Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 14aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

$
0
0
Dharaarihii Tilmaannaa; Qormaddii 14aad. By; Abdirisaq Mohamed Barkhad.

Intii aan la gudagelin shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu qabtey dalka Jamhuuriyada Jabuuti sannadkii 1991-kii waxa ay aqooyahanadii SDA magaalada Jabuuti ku sammeeyeen amma aasaaskiisa door weyn ka qaateen urur Siyaasadeed cusub oo maareynta iyo mulkiyadiisa iska lahaayeen Beesha Ciise. Ururkaas waxa la odhan jirey United Somali Front oo loo soo gaabiyey USF waxaana guddoomiye looga dhigey nin la yidhaahdo Cabdiraxmaan Ducaale Cali oo ku dhashey kuna barbaarey degmada Borama halka guddoomiye kuxigeen loo doortey nin magiciisu ahaa Xasan Ciise, aqoonyahanada ku jirey labbadan urur ee SDA iyo USF waxa ay wakhtigaas ahaayeen mutacalimiin isku mabda’ ah oo duulaanka aragtidoodu meel u wadda jeedday mar kaste oo ay sammeynayaan mashruuc siyaasadeedna waxa ay inta badan ku hawlgali jireen weerar mideysan oo u jeedda jiho toosan.

Markii se la soo gabogabeeyay shirkaas u horreeyay ee dib u heshiisiinta Soomaalida natiijadii qeybsiga kuraastana lagu kala calaf qaaddey waxa ay aqoonyahanadii SDA u duuleen magaalada Muqdisho balse nasiib xumo safarka iyo socdaalkoodu waxa uu ku soo beegmay wakhti uu billowday iska hor imaadkii iyo khilaafkii Siyaasadeed ee ka dhex curtey Jan. Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed sidaas darteed waxa maalin maalmaha ka mid ah Hotelkii ay dagennaayeen waftiga ka socdey ururkii SDA ku soo dhacey Madfac culus oo sabab u noqdey in ay halkaas ku dhintaan rag uu ku jirey Prof. Abiib Xasan AUN oo ka mid ahaa haldoorkii udub dhexaadka u ahaa halgankii ururka SDA. Dagaalka berigaas dhex marey ciidamadii kala taabacsannaa Jan. Caydiid iyo Cali Mahdi wuu xoogeystay isla markaana waxa uu si weyn ugu fidey magaalada Muqdisho.

Aqoonyahanadii ururka SDA ee markaas ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho markii ay garwaaqsadeen in dagaalka billaabay uu yahay fadqallalo u muuqatey mid aan gabogabo iyo joogsi lahayn waxa ay go’aan ku gaadheen in ay tagaan gobolka Awdal oo dhalasho ahaan ka soo jeeddaan sidaas darteed Siyaasiyiintii SDA oo dhawr iyo toban aqoonyahan ah ayaa ku tagey magaalada Borama diyaarad yar oo berigaas ay u keentay Qaramada Midoobay waxaana dhammaantood lagu dajiyey Hotel Borama oo markaas dhismihiisu ahaa mid cusub kaas oo mulkiyadiisa uu iska leeyahay Ganacsade Maxamed Nuur Dillaal.

Siyaasiyiinta markaas gacanta ku hayey talada iyo maamulka gobolka Awdal waxaa hoggaamiye u ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waxaana ka mid ahaa.

1. Maxamed Cabdi Dhimbiil (Galbeedi)
2. Axmed Xuseen Oomane
3. Qaasim Sheekh Yuusuf
4. Maxamed Barkhad Miigane
5. Cabdi Maxamuud Gaagaale
6. Quraab Sheekh Ibraahim.

Dhinaca SDA waxa meesha marayey dhawr iyo toban aqoonyahan oo uu horkacayey Maxamed Faarax Cabdillaahi Xansharo kuwaas oo ay ka mid ahaayeen.

1. Maxamed Xaaji Hadliye
2. Maxamed Muuse Qoorgaab
3. Eng Maxamed Barkhad
4. Ambassador Muuse AUN iyo qaar kale oo badan.

Labbadan kooxood oo ahaa rag aan kala dhicin dhinaca aqoonta, ilbaxnimada iyo kartida hoggaaminta ummadda isla markaana kala taageersannaa amma haystey labbo mawqif oo aad u kala fog Somaliland iyo Somaliweyn) waxa ay berigaas isku hor fadhiisteen fool ka fool iyo kulan garnaqsi ah oo ay gadhwadeen ka ahaayeen 21-kii Oday ee markaas ku midaysnaa golaha guurtida Beesha Gadabuursi kuwaas oo immika inta nool ee aan ka xasuusto ay ka mid yihiin.

1. Suleex Madar Xoosh
2. Xaaji Daahir Aw Cilmi
3. Sheekh Cabdillaahi Sh.Cali Jawhar
4. Maxamuud Barre Garaad
5. Tukaale Riiraash Shirdoon
6. Nuur Rayaale Khayre.

Dooda hadalka iyo garnaqsiga ujeeddada wax badan baa labbada dhinac is yidhaahdeen balse waxa ugu muhiimsannaa oo kulanka wadda hadalka gundhig iyo udub dhexaad u ahaa labbo qoddob oo xal u helida iyo maandhaafka aragtidooda la isku mari waayey maadaama mid kaste amma koox kaste dhankooda ay ku adkeysannayeen in mabda’oogu sax yahay sidaas darteedna ay haboon tahay in lagu taageero mawqidkooda si tub amma dariiq toosan loogu bixiyo masiirka iyo jiritaanka mustaqbalka ummadda reer Awdal. Inkasta oo Odayaasha golaha guurtida Gadabuursi badankoodu taageersannaayeen aqoonyahanadii fekerkoodu la xajinayey gooni isku taaga Somaliland haddana golaha Odayaasha waxa ku jirey kuwo tiro yar oo taageero weyn u hayey amma niyadsami u muujiyey ururka SDA kuwaas oo uu ka mid ahaa Muuse Caynaan Geelle AUN.

Haddaba maxaa la isku hayey? Siyaasiyiinta reer Awdal ee berigaas u xaglinayey dhinaca maamulka Somalilanmar ahaantaana isku diyaarinayey gogol xaadhka shirweynihii 1993-kii ee Beelaha Somaliland isugu yimmaadeen magaalada Borama waxa ay Siyaasiyiintii ururka SDA ku lahaayeen “Burburkii dalka Soomaaliya kadib ma jirto wax la yidhaahdo Somaliweyn, Xamarna nabad ka soo naaso cad waa habeen xallay tagey sidaas darteed waar ummaddiina wax la qeybsada oo xoojinta nabada iyo dib u dhiska gobolka nagala shaqeeya”. Siyaasiyiinta ururka SDA maalintaas waxa ay iyaguna ku halcelinayeen “Somaliland wax la yidhaahdo ma jirto haddii ay jirtana waa Jabhadii SNM oo shaadhka dhinaca kale u gashatey sidaas darteed waar dadka reer Awdal masiirkooda jahwareer ha ku ridina oo u diyaar garooba in aan dhib iyo dheefba la wadaagno ummaddeena Soomaaliyeed”.

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta is-weydiin mudan 20 sanno kadib kulankaas aan ka hadleyno iyamaa mawqifkoodu sax ahaa labbadan kooxood ee garnaqsiga adag wakhtigaas adag iskula soo gole fadhiistey? Saadaashii labbada dhinac se bixiyeen maxaa mid walbe dhankiisii run ka noqdey?. Tani waa jawaab u furan qof kaste oo reer Awdal ah.

Dadka waxaan ogeysiinayaa
Doodiyo dawgu siduu yahay.

La soco qeynaha kale……….

Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editors
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles