Prof Axmed Samatar oo si Qaawan u taageeray Sadbursiga Beesha dhexe kuna tilmaamay beeshiisa iyo beelihii kalaba Minority
Prof Samatar ayaa soo gaba gabeeyay Semenar balaadhan oo beryahan dambe Hargeisa uga socday kuna saabsanaa Qadiyadda Beesha dhexe ee Ictiraafka iyadoo la kala barayo siday iskugu yeedhaan Mujaahidiintii beesha dhexe iyo dagaaladii ay SNMtu la gashay Taliskii Siyaad Bare. Taas waxa kuu cadaynaya isagoo meel walba la taagan wixii aan kasoo dagaalannay. Waana erayo khaas u ah beesha dhexe markay rabto inay u hesho qiil ay ictiraaf ku raadsato oo ay beelaha kale ku muquunsato.
Prof Samatar intii aanu dalka iman waraysi laga qaaday ayaa waxa uu sheegay inuu u socdo somalilland oo uu soo eegayo xaalada dalka. Isagoo intaa raaciyay inaanay noqon doonin In Axmed Samatar jeebada lagu rito oo uu noqdo qalab la adeegsado (tool) waa siduu hadalka u dhigee.
Waxa uu soo dhawayn aan la qiyaasi karin ka helay Gobolka Awdal oo uu ku abtirsado isagoo loogu soo baxay si aan abid hore u dhicin. Dadka sidaa ugu soo baxay waxay ka rajaynayeen inuu si cad uga hadlo xad gudubka iyo cadaalad darada ka jirta Somaliland ee ay Saami qaybsigu ugu horeeyo. Arinkii halkaa lagula galay wuxuu isku dhaafiyay heeso qaraami ah iyo ciyaaro aan loo joogin. Meeshuu tagana xabad hees ah ayuu ugu dhufanayay halkii laga sugayay inuu umaddan xaqooda kahadlo.
Haddaba, ta ugu darnayd ee uu ugu abaal guday Beeshii uu kasoo jeeday prof Samatar oo noqon doonta mid aan waligii ka hadhin waa isagoo si cad oo aan gabasho lahayn u taageeray Sad bursiga ay beesha dhexe ku qaadatay ilihii dhaqaalaha iyo mansabka Somaliland. Waraysi ay BBC du la yeelatay ayuu si saraaxa ah si gunnimo ah beeshiisa ugu af lagaadeeyay isagoo sheegay inay Beesha Dhexe xaq u leedahay inay ka soo muuqato meel walba sababtoo ah iyadaa Majority ah. Kuwa kalena Waa Minority.
Taasi waxay caddaysay mabdi’ii u qarsoonaa Prof Qaraami oo heesihii uu ku darsaday aflagaado.
Haddaba, maxaad ka filaysaa ninka cajaladii beesha dhexe ku soo shubatay faafinaya ee aduunka la meeraysanaya ee raba inuu gaadhsiiyo aflagaadadaa meel walba oo uu ka hadlo?
La yaab noqon mayso hadaad aragtaan isagoo kalmidihii beesha dhexe u khaaska ahaa ee Mujaahidiinta SNM iyo markii burco aaan kabaxnay iyo markii Hargeisa la soo galay ka sheekaynaya waayo waa casharada loogu soo akhriyay Hargeisa. Ninkii Profka loo haystay waa kaaa!!!!!! Jeebadii uu lahaa la igu ridan maayana, si dhib yar ayuu u galay oo waxaa uu hadala la meeraysanayaa waa nin Jeebad ku jira wuxuu akhriyayaana waa wax khaas u ah beesha dhexe oo uu u adeegayo.. Mana matalo cid kale… waa dano shakhsiyadeed iyo dano beesha dhexe ah.
Jaamac Hassan Wacays (Jama Awdali)
Cardiff