Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Sool iyo Sanaag socdee sidee Awdal iyo Selel laga yeelayaa?

$
0
0

Sool  iyo  Sanaag socdee side Awdal iyo Selel laga yeelayaa.

Marka hore waxan hambalyo u dirayaa dhamaan dadka reer Puntland maadaama ay doorashadii ugu dhacday si nabad galyo ah isbadalna ka dhacay, ana aan iska jeclahay isbadalka xaqna la isugu lee yahay in la isku bogaadiyo wixii wanaagsan.

Hadaba tan iyo intii dhidibada loo taagay jamhuurida Somalind sanadii 1993 kii waqtigaas oo shirkii beelaha S/land ee Borame laga Umuliyay qarankan maalintaasna maal iyo maskax la isugu geeyay sidii nabad loo gaari lahaa loona heli lahaa Maamul hanta nabadaa laguna gaaro maalin Dabada loo fariisto sifiicana wax loo qaybsado ayayna taasi wali dhicin.

Waxana xusid mudan dhamaan Waaxyaha dawlada waxa gacanta ku haya Beesha dhexe{ Isaaq} iyo wax kastoo mac haday tahay Wasiirada ugu  shilis ugu tirobadan, hay adaha madaxa banan iyo wixii dhaqaale ah oo inta ugu badan la galiyo Maroodi-jeex iyo Togdheer Beelihii kalena loo Qaatay Marti ama Magan.

Tabasho kasta oo ka timaada labada Darafna la iska dhega tiro oon waxbaba laga soo qaadin Somaliland na laga dhigtay wax Isaaq ugaara hadaba darafka bariga oo ay dagan yihiin Beelaha Dhulbahante iyo Warsan-gali{ Harti} wuxu ufuran yahay dhamaan somaliyadii kale oo waa ka jaanis badan yahay Awdal oo dhinaca galbeed ugu xigta sidaa darted waxa mar walba saamayn ku yeelanaysa siyaasada somalida koonfureed gaar ahaana Puntland. Inkastoo awalba dadka gobalada bari dagani aanay lugaha kula wada jirin Somaliland xaga puntland caqabado jireen oo ay labadaa u dhexee yeen ayaa hada waxa muuqanaysa in puntland ay badashay siyaasadeedii ku aadanayd gobalda bari ee Somaliland dadka gobaladaa dagana saami laxaadle laga siiyay puntland si loo soo jiito. lagana xusi karo Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka iyo Madax wayne ku xigeen iyo Qaarkamida wasiirada ugu tunka wayn oo loo balan qaaday sidoo kale waxa xusid mudan Faroole oo caqabad ku ahaa is fahamka noocan ahna meesha la waydaarshay oo doonayay inuu mustaqbalka hadii Somaliland la aqoonsado isna ka tago somaliya inteeda kale isagoo foodsaar ka dhiganaya somaliland lana keenay nin ay ku wayn tahay midnimada Somali wayn sida uu balan qaadayna toos uga hawl gali doona gaboladaa sidii puntland looga dhigi lahaa wado kasta oo ay ku qaadato.

Hadaba waxa is waydiin leh Isaaq ma ogyahay halka Somaliland looga soo dhacayo? Maxaase ka hor taagan inay wax ka qabtaan?

Balse ma is waydiiyeen somalilnd maxay somaliya inteeda kale kaga go’ayso ?

Dadka Somaliland ku nooli hadii ay cadaalad iyo sinaan waayaan ma soconayso wax Somaliland layiraa waayo beesha caalamku way la socotaa waxa Somaliland ka jira, mida kale waxa wax lala yaabo ah Cadaalad darana waa ka ordayaa ana waaku dhaqmayaa ma suura galayso.

Gunta iyo gabagabadii Somaliya waxa looga tagayay laba reer ayaa haysta, waxana ka jirata cadaalad daro iyo sinaan la’aan sidaa darteedana waanu goosanay miyaanay ahayn mise waxaynu kala ahayn laba Qoomiyadood oo kala gaara, kala diina , kala midaba maya intaa midna maaha sidaa darted iyadna mayna banaanayn hadii Somaliland cadaalad lagu waayay in iska tagaan gobalda bari hadii kuwaasi tagaanaa maxaa dee hor taag naanaya awdal iyo selel miyaanay iyagna ku xigin.

Dabcan hadaan la qaybin waax yaha qaranka si simana wax loo wada yeelan dee dadku aqbali maayaan { kud ka guur oo qanjo uguur}

Madna hala ogaado ilaahay uma gargaaro mid dulmi ka ordaaya isna dulmi samaynaaya Somaliland iyo Isaaq midna dani uguma jirto in reer ku kaliyaysto Qaranka waa hadii ay dhab ka tahay waxa ay afka ka lee yihiin ee ah waxan rabnaa qaran madax banaan.

Ugu dambayna beesha caalamka waxan usheegaynaa inay noo hayaan wixii ay Shacabka somaliland ugu talo galeen inta laga helaayo sinaan iyo wax loo midaysan yahay Dhamaan Gobalda iyo Beelaha Somaliland.

Qalinkii: Maxamed Abiib Yuusuf

Borama/ Awdal

Email: bulaawecade98@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles