Horta soomaalidu waxay ku maah maahdaa wax la qariyo qudhun ayaa ku jira akhriste marmarka qaar ayaad la yaabaysaa marka aad aragto heerka qabyaalada ee ka jirta somaliland ,iyadoo la og yahay in aysan qabayaaladu dadka iyo dalkaba u wanaagsaneyn ayaad hadana arkasyaa wasiiradii xukuumada siilaanyo badandoodii oo la odhan karo waxay ku tsabiixsadaan waa qabyaalada marka la eego sida ay ugu dhaqamayaan iyo sida umadu ugu hanweyneyd, hadaba waxaan doonayaa aniga oo doonaya in bulshada reer somaliland ay ila eegaan qaar ka mid ah wasiirada xukuumada siilanayo ee la odhan karo waxay qaadeen koobka qabyaalada ee sanadkan.
1: Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada somaliland Mr Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dadka u kuur gala arimaha bulshadu ku sifeeyeen in uu yahay wasiir qaaday koobka qabyaalada, wasiirkan ayaa waxa uu horta yahay gudoomiyaha guddida beesha uu ka soo jeedo ee Habar-jeclo oo xiligan haysa talada dalka, wasiirka ayaa waxa la sheegay in uu shaqaale tiro badan oo ka soo jeeda beeshiisa ka shaqaaleysiiyey madaarka berbera iyo hargeysa weliba wuxuu ku darsaday in uu gunooyin aysan qaadan shaqaalaha kale u qoro shaqaalaha ka soo jeeda beeshiisa, arintaasi oo cadho badan ku abuurtay shaqaalaha ka shaqeeya labada madaar ee berbera iyo hargeysa kadib marka ay arkaan wiilkii uu wasiirku adeerka u ahaa oo ka lacag badan isla markaana si gooni ah wasiirku ula macaamilo oo uu wax kasta ka dhegeysto, shaqaalaha ayaa waxay sheegeen in uu dabeecad wasiirku u leeyahay in uu shaqaalaha qaarna la saaxiibo qaarna uusan la saaxiibin, waxayna sheegeen shaqaalaha madaarku in ay had iyo goor dhacdo in qaar ka tirsan shaqaalaha madaarka ee ka soo jeeda beesha wasiirku ay ku diraan shaqaalaha kale kadibna uu halkaais colaad uu wasiirku u qaado shaqalahaasi ay wiilasha uu adeerka u yahay ay ku direen.
Dhaqanka noocaasi ah ayaa ah mid ka baxsan ka maamulnimada iyo kii wasiirnimo waayo wasiir kastaa waxaa ka hadhayaa waa taariikh oo hadii uu kala qaybiyo shaqaalihiisa waxay u geli doontaa taariikhda, wasiirka ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu yahay nin isla weyn oo had iyo jeer tixgeliya beesha uu ka soo jeedo isagoo had iyo jeer kaga mashquula shaqadiisa sidii uu ugu dadaali lahaa dhalinyarada kas oo jeeda beeshiisa oo uu had iyo goor ku mashquulsan yahay, wasiirka ayaa hadal laga soo weriyey isagoo leh hadii aad tihiin dhalinyaradii habarjeclo waxba ha ka werwerina ee anaga na weydiiya wax kasta oo aad u baahataan, taasi oo ka markhaati kacaysa sida uu wasiirka duulsitu Maxamuud Xaashi Cabdi uu ugu heelan yahay fulinta wax u eeg go’aanadii ay beesha madaxweyne siilaanyo ku soo gaadhay shirkii Gar Adag.
Wasiirka duulista ayaa masuul ka ah wasaarada duulista waana goob dakhli badan oo waxa la xasuustaa in ilaa 12 million oo doolar dawlada kuweyd ugu deeqday lacagtaasi madaarka hargeysa sida warbaahinta dalka lagu baahiyey isla markaana ay sheegeen qaar ka tirsan xisbiyada qaranku lacagtaasi waxaa la sheegay in ay ku dhacday jeebka wasiirka iyo wiil uu adeer u yahay oo uu qandaraaska ku siiyey dhismaha madaarka ninkaasi oo lagu magacaabo mr Cumaani ayaa la sheegay in ilaa hada wax xisaab celin ah oo la aamini karo laga hayn hanaankii ay u baxday lacagtaasi, waxa kale oo jirta in lacago tiro badan laga qaado dadka rakaabka ah marka ay soo degayaan iyo marka ay sii dhoofayaan,iyadoo ayaan darada jirtaa ay tahay golaha wakiilada somaliland oo hore ugu fasaxay lacago fara badan in uu wasiirka duulista hawadu ka qaado rakaabka madaarka.
Abuurtan ayaa ah mid amakaag ku noqotay bulshada reer somaliland sida sharci darada ah ee uu wasiirka duulistu u adeegsado isla markaana u istcimaalo hantida qaranka oo uu ku bixiyo kobcinta iyo kor u qaadida dhalinyarada ka soo jeeda beeshiisa , taasina waxay daliil u tahay sida uu wasiir maxamuud xaashi cabdi ugu sifoobay in lagu tilmaami karo in uu ka mid yahay wasiirada koobka qabyaalada qaday sanadkan.
la soco taxanaha danbe—-
Qalinkii:Maxamed Yusuf C/risaaq
Berbera/Somaliland