Dharaarihii Tilmaannaa Ee Soo Maray Ummadda Reer Awdal; Qormaddii 6aad.
Aqoonyahannadii reer Awdal ee berigaas ku sugaa dalka Sacuudi Carabiya waxa ay dabayaaqadii 1983-kii badankoodu u baqooleen dalka Maraykanka halkaas oo ay qaarkood u tageen korodhsiga aqoon sare iyo tacliin tayo leh halka kuwo kale u tageen hiigsiga nolol wannaagsan oo dhaanta noloshii wakhtigaas taalley dalalka Khaliijka Carabta.
Muddadii ay aqoonyahannadaasi ku sugnaayeen dalka Maraykanka waxa ay xidhiidh toosa la sammeyn jireen aqoonyahannadii kale ee ay wadda joogeen dalka Sacuudi Carabiya gaar ahaan kuwii ay ku wadda jireen mareegta cusub ee mucaaridnimada lagaga soo horjeeday dowladii Maxamed Siyaad Barre, ujeeddada ay ka lahaayeen xidhiidhkaas joogtada ah waxa lagu sababeeyaa in dhaqaaq joogsi ku dhicin himiladda iyo hadafka ay ka lahaayeen aasaaska urur mucaarid ah oo matala masiirka iyo magaca dadka reer Awdal.
Bartamaha Sannadkii 1989-kii waxa magaalada London ee dalka Ingiriiska isugu yimmid aqoonyahano badan oo reer Awdal kuwaas oo ka soo hayaamey meelo kala duwan oo ka tirsan adduunka dacaladiisa, sababta isu imaatinkooda ka dambeysay waxa lagu sheegaa in ay ahayd wakhti uu bislaadey fekerkii ay ka qabeen amma aamisanaayeen in ay yagleelaan urur cusub isla markaana u arkayeen in uu yahay xilli ku haboon ku dhawaaqista urur mucaarid oo matala dadka iyo degaanka reer Awdal kaas oo ay markaas aqoonyahanadu dhismihii ka soo shaqeynayeen muddo dhawr sanno ah.
Aqoonyahanadda wakhtigaas ku sugnaa magaaladda London ee si rasmi ah u deganaa isla markaana marti galinayey shirka indheergaradka reer Awdal ee ku midoobay mareegta mucaaraddada Maxamed Siyaad Barre waxa ka mid ahaa.
1. Jaamac Rabiile Good
2. Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan
3. Xaaji Cumar Xaaji Hadliye
4. Prof. Cabdi Yuusuf Rayaale
5. Idiris Xasan Diiriye
7. Danjire Daahir Tukaale Ashkir.
Dalalka la isku yidhaahdo Waqooyiga Maraykanka waxaa ka yimmid.
1. Maxamed Faarax Cabdillaahi “Xansharo” (California)
2. Maxamed Miicaad Maydhane (Washington D.C)
3. Maxamed Kaahiye Khaliif (Dallas)
4. Maxamed Jibriil Jiilane (Canada)
Sidoo kale shirka waxaa ka qeyb qaatey dhallinyaro badan oo berigaas dalka Ingiriiska u joogey barashada tacliinta sare kuwaas oo badankoodu wax ka baran jirey Jaamacado wannaagsan oo tayadooda waxbarasho aad u sareyso isla markaana u hanweynaa ka qeyb qaadashada isbadalka iyo kacdoon dhismo oo la xidhiidhay horumarinta dadkooda iyo dalkooda Soomaaliyeed.
Dhallinyarada ka qeyb galey shirweynaha aasaaskii ururka SDA waxa ka mid ahaa.
1. Maxamed Cumar Bille
2. Cabdi Maxamuud Gudaal
3. Saciid Cabdi Suldan Gurey
4. Ibraahim Cumar Caare
5. Maxamed Cismaan Jannaale
6. Maxamed Jaamac Koosafare
7. Cabdiqani Yuusuf Caateeye
8. Cismaan Daahir Xergeeye iyo qaar kale.
Shirweynaha koowaad ee aqoonyahannadda reer Awdal ku yeesheen dalka Ingiriiska 1989-kii waxa uu socdey dhawr maalmood oo aad looga doodey dastuurka uu yeellanayo ururka cusub, hadafka uu ku hawl gali karo iyo halka ay noqon doonto xarunta ugu weyn saldhigiisa, gabogabadii shirkana waxaa lagu dhawaaqey ururka ay ugu magac dareen Somali Democratic Alliance kaas oo marka la soo gaabiyo noqonnaya (SDA).
Aqoonyahannadda ku bahoobay magaca ururka SDA waxa ay wakhtigaas sammeeyeen gudi ku meel gaadha kuwaas oo guddoomiye looga dhigey Dr. Maxamed Rashiir Sheekh Xasan halka guddoomiye kuxigeen loo doortay Prof. Cabdi Yuusuf Rayaale isla markaana Xoghaya guud ee ururka uu noqdey Maxamed Faarax Cabdillaahi “Xansharo”.
La soco qeybaha kale………….
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com