Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Sharaf bay ahayd inuu mudane Seed casuumo guurtida J/Yoonis waxase meel ka dhac ahayd inuu yiraahdo……..

$
0
0

seed

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta nala socodsiisa kolba waxa daafaha dunida ka jira mar labaad waxaan maanta qalinka u qaatay inaan waxooga ka hadlo hadhimo sharafeed uu dhawaan axmed seed u sameeyay guurtida j\yoonis Huteel Rays taasina waa wax lagu farxo run ahaan waayo waa inankoodii oo marti qaaday waana sharci hadii hadiyad ama marti qaad aad qof walalkaa ah ka hesho inaad tagto diinteena ayaaba ina faraysa

Kadib markaan meelo badan oo warbaahinta gobolka aan ka akhriyay maqaal uu Seed u qaybiyay warbaahinta inkasta oo la yidhi looma ogolayn warbaahinta hadana wuxuu sameeyay wuxuu u qaybiyay nuqulo uu malaha isagu gacantiisa ku qoray kaas oo kaga sheekaynayay marti qaadka, dadkana tusayay inuu marti qaaday reerka ama tusayay gudoomiyaha Ciro oo warbaahinta qaar qoreen inuu u gogol xaadhayay inuu kulan la yeesho beesha j\yoonis oo ah beelaha ugu balaadhan  qolo walbaana dhinaceeda ka doonayso inay hanato inkasta oo aan wali la gaadhin wakhtigii olalaha

Aan hadaba dul joosado biyo dhacayga waxaa qoraalka Axmed Muumin Seed ku qornaa inuu ahaa wakhtigii  ugu haboonaa ama loo baahnaa inuu beesha j\yoonis  la kulmo waayo beesha oon wali lahayn musharax iyo siyaasi beesha ah oo beeshu isku raacday ama ka socda.

Hadaba waa yaabe miyuuna C\rashiid Xasan mataan ahayn nin J\yoonis ah miyuuna ahayn musharax ka sharaxan xisbiga UCID, miyuuna ahayn musharax ka sharaxan beesha J\yoonis.  Waa suaasha labaade markaan is bar bar dhigno Seed iyo C\rashiid keebaa musharax ah waayo intaan ognahay Seed waa ku xigeen uun wali wuuse noqon karaa musharax mustaqbalka haddii xisbigu………

Aniga iyo dad badan oo ila ra’yi ahiba waxaan u soo jeedinaynaa walaalkayo  Axmed Muumin Seed ama aan kula talinaynaa  inuu arintaasi raali galin ka bixiyo malaha qalinkaa la taraaraxaye.

maxmed jaamac cumar

UK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles