Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ku nuuxnuuxsaday inaanay danta Somaliland ku jirin in xisbi keliya toocsado talada dalka, wuxuuna intaas ku daray inaanay Axsaabta mucaaradku (Waddani & Ucid) aqbalin doonin wixii ka soo baxa wadahadalo xukumada Siilanyo la gasho Somaliya maadaaba aan Axsaabta Mucaaradka laga talo gelin.
Taas ka sakow Wuxuu Eng.Faysal sheegay inuu Somaliland waxuu taro mooyaane looga baqeyn inuu waxyeeleeyo, wuxuuna xusay inaan xukumada Siilanyo haysan kalsoonida shacabka Somaliland,wax ka yar 15% taageersan tahay, taas darteedna aanay ku meteli Karin shacabka Somaliland keligeed wadahadalada lala gelaayo Somaliya maadaba taageeraday haysataa yar tahay.
Geesta kalena Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabayey Eedaymo uu hore Warbaahinta ugu mariyey wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade Dorraad wuxuu yidhi “Wasiirka arimaha guduhu Warancade wuxuu igu sheegay bilaa mabda’, laakiin Warancade wuxuu soo maray Xisbiga Udub, waxaa ugu xigay Waddani,haddana wuxuu ku biiray Kulmiye oo la ogaa sidey isku yihiin,markii aanu Madasha Wadatshiga sameynayna wuxuu ahaa Ninkii Albaabka garaacayey ee la lahaa ma soo daynaa iyo ma aamini karno.Wuxuu kaloo Faysal oo hadalkiisii sii wataa intaa ku ladhay “Anigu waxaan hubaan haddaan maanta Cali Warancade wasiir laga dhigin inuu u tegi lahaa Xasan Sheekha Somaliya”.