Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Waar Hooy Wadaadkoow Ha Iska Qoyn Ha Iska Qoyn. Sheeko Qosol leh oo Siilaanyo Quseysa

$
0
0

Wakhtiyadii hore dadku waxay xoolahooda u dhigi jireen taxliil balaayo xijaab ah, reer kastaana wuxuu lahaa wadaad macmiil ah oo taxliisha dhiga.

Waxaa dhacdey in adhi tiro badan oo ay islaan da’weyni lahayd uu odaygii macmiilka u ahaa ku iman waayey wakhtigii caadada u ahayd ee la filayey.

Si aan adhigeedu u taxliil beelin ayey u yeedhatey wadaad kale oo adhiga taxliisha u sameeya.

Wadaadkii cusbaa wuxuu damcey intaanuu taxliisha samayn inuu is daahiriyo ama soo istijoodo, intuu biyo qaatey buu u dhaqaaqay meel reerka ka yara durugsan. Isagoo aan fogaanba waxaa geestan kale mudh ka soo yidhi wadaadkii macmiilka ahaa ee la raagsadey. Dabadeed, islaantii iyadoo ku faraxsan wadaadkii macmiilka ahaa ee ay taxliishiisa ku kalsoonayd ayey intay is hayn kari wayday qaylo kala daba orodday wadaadkii biyaha sii sitey, iyadoo leh: “Waar hooy wadaadkoow ha iska qoyn…ha iska qoyn”.

Waa halkii islaantaase,  imika haddii oday Axmed Siilaanyo uu damco inuu doorasho kale isu soo taago, waxaan fillayaa in lagu odhan doono: (Waar hooy wadaadkoow ha iska qoyn).


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles