Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO KA MID NOQDAY TUULKII UU SIILAANYO ISTICMAALI JIRAY.

$
0
0
Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa dhamaanba saxaafada  xorta  ah  guud  ahaan  gaar  ahaan ”ascw”
Ka  dib  dhawaan  ayaa  waxaan  arkay war  lagu  daabacay  boga  hore mareega ka mid ah mareegaha  internet  kana   mid  ah  mareegaha  u  ololeeya  cida  iyadu  markaasi  u  muuqata  in  ay  yahiin  tuul loo  isticmaalaayo  dagaalka  ka  dhanka  ah  gudoomiyaha  xisbiga  kulmiye  dabcan  dadka  inta  badan  way  ta qaan, mareegtaasi    cida  aan  aqoona  waxaan  leeyahey  waa  mareegta ”waaheen”  wararka  ku  saabsan  xukumada  iyo  xisbiga  kulmiye  oo  mareegtaasi  laga  siiyo  xarunta  madaxtooyada  loona  badinaayo  cida  siisa  wararka  hoose  in  ay  yahiin , lama  midkood  , haweeyneyda  maamusha  wax  loogu  yeedho  samafalka  siilaanyo,  iyo dabcan  wasiirada  wax  barashada  midkood, sababtoo  ah  marka  aad  eegto  wararka  ay  mareegtan  soo  bandhigto  oo  inta  badan  u  badan  muranka  iyo  wax  ka  dhex  jira  guriga  siilaanyo, ayaa  waxaa  iska  cad  in  ay  xidhiidh  la  leeyahiin  qof  ka  mid  ah  dadka  ku  dhow haweeneyda  madaxweyne  siilaanyo, dabcan  taasina  waa cadaan  cida  ay  maanta  isku  shushubtaan  waa  dad  gaar  ah  ooynu  wada  naqaano, waana  fadeexad  in  markiiba  la  dhiibo  sirta  xarunta  madaxtooyada  loogu  yeedho  ee  siilaanyo.
Hadaba  sida  lagu  daabacay  mar  hore  mareegtaasi  la  shaqeysa  wasiirada  wax barashada  iyo  agaasimaha  samafalka  siilaanyo  oo  la  odhan  karo  waa  xidhiidh  qabyaaladeed  oo  tii  dowladnimada  jabisey, waxaan  maqalney  in  uu  mr  saylaci  isugu  yeedhey  xubno  loo  samaystay  qaska  iyo  jahwareerka  xisbiga  kulmiye.
Markii  hore  waxa  uu  siilaanyo  isticmaaley  wadaadka  la  yidhaado  samaale  ee  xaaraan  ku  naax  aan  anigu  u  bixiyey, markii  uu  arkey  doqoniimada  wadadkaasi  mr  siilaanyo  ,waxa  uu  imika u  wareegey  in  uu  saylaci  oo  uu  hore  u  bahdiley  isaga  dhigo  in  uu  yahay nin jecel,  iyadoo  imikan  la  yidhi  waxaad  sii  heysaa  madaxtinimada  oo  markii  hore ah  waxii  loo  doortay,  balse  uu  xirsi  ka  xoogey, waxaana  hubaal  ah  in aanu  saylaci  dib  ugu  soo  laabaneynin  xilka  madaxweyne  ku  xigeenka waa  sida  laga  soo  xigtay  dad  ay  siilanyo  jaal  yahiin  balse  waa  nin  lagu  guuraayo  oon  is  ogeyn  mana  uu  aheyn  maanta  nin  laga  hor  geeyo  muuse  biixi  ooy  is  hayaan  Oday  siilaanyo, sababtoo  ah  godobta  aad  qof  kale  u  gashaa  waxaa  ka  fiican  in aad  godob  u  gasho  xoolo  aad  adigu  leedahey.
Hadaba  sida  aan  la  wada  socono  waxa  uu  sheegey  in  uu  shirkii  kulmiye  dib  u  dhacey  isagoon  ogeyn  in  uu  yahey  ninkii  sida  qayrulsharciga  ah  u  amrey  koox  dabadhilif  ah  oo  sida  lawada  ogyahey  uu siilaanyo  adeegsado  balse  waxaa  taasi  ka  sii  daran  in  mr  saylaci  laftiisii  maanta  laga  dhigo  sheeg baanahii  tuulka  siilaanyo  isticmaalo  ugu  weynaa.
Waxaan  odhanlahaa  mr  saylaciyoo ? waxaa  fiican  in aad  is  hubsato  oonad  noqon  qof  kolba  sida  la  doono  laga  yeelo, waxaanan  ku  odhanlahaa  muuse  biixi  waa  nin  leh  han  waana  nin  raba  in  u  dalkan  madax  ka  noqdo  ee  bal  adiga  iyo mr samaale  iyo  mr  daafuur, maxaad  rabtaan  sow  tuul  ma  tahidin  ninkii  raga  ah  la  isga  dhigo.??
Rag  waxaa  ugu  xun  oo  ugu  doqonsan  nin  aan   dantiisa  aqoon  taasina  waxaa  maanta  ku  sifoobey  rag  badan  oo  siilaanyo  tuul  u  noqday. sida  Xil waabeeye, xil  tayan le, iyo  kuwo  badan  oo  la  mid  ahba  waxaa  fiicnaan  laheyd  qofku  in  uu  garto  shaqada  uu  qabanaayo  isla  markaasina  uu  fahmo  faa’ iid iyo  qasaare  waxaa ugu  jira  balse  marka  aad  ficilada  qaarkood  eegto,   waxaad  odhankartaa   wali  dadka  qaar  ayaa  hebel  reer  hebel  ka  raadinaaya!!  waxaana  aan hubaa  in  xanuunka  aidska  ka  xun  ee  maanta  reer  somaliland  wali  hayaa  yahey  qabiilka  waayo  waxaan  la  soconaa  in  dadka  qaarkood  ay  websiteyo  u  furteen, cayda  qof  iyo  aflagaada, sababta  ugu  weyna  ay  tahey  Xanuun  qabiil  iyo  naceyb  qabiil,  Ilaaheyna  waxaan  ka  magan  galeynaa  inaanaan  warbaahin  u  furun naceyb  iyo  qabyaalad.
Qore: Tahir hussein.
<waayo_aragman@yahoo.com>

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles