Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

USC waa dowlada loo aqoonsan yahay Soomaaliya!! Heshiisyada caalamiga ah ee ay galaana Soomaali oo dhan way ku khasban yihiin!!

$
0
0
USC waa dowlada loo aqoonsan yahay Soomaaliya!! Heshiisyada caalamiga ah ee ay galaana Soomaali oo dhan way ku khasban yihiin!!
Sida la wada ogsoon yahay, burburkii Soomaaliya waxa sababay, laba jabhadood oo u dagaalamay xuquuq baadil ah, oo ay ku andacoonayeen, in ay beelahooda ka maqan tahay, labadaa Jabhadood oo uu gacansaar wayni ka dhexayay, bal asalkoodii hore ahaa isku jabhad keliya, wadanka intiisii muhiimka ahayd oo dhan, bay gacanta ku dhigeen, dhamaan hantidii
 Dowlada, oo uu dhaqaalihii ka kow yahay, bay gacanta ku dhigeen, bal waxay gacanta ku dhigeen hantidii shacabka mood iyo noolba, ee deganaa dhulkii ay qabsadeen, ee aan ka soo jeedin beelahooda, shacabkii aan ka soo jeedin beelahooda, ee deganaa degaanadaa ay qabsadeen, labadaa jabhadood waxay u gaysteen xasuuqyo ba’an, oo isir tir ah, iyadoo dadka
 Sababta loo laynaayay, ahayd oo keli ah, qolada uu yahay, ee aanay jirin wax dembi ah, oo uu shacabkaasu u gaystay labadaa jabhadood, jabhadahaasu waxay shacabkaa ka galeen xusuuqyo isir tir ah, dembiya dagaal iyo gabood falo aan la soo koobi Karin, hantidii moodka iyo noolkaba lahayd, ee ay labadaa jabhadood ka dhaceen shacabka iyo weliba tii dowlada, ilaa maantadaa
Way ku maqan yihiin, lagalamana xisaabtamin labadaa jabhadood, ee kala ah SNM iyo USC, dalkii, sharaftii, karaamadii, haybadii dowladnimo iyo qaranimadii ummadaba way tirtireen, oo burburiyeen, bal waxaba taa ka sii daran, in labadaa jabhadood weli si is gaashaan buuraysi ah, ay u sii wadaan hagardaamadii iyo dulmigii, ay shacabka aan beelahooda ka soo jeedin iyo
 Dalkaba ku hayeen, mana muuqato Soomaali kale oo arintaa ka dhiidhiyaysaa, bal waxa muuqata in dhamaan laysu wada dhiibay rabitaanka guracan, ee labadaa jabhadood, USC oo dhul muhiima, oo ay caasimadii dalku ka kow tahay  gacanta ku dhigtay, oo geesta koonfureed iyo badhtamaha dalka ah, ka dib dhowr isku-day, oo dibu heshiisiin iyo in dalka dowlad loo
Dhiso ah, way ka soo horjeesteen, iyagoo u arkaayay in ay sida hada ah, ay iyaga ugu badinayso, hase yeeshee ka dib markii cadaadis kaga yimid caalamka, oo doonaayay in dalka dowlad loo dhiso, magac u yaalba ha ahaatee, si loogu fushado arimo iyo dana badan, oo caalamku dalkeena ka leeyahay, ayna ka mid tahay arinta aan maanta ka hadlayo, sida soo socota, waxay markaana
 Ku tuun tuunsadeen, in aanu dowladaa madax ka noqon, nimaan USC ama taageerayaashooda ahayn, sababa badan owgeed, oo ay ugu wayn tahay iyaga oo caasimadii dalka gacanta ku hayay, way ku guulaysteen arintaas, oo mar qudha ayaa dowladihii dalka soo maray burburkii ka dib, uu nimaan USC iyo taageerayaashooda ka soo jeedini madaxwayne ka noqday, kaas oo ahaa
 Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf, isna isla markiiba, si xoogan bay uga soo horjeesteen, iyaga oo weliba adeegsanaaya, in badan, oo ka mid ah shacabkii dhibanayaasha u ahaa USC, kuwaas oo lagu marin habaabiyay, mabda’ Soomaalinimo ah, gumaysi necayb, iyo islaam u gargaaris, arimahaas oo isla markii Cabdullaahi Yuusuf xukumka laga tuurayba, iyana meesha ka baxay,
 Dowladihii ka dambayay tii Cabdullaahi Yusuf, madaxdeedii qabyaalad iyo eex badheedh ah bay la soo baxeen, haba ugu darnaato tan maanta Muqdisho ka talisaa ee, sheekadii gumaysi iyo shisheeye necaybka, iyana meesha waa ka baxday, oo waan u jeednaa kumanaanka kun ee ciidamada shisheeyaha ah, oo ay ka mid yihiin kuwii hore loogu marmarsoonaayay ee Itoobiya,
 In ay wadankeena joogaan, oo sida buuxda raaliga looga yahay, marka laga reebo ciidamada Kiiniya, oo iyaga beel kale lagu tuhmay, in ay gacansaar la leeyihiin, Islaam u gargaarkii iyo jeclaantiisii, waxay isu bedeshay, in cidii Islaamnimo laga uriyoba lala dagaalamo, oo la cidhib tiro, dhinaca SNM iyaga oo mudo hada laga joog 23 sanadood, ku andacooday in ay yihiin,
 Dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, waxay mudadaa dheer ku jireen go’doon, iyada oo uu caalamku ka dhega adaygay, kuna tix gelin waayay dowladnimada ay sheeganayeen, bal se mudo hada afar sanadood laga joogo, ka dib markuu Shiikh Shariif ku guulaystay madaxwaynanimada dalka, ay arintoodii wax badan iska bedeleen, iyada oo uu Shiikh Shariif
Albaabada caalamka u furay maamulkaa gooni goosadka raba, wuxuuna u suura geliyay in sidii dowlad caalamku ula dhaqmo, arintaas oo ay dabcan rabitaanka beeleed, ee Shiikh Shariif ka sokow, ay jireen awooda shisheeye, oo dabada ka riixaayay, kuna dhiiri gelinaayay, waxana bilaabmay xiligii Shiikh Shariif wadahadlada suuqa madow, dowlada maantuna, in ay ka sii
Darto mooyee, aanay waxba ka bedelin, kuwaas oo ay dowladu si badheedha, oo khilaafsan axdigii ku-meel gaadhka ahaa, distuuradii ka horeeyay, iyo distuurkan cusuba, waxay iyada oo aan wax shuruuda ah ku xidhin, miiska wada hadalada ula fadhiisatay gobol ka mid ah dalkeeda, sidii dowlad ka madaxbanaan, waxay wada hadal la furtay, maamul sheeganaaya dowladnimo,
Maamul aan aqoonsanayn in uu qayb ka yahay Soomaaliya, kuna dhawaaqay in uu yahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya, distuurkeedna aan aqoonsanayn, maamul dhul badan, oo Soomaaliya ah ku doodaaya, in ay qayb ka yihiin dowlada ay ku andacoonayaan, oo iyaga ka mid yihiin, xoogna ku haysta dhul badan oo Soomaaliyeed, oo aan shacabkiisu ka raali ahayn,
 Dowladu waxay wadahadaladaa ka horjoogsatay, dhamaan dadkii ay khusaysay qadiyadanu, sida shacabka ku nool dhul badan iyo gobolo, uu maamulkaasu ku andacoonaayo, in ay ka mid yihiin, iyaga oo aan shacabka goboladaas, wax taageero ah ka haysan, qaarkoodna ayba xoog ku haystaan! Iyo weliba qaar ka mid ah shacabka ka soo jeeda magaalooyinka Hargaysa iyo Burco,
 BAL se aan taageersanayn gooni-goosadka, dowladu waxay u dirtay si ay ula xaajoodaan maamulkaa,wefti aan dhex dhexaad ka ahayn arimaha goboladaa, khibrad dhaqan, siyaasadeed iyo mid taariikheedna, aan u lahayn qadiyadaa, wadahadaladaa oo aan xogo badan laga hayn, waxa daaha gadaashiisa ka socda, ilaa hada qodobada lagu heshiiyay dhamaan, waxay muhiim u
 Yihiin rabitaanka maamulka gooni goosadka raadinaaya, waxa hubaal ah in ay wadahadaladaasu yihiin shirqool, ka dhan ah midnimada dalkeena, madaxda dowladana haday dhab ka tahay, oo daacad ka yihiin, in ay ilaalinayaan midnimada dalka, uma ay wajaheen arintan, qaabka ay hada u wajaheen, wadahaladanuna waxay u baahnaayeen, in dhamaan dhinacyada ay khusayso
Qadiyadanu iyo Soomaalida kaleba, ka soo wada qayb galaan, siiba odayaashooda dhaqanka, siyaasiyiintooda, culimadooda iwm, iyo intaa in le’eg oo dhex dhexaad ah, oo Soomaalida kale ah, bal se taa dowladan ay USC madaxda ka tahay, ma doonayaan, dadka arimaha siyaasada ku xeel dheerina, waxay leeyihiin dowladu laba ujeedo bay miduun, ka leedahay wada hadaladaa,
Oo  labadaba  dani ugu jirto USC iyo SNM oo keli ah, bal se  dhib, shirqool iyo hagardaamo ku ah shacabka intiisa kale, iyo dalkaba, siiba kuwa ay sida tooska ah u khusayso qadiyadanu, labadaa arimood,oo tan hore tahay in maamulkaa SNM madaxbanaani la siiyo, shacabka ka soo horjeedana khasab lagu raaciyo, oo ay Soomaaliya noqoto laba dowladood, oo ay labadaa
Jabhadood kala hogaamiyaan, iyo tan labaad oo ah, in arintan lagaga hortagu federaalka iyo maamul  goboleedyada dhismaaya, oo dalku noqdo federaal woqooyi iyo koonfur ah, oo ay labadaa jabhadood awood xoogan ku leeyihiin! Hadaba waxa la yidhi ka hortegista iyo iska ilaalinta cuduradu, waxay ka fiican tahay, kana haboon tahay, iska daawayntiisa ee, maxaa meel
 Uga yaala shirqoolkan shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa ay sida tooska ah u khusayso? Ilaa  hada, iyada oo ay wadahadaladaasu gaadheen meel khatar ah, hadana ma muuqato wax fal celin ah, oo ka imaanaysa shacabka uu shirqoolkanu ku wajahan yahay, marka laga reebo reer Awdal oo xoogaa dhaq dhaqaaqa muujiyay, iyagoo baroor diiq iyo xus u samayay, dadkii ay SNM sida
 Arxan darada ah, ugu xasuuqeen dhulkaa Awdal, hadaba arintanu mudo dheer bay hada socatay, welina lagama hayo dhinacyada uu shirqoolkani ku wajahan yahay, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee midnimada iyo badbaadada wadankooda jecel, wax fal celin ah, iyo wax iska caabin ah toona, bal in badan waxay rumaysteen hadalada madaxda dowlada federaalka, ee
Marin habaabinta ah, oo dabcan aad uga fog waqaca wadahadaladaa ka jira, qaar kale waxay aaminsan yihiin, in arintanu ka dhexayso USC iyoSNM, oo aanay iyagu shaqo ku lahayn, sida uu aaminsan yahay ninka cajaladan fiidiyooga ah ka hadlaaya, oo weliba ka mid ah dadkii ay ahayd, in ay shacabka wacyi geliyaan, oo abaabulaan, si ay uga hortagaan shirqoolkan, waayo wuxuu
 Sheegtay ku-xigeenka USP, cajalada dhamaadkeeda ka dhegayso hadalkiisa ku saabsan wadahadaladaa (halkan ka dhegayso hadalka jaamac), arinta wadahadaladaa, heshiiska ay labadaa dhinac ee USC iyo SNM ku gaadhaan, waa mid ay Soomaali oo dhami, ku khasban tahay, waayo USC waa dowlada Soomaaliya loo aqoonsan yahay, wixii heshiisyo caalami ah, oo
 Galaana, hadaan inta aan xeedho iyo fandhaal kala dhicin laga hortegin, waynu ku wada khasbanaanaynaa, marka la kala saxeexdo, dowlada federaalka waxan USC ugu sheegayaa, waa sida hab dhaqankooda iyo ficiladooda laga arko, oo aan qarsoonayn, waxa iyana jira warbixino sheegaaya, in madaxwayne Xasan Shiikh uuba ka mid ahaa golihii dhexe ee USC, in kasta oo
 Aanay warbixinahaa ku iman xaqiiqa sugan, hadana Qiiq aan dab ka dambayni ma baxo, hab dhaqanka dowladuna arintaa waa sii xoojinayaa, waxa kale oo sii xoojinaaya in dowlada ka jirta Muqdisho ay tahay dowlad beeleed, warbixintan soo socota, oo uu weliba nin aad u xogoogaal ah qoray (warbixintaa halkan ka aqriso), iyo kuwa la mid ah, oo aan maalin walba warbaahinta
 Ku aragno, hadaba sidaan in badan shacabka ku booriyay, waxan leeyahay, arinta wadahadaladaa yaan la dhayalsan khatarta ka soo fool leh, ee kacdoon shacab ha lagaga hortago, si loo joojiyo ama wax looga bedelo qaabka ay hada u soconayaan, waxana leeyahay, debeda iyo gudahaba ha laga samayo banaan baxyo waawayn, si gaar ahna ha loola beegsado dowlada
 Turkiga, si loogu baraarujiyo, in ay arintanu tahay shirqool wayn, oo dowlada Turkiga lagu khiyaanayay, iyagu waa daacad, oo waxay  is leeyihiin Soomaali baad wax u qabanaysaan, oo khilaafaadkooda xalinaysaan, labadan dhinacna waxay u haystaan, in ay kala metelayaan, dhinacyada ay qadiyadanu khusayso oo dhan, waayo may arag ilaa hada, cid ka soo horjeeda
 Wadahadaladaa suuqa madow iyo khiyaanada ah, sidoo kale ha lagu banaan baxo madaxda dowlada federaalka, sida madaxwaynaha, ra’iisal wasaaraha, iyo wasiiradaba, meel kasta, oo ay booqasho ku yimaadaanba, sidoo kale dowladaha Ingriiska iyo Norway, oo iyagu ah kuwa sida dhabta ah shirqoolkan dabada uga riixaaya, iyana ha lagu banaan baxo, ugu dambayn waxaa la
 Yidhi “ninkii seexdaa Saciisii Dibi dhalay”, hadaan maanta arintaa laga dhiidhiyin, beritoo way adkaan, waxbana  kama qaban kartid, marka heshiis caalamiya laga gaadho, USCna waa dowlada Soomaaliya loo aqoonsan yahay!!! Heshiisyada ay gashona waynu ku wada khasbanahay, hadaan waqtiga haboon laga hortegin.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles