Qabyaalad Iyo Eex Ka Jirta Jaamacada Camuud (Faculty Of Medicine)
QABYAALAD IYO EEX KA JIRTA JAMACADA CAMOUD FACULTY OF MEDICINE
waxa aan aad u salaamayaa dhamaan umada jecel in ay waxbarashada dalku hore marto…
waxaanan idinku salaamayaa salaanta islaamka meel kasta oo aad joogtaanba( sc ).
Waxa aan ahay arday ka mida ardayda dhigatada jamacada camuud qaybta MEDICINEka isla markaana ah arday aan u dhalan gobolka awdal ee u yimid oo kaliya waxbarasho inaan ka diyaariyo jamacada camud qaybteeda caafimaadka.
Waxaan rabaa in umadu ila ogaato cadaalada darada iyo wax isdaba marinta ka jirta QAYBTA CAAFIMAADKA EE JAMACADA AMOUD..
Qofku marka uu wax dhaliilayo hadii uu cadayn iyo tusaale bixin waayo taa macneheedu waxa weeyi inuu qofkaasi ceebayn uun uu wado balse aanu wax kale hayn….. haa… WAA RUN. Si aan wax iskula meel dhigno waxaan sheegi doonaa tusaalayaal cadcad oo cidii u baahan inay si dhab ah wax uga ogaato ay daba gal ku samayn karto…..waxaa wax laga naxo ah in jamacadan oo ah jamacad lagu soo hirto una dhaxaysa umada somaliyeed ay qaybo kamida waxan oo kale ka dhacayaan…
Waan ogahay in ay dad badani is waydiin doonaan waa maxay sababta ardaygan ku keliftay in uu ceebahan soo faqo isaga oo cabashadan u gudbin karayay maamulka sare ee jamacada..
Ninka aan wadciga facultigan medicine ka waxa ka jira aan la socon ayaa sidaa fiican wax isku waydiin kara balse ninka og nidaamka ay jamacadani u dhisantahay jawaabta wuu ogyahay oo wuu sii hayaa…balse aan iftiimiyo.
Jamacada amoud waxay ku dhisantahay reero.. oo facultiyada reero gaara ayaa kala haysta. Oo facultiga xataa aaad looga cawdo waxa laysku deyaa in maslaxaad lagu dhameeyo arimaha..taasi waxay keentay in dad badan lagu dulmiyo facultyyada hadana aaanu maamulka sare waxba ka qaban Karin aan ahayn maslaxaad ku dhamayn..taasi waa mid.
Ta labaad ,,,qayta caafimaadka ninka haysta ee la yidhaa Dr walhad wuxuu ku jab dhigay waa nin aan cidna dhegaysan oo tiisa oo kaliya u cadahay rayina aan habayaraatee cid waydiin. Raga warka u geeyaana CIDI INAMA DHAANTO IYO WAX WALIBA WAA SIDII LOOGU TALO GALAY MOOYAANEE WAR KALE UMA GEEYAAN. Haduu xog ogaal yahay oo ardayda wax waydiinayo wax waliba beri hore ayay saxmi lahaayeen.
Hadaba aan qodobeeyo fadeexada iyo qabyaalada meesha taal waa facultyga MEDICINE-ka ee inkastoo aanan waliba in badan ka ogayn wax badan waayo ma ihi nin qabiil balse arimahan aan sheegayo waa kuwii sida cad loo soo bandhigay ee naloo tusay anagoo indhahayagu shanta yihiin.
Suaal: Hadaba meesha yaa lagu qabyaaladeeyaa?? Ma reero gaara …ma gobolo gaara mise cidii aan reer awdal ahayn oo dhan?
Suaal kale: qabyaalada laga cabanayaa waa tee? Ma mid xaga cashadara ah baa? ..ma mid imtixanada aha baa?ma mid xaga dhakhtarka ah baa?
Jawaab: xaga imtixanada iyo xaga dhakhtarka weeyi ciladu…
Aniguse waxaa ka hadli doonaa xaga imtixaanada oo kaliya:
La soco..
khadar Abdi
february1414@outlook.com