Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada waxaanan leeyahey hambalyo sanadka taariikhda milaadiga ee 2014 .
Ka dib somalida ayaa tidhaada ” aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban” waxaad la socotaan in dhawaan saxaafadu qortay in wasiirkii arimaha dibada ee Reer daarfuur (maxamed biixi yoonis) oo joogo dalka EMIRATESKA ARABTA, hadaba waxaa soo baxaaya warar badan oo ka soo baxaaya joogi taanka wasiirka arimaha dibada Xukumada siilaanyo ee dalkaaasi Emirateska carabta.
Sida ay dadka qaar sheegayaan wasiirku waxa uu u joogaa dalkaasi aan kor ku xusnay arimo la xidhiidha Biyo galinta Hargeysa oo ay dad Badan wasiirka ku eedeeyeen in uu fara galiyey mashruuca biyo balaadhinta hargeysa isagoo la soo warinaayo in uu dowlada Emirateska ka codsadey in ay joojiyaan biyaha ay rabaan in ay galiyaan koonfurta caasimada hargeysa ooy u soo duwaan ceelasha keydka ee biyaha ee (Geed deeble).
Iyaba waa yaabe wasiirkii citiraaf ayuu keenayaa daafoor uga yimid miyaaa hargeysa sii kala qaybqaybiyey? nin ayaa laga hayaa hadaan meeshaa laga guurin goroyo heeryaysan ayaa soo mari!!!! tana yaa filaayay?
Dadka qaar kale ayaa waxay iyana sheegayaan oo wasiirka arimaha dibada la ah qaraabo dhow, in wasiirku uu dalkaasi u joogo, sidii uu lacag uga qaadan lahaa dowlada Emirateska iyo shirkado baadha macdanta iyo basaaziinka oo waxa la sheegayaa in uu heshiisyo qarsoodi ah ka wado dalkaasi si uu u helo lacago malaayiin dollar ah oo ugu tartamo shirka xisbiga kulmiye dhexdiisa si uu codadka Ergooyinka u iibsado!
Isku soo wada duub oo waxaa la odhankaraa xukumadii siilaanyo way isku cayn iyo dabar go day oo nina ma oga shaqadii ummadu u dirsatey meel ay mareyso iyo cid sharci ahaan ku ilaalisa waxaana kuu cadeynaysa in Oday siilaanyo uu talax gabey wasiiradan mid kastaa uu ku jiro shaqo aan shaqadiisii aheyn iyo hanti boobka dalkii ka socda, waxaan hore u wada ogayen wasiirka maaliyada oo lacago badan oo malaayiin dollars ah lunsadey isagoo xilkii ummada iyo hantdii ummada gacanta ku hayana aan laba gaban ee ololaha iyo waxaan ahey murashax huteelada ka lahaa een cidiba la xisaabtamin, maantana waxaan u jeednaa in wasiirkii arimaha dibada ee lahaa waxaan ka soo shaqeeyey UN ta uu magacii wasiirnimada ku dawarsanaayo oo uu xitaa shaqo aan shaqadii loo dirtey aheyn faraha kula jiro taasina waxey cadaynaysaa in uu gabi ahaanba maamulkii xukumada siilaanyo uu dhaxal wareegey.
Ugu danbayn waxaa socdaa waa sheeko cusub oo baraley ah , in hantidii ummada ay wasiiro maalqabeeno ka noqdaan sida xaaraan ku naxaa wasiir samaaale iyo wasiir xirsi miyaa wasiirkii reer daafuurna maanta uu halkii uu ummada haraadan si xilkasnimo leh uu biyaha galintooda ka qaadanlahaa leeyahey reerkayaga biyaha ha ka duwina? iyo waxaad isii saan lacag aan ku kaanbeyn gareeyo, waxaasi oo dhan waxaa sababteeda leh waa ninkii dadku ay ku hungoobeen ee Oday siilaanyo, balse uureystee aan eegno waxey dhasho.
Qore: Tahir hussein (xumo diid)