BAAAAQ KU SOCOTO SOOMAALIYOO DHAN GAAR AHAAN XILDHIBAANADA QARANKA
OO HADDA MINDIDA DAABKEEDA HAYSTA:
XILDHIBAANEY HADDEEY TAAGAN TAHAY DOWLADDAN 20tankan BERI GUDAHOODA HALA BADBAADIYO….SEY WAX U SOCDAAN WAA I CABSI GELYEENEE !!!!!
XILDHIBAAN LA’AAN WAA QARAN LA’AAN
(Ama mooshinleey noqda ama Madax qaran noqda)
Xildhibaan la’aan waa qaran la’aan, maadaama ay Xildhibaanada qaranka martabadaasi Dalka hooyo ka joogaan waxaa loo baahan yahay lagama maarmaanna tahay si uu Qaranka u sii jiro soo celinta karaamada iyo sharafta Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo lala simaayo heybadda Baarlamaanada adduunka.
Maahinee mala rabo Barlamaan ku dhismay Laaluush & Musuqmaasuq iyo Nimankan madaxda saraa wataan ku dara xildhibaanada, Sodogeyga Xildhibaan ha la iiga dhigo iwm. intaasi ka dib,
Dadweynaha Soomaaliyeed badankooda dastuurka ma yaqaaniin mana la barin ee waxay yaqaaniin danahooda meel lagu haayo.
Marka waxaa la rabaa Barlamaanka Xildhibaanadiisa iney dadweynahooda baraan micnaha Dastuurka iyo waxa uu dadka ugu fadhiyo dalka iyo iney Xukuumada kala xisaabtamaan waxqabadkeeda & waxqabad la’aanteeda iyo iney dadweynaha u horseedaan tusaalana ugu noqdaan dib u dhiska dalka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Barlamaanka inuu wax doorto waxaa ka fiican inay dadweynaha wax doortaan taasina iney dadka baraan iyagana bartaan xildhibaanada iyo sidii lagu gaari lahaa Qofba & Hal cod ( One man & One Vote) ka hor intaan la gaarin sannadka 2016 da.
Xildhibaaney qaylo ,buuq, feer & Caay (Mooshin macna daro ah) ha isticmaalina ee sanduuq & cod isticmaala inta uu waqtigiina jiro.
Ama mooshinleey noqda ama Madax qaran noqda.
FIIRO GAAR AH:
Maadaama Xildhibaan hore aan ahay waxaan jecleystey in aan Xildhibaanada Qaranka ee manta shaqeeya ku biiriyo ama aan xusuusiyo Tallooyinkan si ay u dardar geliyaan hawlaha baarlamaanka Dalka ka hayaan:
• Dastuurka, Xeer hoosaadka iyo Shuruucda dalka inay ku dhaqmaan Xildhibaanada iyaga koow shacabka ka hor.
• In wada tashi joogto ah ka dhex jiro gudoonka barlamaanka iyo xildhibaanada.
• In xildhibaanda badiyaan la xiriirka deegaanka ay matalaan bulshadeeda gudaha & dibbadda runtii qodobkan xildhibaanada qaar waa fuliyaan, qaar kaloo badanna xataa ma yaqaaniin dadka at matalaan iney ka war haayaan,waxna taraanna iska dhaafee.
• In golaha Baarlamaanka uu xoojiyo xiriirkiisa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed guud ahaan si ay Dowladda ku kasbato dareenka shacbiga ee ku nool gudaha iyo dibada Dalka.
• Xildhibaanka sabab la ‘aanta hawwshiisa uga maqan in talaabo sharci lagu qaado (Xeer hoosaadka) isla waqtigaas ku haboon si aan kooramka marna loo waayin ka dibna xubnaha kalena u caajisin( U niyadjabin).
• Xildhibaanada waa in fasax aan daruuri aheyn in aaney weydiisan ama la siin xildhibaanada ( si aan kooramka loo waaynin )
• Jiritaanka Baarlamaanka waa in la badbaadiyo waayo Xildhibaan la’aan waa Qaran la’aan,runtii Xildhibaanada qaar waxaa jira intey joogaanba tirsama.
• Wasaarad walba qorsho hawleedkeeda ha u soo gudbiso Gudiyada Barlamaanka ee wada shaqeynta ka dhexeeyaan ama xataa haka doontaano .
• Go’aan kasta oo Barlamaanka gaaro waa in sidooda loo qaataa si aan u noqon warqad go’aan ku qoran oo lagu daalay waqti & kharajna ku baxay (waa haddii uu sax yahay).
• In gudiyadda joogtada ah warbixin ka bixiyaan hawshooda loo idmadey oo ah iney warbixinno ka keenaan hay’ado gaar ah dabagalna ku sameeyaan.
• In xildhibaanada Abaal marin & Ciqaabba ku helaan hawshooda, Xuquuqda & waajibaadka shaqadooda Barlamaanka.
• Eed uusan Baarlamaanka lahayn waa in aan loo saarin,Baarlamaankana waa inuusan ogolaan.
• Baratakoolka Baarlamaanka in la dhowro.
• Miisaaniyadda Baarlamaanka waa inuu isaga degsadaa, waayo asagaa si sax ah u og qorshahiisa iyo baahidiisa isagoon isla roonaan keligiisa.
• Ajandaha Baarlamaanka ku shaqeyn lahaa waa inuu samemeystaa (Ajandahey xukuumadda keensato ka sokow .)
• Nuxurka Barlmaanka & kan Xildhibaanada waa in la fiiriyaa (Qiimeeyaa) kalfadhi kasta ( Shuruudana loo sameyaa sida lagu qiimeynayo)
• In xogheynta barlamaanka warbixin siiyo shir kasta xildhibaanada iyo gudoonkaba lana helaa laybireeri laga heli karo mar kasta dukumeytiyada Barlamaanka soo saaro ama loo soo gudbiyo.
• Madaxda dalka sida: (Madaxweynaha,Gud.Barlamaanka& Ra’iisulwasaaraha) heshiis kastoo caalamka ama cid walba ay la galaan oo danta dalka quseeyo waa inay Barlamaanka la socodsiiyaan xataa sirta dalka wax uun ka ogaadaan si aanu shakki uga dhex dhalan hey’adahaasi iyo Barlamaanka wada shaqeyntooda.
HAWL GUDASHO WACAN
MAHADSANIDIIN
Qore: Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys