Waxa marka hore mahada iska leh ALLAH (SWT) Marka xigta waxa mahada leh Saxaafada madaxa banaan ee sida saxda ah ugu adeegta Bulshada Somaaliyeed meel kasta oo ay kaga suganyihiin daafaha Dunida.
Intaa Dabadeed haddii aan Gudo galo Qoraalkan isaga ah waxa Maalmahan soo badanaya iskana daba imanaya warar inta badan Dadka G/galbeedka S/land aan farxad galin haddii aan wax ka taabano wararkaa Umadeena aan kasoo jeedno dhibaya waxan kasoo qaadan karnaa 1 Qodob qodobkaas oo ah .
1.Xaalada xeebaha G/Galbeedka S/land
Waxa aan Warbaahinta ka arkaynay Dad xaqii ay lahaayeen ee noloshooda Aas aasiga u ahaa si dhaba oo aan geed loogu soo gaban looga cunayqabateeyay bal intaanan Akhristayaal aanan nusii gudo galin qoraalkan aan dib u yara milicsano Shacabka Magaalo Xeebeedka Lughaya degan oo Warbaahinta la hadlayay mid ka mida hadaladii aw ku hadlay oo xaqiiqda oo aan is odhan Karo malahayga xaqiiqda Magaalo Xeebeedka Lughaya ka jirta ayuu Shaqsigaasi ka hadlaya. (HADDII SHIDAALKII LUGHAYA KASOO DAGI JIRAY LOO XIDHAY HAAMAHA BARBARA ,HADDII ADHIGII KA DHOOFI JIRAY AL-JAABIR IYO INDHODEERO LOO XIDHAY, HADDII SIGAARKII AAN DHOOFINAYNAY LOO XIDHAY INA AW SICIID MAXAAN KA SHAQAYNAA ANAGU ?DADKA DEGMADA JOOGI MUXUU KU NOOLAANAYAA?)
Waa 2 Su,aalood oo waawayn in Jawaabo degdega loo helaana ay aad u haboontay iyada oo qoraal aan Jawaabaha lagaga jaawabayn ee ay Ficil dhaba u baahanyihiin waxa halkaa inooga cad in Dadka dhamaan G/Galbeedka S/land cunoqabatayn rasmiyi saarantahay mana aha wax la qaato Lughaya ama Saylac maanta waa siday ila tahay aniga meelihii nolosheena saamaynta Togan iyo Taban ku yeelan lahaa haddii Dhinac walba laga eego markaa waxa loo baahanyahay inaan is Abaabulno oo in uun aan noqon dad wax dareemaya waxan nahay Dad banii, aadam ah goorma ayaan baraarugi doonaa?
Waxan iyadna meesha ka madhnayn inuu labada Su,aalood ka Jawaabo M/wayne Siilaanyo Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto waa inaad ka Jawaabtaa oo ilayn Beesha dhexe oo kaliya ma maamushide Umadan aad masuulka ka tahay Mustaqbalkooda iyo noloshooda aad wax ka qabataa mise Maalintii xilka laguu Dhaarinayay waxad u Dhaaranaysay waxay ahayd kaliya Beesha Dhexe Dadkan adiga ayuu xil kaa saaranyahay adigaana u dhaartay inkasta oo aan ogahay inaanad waxba u qabanayn oo adiga farxad kuu tahay marka aan runta aan ka hadalno hadana waan ku leenahay sidaa.
Guntii iyo Gabogabogabadii
Waxan kusoo Gunaananadayaa Qoraalkan isaga ah Bulshada G/g, deganaw waa inaan inagu 2 kala dooranaa inaan maalin walba hadal aan meel gaadhayn ku hadaaqno Dhamaanteen Salaadiin, Mutacalimiin ,Haween ,Caaqiilo ,iyo wax garad iyo inaan Mustaqbalkeena maanta Ubadkeena iyo kuwa Dhalan doona inaan masayrkooda iyo Aayahooda ay ku noolaan doonaan aan Go,aan dhaba ka gaadhno labadaa inaan kala Doorano weeyi waana wax ina dhax yaala ( lama Huraan waa Caws Jiilaale).( lama Huraan waa Toosinta iyo Talo bixinta Dadkeena)
Guul & Gobanimo
Mohamed Mohamoud Shirdon.
Switzerland.
Wabillaahi Tawfiiq.