Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Horta Feysal Cali Waraabe Waa Kuma?

$
0
0

Feysal Cali Waraabe Waa Kuma?

Marka hore waxaan salaamayaa umada horta ah ee xalaasha ah ee reer Somaliland meel kastaba oo ay joogaanba. Marka xiga waxa aan maanta doonayey inaan idiin soo bandhigo su’aalo aan rabo inaan ku sharxo ninka anigu aan u bixiyey HADHKA LABADA GELIN, dadka qaarna ay uugu yeedhaan magacyo badan oo kala duwan, oo uu Feysal Cali Waraabe ku sifoobo dhamaantood.

Mararka qaarkood waxa aan isweydiiyaa su’aalo badan oo aan sharaxaad u baahneyn oo ninka la yidhaa Feysal Cali Waraabe sifiican sharaxaad uuga bixinaya. Hadaba intiina fursad u hesha inaad qormadan akhridaan, waxa aad iiga jaahil saartaan, Feysal Cali Waraabe Waa Kuma?

  1. Hadhka Labada Gelin ama Gelinba Waa Ceyn
  2. Ma Xamar baa Feysal Mise Hargeysa?
  3. UCID Ma Xisbi Qaranbaa Mise Waa Dukaan Feysal Leeyahay?
  4. Ma Nin Dalka Hunguri Kahaya Inuu Xukumaa, Mise Waa Nin Ku Baayactama Magaca Gudoomiyaha?
  5. Ma Qaran Dhisaa Mise Qaran Dumiye?
  6. Xiskiisu Feysal Miyuu Dhan Yahay, Mise Wuu Waalan Yahay?
  7. Hunguri Iyo Hadaf Keebaa Haga Feysal?
  8. Ma Magudbe Siyaasadeed Siduu Dhuxul Yidhi, Oon Waxba Dhowrsan baa Feysal?
  9. Afku Xoogle aan Xishoon?
  10. Ma Xaasid aan Waxba Xeerin baa?
  11. Ma Qabiil Ku Shaqeyste & Qabiilkiisa Waxba Uugu Filneyn baa?
  12. Waa Nin Xisbi Qaran Hogaamiye Inuu U Yahay Sheegta, Hada Hargeysa Kaa Lihi Ku Hadaaqa Had iyo Jeer?
  13. Ma Xaraan Ku Mame, Ku Qabso Ku Qadimeysid Talidiisi Noqotaa?
  14. Ma Maatada Uma Tudhe, Qas Uu Rido Jecel, Hadii Tiisa Loo Diido?
  15. Ma Nin Cadowga Somaliland U Adeegoo, Qaranka Iibshaa?
  16. Ma Sir Qaran Maqariyaa, Mise Waa Sir Qaran Fashiliye Cadow Somailland ah?
  17. Ma Calooshiise U Shaqeystaa?
  18. Ma Qaadaa Ma Dhergaa?
  19. Ma Nin Ku Sifoobey Maahmaahdii “Nin Soori Kaa Qaadey, Waa Nin Seefi Kaaqaadey”?
  20. Horta Feysal Mayaqaanaa “Ina Salaati Tanhaa Calil Faxshaa Wal Munkar Macnaheeda” Mise wuu Iska Tukadaa, Si Dadku U Aaminaan?
  21. UCID Ma Dukaankii Feysal Baa Mise Waa Xisbi Ka Dhexeeya Taageerayaashiisaa?
  22. Adereeska Feysal Waa Halkee, ee Loogu Soo Hagaagi Karo?
  23. Ma “Ku Cuney Ama Ku Ciideyey” baa Xaalkiisu?
  24. Markuu Ciro ku Lahaa UCID Hargeysaa Laga Leeyahay, Iyo Markuu Madaxweynaha Lahaa Hargeysa Kaalihi, Iyo Markuu Kursiga Ciro Difaacayey Keebuu Feysal Waalan Yahay?
  25. Markee buu Waalan Yahay Markuu Lahaa “Taandhadii Waan Ka Soo Baxney” iyo Marka Uu Leeyahay “Xamar Dawladi Kama Jirto Dee Yaan Lahadalaa”?
  26. Ma FAQASH Dadka Kale FAQASH Ku Sheegaa?
  27. Cadow Ka Weyn Jabuuti Somaliland Malaha Markuu Lahaa Iyo Markii Uu Jabuuti Soo Marey Ee Uu Lahaa Walaal Ka Weyn Somaliland Malaha, Keebuu Saxsanaa?
  28. Marka Uu Leeyahay Dalka Nin Iiga Lexejeclo Badani Majiro, Iyo Markuu Reer Koonfureed Ka Kontaraaga Kaga Soo Qaadanayo Qaska Somaliland, Keebaan U Raacnaa?
  29. Hargeysa Guri Kuma Lihi Marka Uu Leeyahay, Lacag Uu Ku Dhisto Muu Waayine, Ma Dalka Ayaanu Aaminsaneyn Baa Macnaheedu?
  30. Aniga Aniga Aniga Miyuu Tallo Kayaqaan?

Waxa aan filayaa inaad fahamteen, sawirka aan rabo inaad illa wada aragtaan. Waxaan xusuustaa maalin uu gelin kii hore ku qabtey Hotel Xaraf shir jaraa’id oo uu ku taageereyey Madaxweyne Cigaal IHUN mar la odhan jirey madax dhaqameed ayuu Madaxweyne Cigaal ku weerarey guri ku yaaley agagaarka Dhakhtarka Adna. Hadaladiisii waxaa ka mid ahaa, madax dhaqameedku ha ku ee kaadaan dhaqanka oo siyaasad yaaney soo faragelin iyo dawlad waa tii wax xidhxidha, cidii sharciga jabisa, waa la xidhayaa. Gelinkii danbe ayuu Feysal ku qabtey shirjaraa’id Hotel Miin Siing, wuxuuna ku hadaaqey hadalo lidi ku ah, wixii uu saaka Hotel Xaraf ku lahaa oo dhan. Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa; dawladu waxey ku geftey sharaftii iyo karaamadii madax dhaqameedka iyo waa in degdeg loo sii daayo bilaa shuruud madax dhaqameedka la iska xidhxidhey.

Hadaba laba ayaan kala garan la’ahey; Feysal miyaanu ismaqal, mise wuxuu u haystaa in dadka uu la hadlayaa ay xayawaaniin yihiin? Mise Feysal wuxuu ogyahay in dadkuu aaney waxba ka qorin, oo waa kii waalaayee, maantana muxuu yidhi la odhanayo? Mise Feysal waa majaajileeye, siyaasadaba u haysta jilaad iyo ruwaayad lamatalayo?

Idinka ayaan idiin dhaafi jawaabaha, su’aalaha aan kor ku soo sheegey oodhan. Nin kaa isma maqle ee aan u bixiyey Hadhka Labada Gelin, waxaan kula talin lahaa, fadlan iskaga deg masraxa siyaasada, waayo waad ku fashilantey. Sidii uu sheegey Dhuxul na waxaa tahay ma gudbo siyaasadeed. Waxa la soo gaadhey xiligii aad ka fadhiisan laheyd siyaasada Somaliland oo dhan. Hadii kale meesha Xamar la yidhaa ee aad u heelan tahay, baa dadka waasha ee Siyaasiyiinta noqda ku dalacaane qabo, sida Cabdi Weli Gaas oo kale, oo kiniin qaate maskaxdiisu aaney fayoobeyn ah. Waxa ay hore uuga dhigteen Reysal Wasaare, imikana waataa Bintiland loogu doortey Godoomiye Gobol.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa qormadeyda; Feysaloow waa lagula socdaa cidii aad kula Kulantey Dubai, socdaalkaagii uugu danbeeyey. Waa ragii aad ka soo qaadan jirtey Kontaraagii aad kula dagaalameysey SOMCABLE, adiga oo geed dheer iyo geed gaaban ba u fuuley inaad ninka layidhaa Delkom iyo rag uu ku jiro uuga hiiliso Muwaadinka Ina Aw-Siciid (Mulkiilaha SOMCABLE). Waxaad gaadhey heer aad 42 Baarlamanka Somaliland ah inaad ku shiriso Ambasador Hotel, si aad Qaranka Somaliland Qas uuga sameyso. Feysaloow “Ninka Dhuumanaayee Dhabarkiisu Muuqdoow Waa Lagu Arkaa”.

Rashiid Hargeysaawi

admin@gobaadnews.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles