii 1984-kii waxaa magaalada Borama ka ambo-baxey madax dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaan Muxumed Nuur Geelle (Gurey Nuur) iyaga oo ku sii jeeda Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay gaadheen magaalada Muqdisho waxa ay halkaas kulan ballaadhan kula qaateen haldoorkii madax dhaqameedka reer Awdal ee markaas ku noolaa magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen.
1. Sheekh Muuse Jaamac Goodaad.
2. Xaaji Daahir Aw Cilmi Ducaale.
3. Xaaji Abubakar Sh. Cumar Cabdillaahi.
4. Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye.
5. Xaaji Jaamac Muxumed Cilmi.
Madax dhaqameedkan ayaa ahaan jirey kuwo martabadda magacoodu maamuus sare iyo mudnaan dheeri ah ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed meel kaste oo ay joogaan, ujeeddada kulankooduna waxa uu daarnaa marti qaad ay ka haysteen Maxamed Siyaad Barre oo markaas dalka Soomaaliya Madaxweyne ka ahaa, kulan albaabadu u xidhan yihiin oo uu Siyaad Barre kula qaatey madax dhaqameedka reer Awdal xarunta Villa Soomaaliya waxa gun-dhig u ahaa bishaarada gobol cusub oo loogu wanqaley amma xudun xidhey magaca gobolka Awdal. In dadka reer Awdal berigaas helaan gobol cusub oo maamulkiisu ka madax bannaan yahay gobolka Waqooyi Galbeed ee ay degmada Borama maamul ahaan hoos tagi jirtey waxa aad uga shaqeeyay Muuse Rabiile Good oo markaas ka tirsannaa Saraakiisha golaha sare ee Kacaanka Soomaaliya.
Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada dalka Jabuuti waxa sannadkii 1986-kii si rasmi ah uga furmey shirkii ururka IGAD ee ay ku bahoobeen dalalka dhaca Geeska Afrika waxaana ka qeyb galey maddaxweynayaal door ah oo ay ka mid ahaayeen Xasan Guuleed Abtidoon (Jabuuti), Maxamed Siyaad Barre (Soomaaliya), Mengistu Haile Mariam (Itoobiya), Arap Moi (Kenya), Abde Rahman Swar Al-dahab (Sudan), Yoweri Museveni (Uganda), Ali Hassan Mwinyi (Tanzania) iyo Abdou Diouf (Senegal) oo berigaas ahaa guddoomiyaha Ururkii Midnimada Afrika (The Organisation of African Unity) oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaaney (OAU) isla markaana taariikhda aasaaskiisu ku suntan yahay sannadkii 1963-kii immika ahaana la yidhaahdo Midowga Afrika (African Union).
Markii la soo gabo-gabeeyay shirka IGAD waxa uu Maxamed Siyaad Barre go’aansadey in dalka uu xukumo ee Soomaaliya ku sii maro safar dhinaca dhulka ah waxaana uu socdaalkaas ka soo bilaabey magaalada Lowyacado oo ah xuduuda kala badha dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimmaada guud ahaan gobolka Awdal gaar ahaana magaalada Borama iyo nawaaxigeeda ayaa si diiran u soo dhaweeyay waftiga uu berigaas hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.
Sannadkii 1987-kii waxa xarunta gobolka Awdal ee Borama soo gaadhey wafti ballaadhan oo ay hoggaamineyso gabadha ay dhashey boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo lagu magacaabo Princess Anne, socdaalkaas oo ahaa mid taariikhi ah waxa uu gobolka Awdal ku reebay raad taariikheed oo illaa maanta muuqda. Sidoo kale socdaalka Princess Anne waxa uu ku soo beegmay wakhti uu soo xoogaysanayey kacdoonka iyo mabda’a lagaga soo horjeeday dowladii Soomaaliya iyo awooda Jabhadihii ku kacsanaa nidaamka iyo xukunkii Maxamed Siyaad Barre. Taas ayaa saldhig u ahayd diidmadii Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wakhtigaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya in uu soo saaro waraaq uu ku hor joogsanayey socdaalka Princess Anne ee magaalada Borama.
Curashada sannadkii 1988-kii waxa gobollada Waqooyi oo dhan uga dhignaa mid galbinaya dabeylo iyo foore dagaal waxaana deegaan kaste laga dareemayey xaalad iyo saan saan colaadeed oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysay sidaas darteed waxa aan dhawaan wareysi aad u xiiso badan arrintaas kala yeeshay aqoonyahanka weyn ee Prof. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jimcaale oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Dheere isla markaana degan galbeedka magaalada Lobdon, Prof. Jimcaale waxa uu si qoto dheer iiga waramey socdaal dheer oo billowga sannadkaas 1988-kii ku maray inta u dhaxeysa Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho illaa magaalada Borama.
La soco qeybaha kale…………
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com