Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

DEG DEG; Xaaji Cabdi Waraabe Iyo Ergadiisii Oo Ka Baxay Dhex Dhexaadintii Golaha Wakiilada Iyo Xukumadda Siilaanyo

$
0
0

Gudida dhexdhexaadinta khilaafkii Golaha Wakiilada ayaa ka baxay dhex dhexaadinta ay ka dhex wadeen shir gudoonka golaha iyo labada garab ee mudanayaasha, kadib kolkii  gudida ay ku gacan saydheen Garabka Xildhibaanada xukuumada u afduuban oo cadaadis iyo hagitaan toos ahi kaga socdo madaxtooyada.

Labada garab oo dhinac walba laga soo xulay todoba Xildhibaan xubnood oo ka kala socda Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani kuwaaso magacyadoodu kala yihiin

XISBIGA WADANI:

1- Xil Ibraahim Mahdi Buubaa, 2- Xil Maxamed Saalax Cige, 3- Xil Saleebaan Cali Koore, 4- Xil Maxamed Cali Xirsi “Obama” 5- Xil Ibraahim Jaamac Cali “Rayte” 6- Xil C/qaadir Jibriil Tukaale, 7- Xil Siciid Cilmi Rooble.

XISBIGA KULMIYE:

1- Xil Saleebaan Cawed Cali “Bukhaari”, 2- Xil , C/raxmaan Cismaan Caalin, ” C/raxmaan Dheere, 3- Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac “Loyar”, 4- Xil Maxamuud Obsiiye, 5- Xil Ibraahim Caraale Cabdi ” Ruush”, 6- Xil Axmed Cabdi Kijaandhe, 7- Cali Axmed Diiriye “Cali Gebiley”

Ayaa maanta gelinkii dambe kulankoodi u horeeeyey sheegay kasoo ay goob joog ka ahaayeen Gudida dhex dhexaadinta labada dhinac iyo Gudoomiyaha Barlamaanka oo shirkaasi isagu furay.

Bilowgii kulankaasi ayaa waxaa Gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida ka codsaday inay ka dhex baxaan isla markaasina joojiyaan isu soo dhaweynta labada dhinac xildhibaanada muxaafidka ah ee Ee Xukuumadu dabada ka riixayso.

Sikastaba arintan ayaa u muuqata rabitaanka xukuumada ee sii socoshada iyo dardar gelinta duulaankii ka dhanka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka waxaana muuqata Curashada mar kale iyo Xiisado siyaasadeed oo sababi karo dhibaatooyin hor leh


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles