Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Muraayadaha Madmadow ee Siilanayo Ma Indho Hurdaa Ka Hooseeya?.

$
0
0

Muraayadaha madmadow ee Madaxweyne Siilanayo ma indho hurdaa ka hooseeya?.

Guud ahaan shacbiwaynaha rer somaliland gaar ahaana bahda saxaafada madaxa banaan waxaan ku salaamayaa salaanta islamka(ASCW)

 

Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxay iftiimisay in dadka awoodda maamul amma madaxtinimada ku cusub ay yihiin qaar aar-gudasho badan, isla markaana aan dulqaad u lahayn dadkay madaxda u yihiin amma wada shaqeeyaan.

Waxa la ogaaday in dadka awoodda maamul ku cusub ee aan xilal hore soo qaban ay yihiin qaar nugul oo aan u dulqaadan khaladaadada amma dhaleecaynta, taasina ay sababto in ay inta badan ku mashquulaan aar-gudashada dadka ka soo horjeesta fikradahooda.

 

Maxaa maanta shalay uga eeg,

runtii waxaa igu kelifay qoraalkan kooban buuqa iyo khalkhalka nidaam xumo ee dalkii iyo dadkii reer somaliland la daalaa dhacayaan taas oo aan odhan karo waa ayaan daro, dunuubta iyo denbiga ka dhashana waxaa dumadeeda ay saaran tahay cidii dalkan iyo dadkiisa u dhaaratay ee loo doortay oo madaxwanuhu kaw ka yahay, sidaan wada ogsoonahay hayadii qarankani lahaa iyagaa dagaalkii ugu waynaa ka dhex aloonsanyahay waxaa laysu isticmaalayaa dhaqaalii dalkani lahaa waxa kala shiraaya dadkii iyo madaxdii inay dalka iyo dadka u shaqeeyaan ay ahayd, waxay taladu ka go,aysaa oo shirarkan dhagaraysan hogaaminaaya dad badidoodu  dhalinyaro iyo haween u badan oo dalkan dee aan loo dooran.

Waxaa baahday qabyaaladii iyo laaluush qaadashadii, waxaa lumay dareenkii qofka masuulka ihi yeelan jiray amaba lagu yaqiin waxaad arkaysaa xildhibaan amaba masuul kale oo seddex casho oo isku xiga 3 mooshin oo iska soo hor jeeda midba maalin u codaynaya 1-maalinta koowaad fikradiisa, 2-qoladiisa, 3-hungurigiisa …dadkaasaa badi dalkii u madaxa amaba u xildhibaana amaba masuuliyiin ka ah Aloow noo sahal.

Cudurku haduu galo cidii daawadiisa loo doonan lahaa waa dhib wayn, dawladu amaba hayada fulintu ee madaxwanuhu u sareeyaa waa cida ceebta amaba sharafta xili maamuleedkaa taariikdeedu ay u diiwaan gashanto, hadaba dawlada Siilaanyo madaxda ka yahay miyaanay taariikh wacaniba inay ka hadho aanay diyaar u ahayn? miyaan cid madaxwaynahan aakhuru cimriga ku jira cid ka naxaysaaba aanay jirin, maye talo qabeenadii ehelka iyo asxaabta dhaw u ahaa maxaa looga qaban waayay dadkan taladii ka maroorsaday ee maalinba hayadii dalka iyo  ma gaydadii dadkani lahaa mid mid ugu  doobyaya!!!

 

mudo yaruun baa kasoo wareegtay markaan saxaafada ku arkaayay inama yar yar oo caayaya odayadii talada qaran soo jeediyay maantana ku wii uun baa golayaashii qaranka albaabada u laabay, waxa ay sidaa ugu kibreen ee haween iyo odoyaal iyo magaydo iyo cidkasta ay ugu dhibi lisanayaana hada waa awoodii siilaanyo lagu ogaaye bal qabso, waxaan leeyahay dalkani calooshii la cayaar uma baahna duruufihisaa ku filan mid aqoonsi mid dhaqaale mid bulsho taasaa in laga hawl galo ay tahay meeshan iyo taladeeda nina kuma waarayo sunahaa sidaasa laakiin xiligaad joogto inaad wax aakhiro iyo iftiinba wax kuu taro oo lagaaga aayao aad ka tagtaa mihima, hebelkii isoo eegaba waan ridayaa waxba kuma hagaagayaan, dadka oo aad hungirigooda ku hawlgelisaana mudana kuu dheerayn mayso  dadna ku jeclaysiin mayso balse umad cadaalad baa deeqda.

Waxaan kusoo koobayaa madaxwaynuhu marka xaaladaha wadanka wax laga waydiiyo sida tii aqlka xildhibaanada ee soo dawayntii lagu waydiiyay wuxuu ku jawaabaa ja,waab ka duwan tan ay ku goodiyaan dadkan inta badan taladiisa ama awoodihiisa isticmaalaa, hadaba waxaa isu kay qaban waayay dhawr arimood  waxa layidhi fule xantiisa ma mooga dhawr jeerna saxafadu waaba waydiisay ee ma waxaa dhaba warba uma hayo…

 

wax dalka ka dhacaya oo sidii sawir qalfoofeedkii  iskuulada  sare  laabkooda sudhnaan jiray ayuu xaalkaba ka yahay ..marka madal ama munaasibad wayni jirtana waxaa la cabsiiyaa bahashan sharaabka ah dadka qurbuhu way yaqaanaane power ka laga helo way magacyo badan tahay sida redpol, power,iwm kafeegaa ku badan qofku 24 saacadood iyo in kabadan buu fax iska ahaanayaa dabadeedna dadbaa siyaasad bililiqo ah dalka ku maamula odaygana muraayado madow inoogu geliya markay u baahdaana saqda dhexe inoo toosiya.

Mise madaxwaynu hawshan warkuma seeganee isagaa sidan laraba oo waa nin khaatumo xumada isga badheedhay guurtidii bilaa shaarubaa ahayd ee faysal sheegaybaanu taladiisii ku wareejiyay wixii dhacaya wixii ka dhalanaya macno badan agtiisa ka samayn mayso?

Waxaan kusoo af meerayaa (waa la doogiye yaan la dacaroon) dadkan iyo dalkan iyo nin degdegeyaa ways is yaqaanaan hebel rid iyo hebel dhisna higsigaaga madaxtinimo inay noqotaa waa kuu nuqsaan raga iyo dumarka talada siilaanyo ka agdhow waxaan leeyahay odayga haloo hanbeeyo waa nin wayne haloo hanbeeyo idinkana waxaan idin odhan lahaa hankiinu yaanu shantan sano ku koobmine hankiina fogeeya ragaan is leeyahay haday wanaag wax u wadaan  rejo siyaasadeed bay leyihiin ayaa dadka iiga dhex muuqda markaad madax tahay eed halkii u saraysay adigu fadhido dee xintanku waa kaa mamnuuc inaad meel walba farta gelisaana ceebay kugu tahay ..waxaan xasuusin lahaa aqalka madaxtooyada dalkii waa la soo qabsaday madaaro iyo madaxwaynayaalbaa gaalaa baxaya idinkuna aqalkii deriskiina ee aad dalka u wada talinayseen ayaa waxaa xoolo iyo xiniinyo hayseen la hor fadhidaan miinadaas aad xidhaysaan idinkay halis idunku tahaye bal yaanay idinku qarxin.

 

Yaasin/Jamal Hashi Hasan(Gobdoon

ducoqabe12@hotmail.com

Norwey


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles