Maxamed Barkhad Miigane waxa u yidhi “Feker dheer kadib go’aanka aan qaatey waxa uu noqdey in aan aasaaso urur Samafal oo ka shaqeeya baahiyaha ay qabbaan dadka ku nool gobolka Awdal dabadeed Muqdisho waan ka soo laabtey waxa aan dib ugu noqdey magaalada Borama halkaas ayaan markaas ka billaabay ambo qaadka tallaabadii u horreysay ee aan dhidibada ugu taagay ururka sidaas darteed waxa aan markiiba sammeeyay magaca iyo astaanta gaarka ah ee uu yaallannayo ururka GUUS NGO waxaanan mar ahaantaa asteeyay dejinta dastuur kooban iyo sharciyo aan ku kala hagi karo hawlaha iyo hiigsiga waxqabadka ururka sidoo kale waxa aan gudo gallay socdaal dheer oo aan ku soo maray dhammaan deegaannada hoos yimmaada gobolka Awdal, socdaalkaas waxa uu ahaa mid gundhig u ah cilmi baadhis iyo daraasad aan ku sammeynayay baahida dhabta ah ee jirta inta ay leegtahay iyo waliba sida ay u kala mudan yihiin waxqabad amma horumar lala tiigsado”.
Macalin Miigane waxa kale oo yidhi “Markii aan dhammeystir ku sammeeyay shuruucidihii ururka mar ahaantaana aan qoraal ku dejiyay baahi kaste oo ka jirtay gobolka Awdal oo wakhtigaas ay ugu mudnaayeen waxyaabaha u baahnaa in wax laga qabto Caafimaadka iyo Biyaha ayaa waxa aan dib ugu noqdey magaalada Muqdisho, dowladii Maxamed Siyaad Barre ayaan u bandhigey ururka GUUS waa la soo dhaweeyay dabadeed waxaan ka codsadey in la ii sammeeyo diiwaan gelintii ururka. Intaas markii aan soo dhammeystiray ee waliba ururkiina aan u hellay ogolaansho uu wax ku qabban karo ayaa waxa aan abaarey hay’adihii Qaramada Midoobay ee fadhigoodu ahaa magaalada Muqdisho waxaanan u gudbiyey daraasadii aan soo sammeeyay ee bar tilmaameedkeedu qeexayey dhibaatooyinka ballaadhan ee ka jiray gobolka Awdal”.
Maxamed Barkhad Miigane mar uu ka hadlayey caawimaadii u horreysay ee ururka uu aasaasay hello waxa uu yidhi “Caawimaadii u horreysay ee ururku hello waxa ay ahayd qalab fara badan oo aan ugu tallo gallay in la dhigo gudaha xafiiska ururka Samafalka ee GUUS oo xaruntiisu ahay degmada Borama, agabkaas oo aan hellay horraanta sannadkii 1987-kii waxa uu ahaa mid kordhiyey yididiiladii iyo himiladii aan ka lahaa aasaaska ururka GUUS dabadeed wax yar kadib waxa diyaarad ku soo qaadey qalabkii waxaanan keennay magaalada Hargeysa kadibna degmada Borama, hawlihii xafiiska GUUS NGO markii aan isku duba riday dib ayaan ugu noqdey magaalada Muqdisho sababta oo ah mushkilada jirtay berigii hore waxa ay ahayd wax walbe oo aad fulineyso iyo dan kaste oo aad baahideeda qabto waxa ay ahayd mid ku xidhan Caasimadda dalka Soomaaliya”.
Maxamed Barkhad mar uu hawlihii ururka GUUS faah faahin dheeraada ka bixinnayey waxa uu yidhi “Mar saddexaadkii aan ku noqdey magaalada Muqdisho waxa xoog isku soo tarey xidhiidhka naga dhexeeyay hay’adihii Qaramada Modoobay ee aan hore ugu bandhigey dhibaatooyinka ay qabaan dadka iyo deegaanka gobolka Awdal, mashaariic badan ayaa la i siiyay balanqaadkooda oo deeqihii iyo dhaqaalihii aan ku fulin lahaa qaarkood i soo gaadheen bal se nasiib xumo Aniga oo arrimahaas aad ugu mashquulsan oo waliba qabba kalsooni aan ku sammeyn karo hawlaha markaas i horyaallay ayaa waxa dhacey burburkii dowladii Maxamed Siyaad Barre. Muqdisho ayaan go’doon ku noqoday dabadeed dadkii reer Awdal ee fara madhnaan kaga soo baxay Xamar ayaan ku jirey maadaama jidku xidhnaana muddo dheer ayey nagu qaadatey in aan soo gaadho gobolka Awdal”.
Maxamed Barkhad Miigane oo ka hadlaya shaqadii ururka iyo burburkii dalka kadib waxa uu yidhi “Sannadki 1991-kii ayaan dib ugu soo noqdey magaalada Borama waxyaabaha layaabka leh ee markaas aan dareemayay waxaa ka mid ahaa baahida ka jirtay gobolka Awdal wakhtigii hore ee aan rabbay in aan wax ka qabto maanta mid ka ballaadhan ayaa taalla gudaha gobolka waayo?, dadkii way barakaceen dalkiina burbur baa ku habsadey nasiib wannaag berigaas dhowr hay’addood ayaa yimmid magaalada Borama kuwaas ayaan xidhiidh la sammeeyay oo aan u bandhigay waxyaabihii uu u baahnaa ururka GUUS NGO in wax laga qabto bal se fekradii ahayd in ururku wax ka qabto baahida ay ka mid ahaayeen biyaha iyo caafimaadka hadda isbadal weyn baa ku dhacey oo waxa soo kordhey isla markaana mudnaanta koowaad noqdey in wax loo qabto dadkii dagaaladu barakiciyeen gaar ahaan gurmad la xidhiidha in dadkaas tabaaladu ku habsatey la gaadhsiiyo cunto ay cunnaan, hu ay xidhaan iyo hoy ay ka hoos gallaan kulaylka qoraxda amma qabowga dhaxanta. Inkasta oo aan Anigu markii dambe u diga rogtay dhinaca Siyaasada haddana hawlihii ururka GUUS oo tallo iyo tusaaleynba aan markii dambe ku lahaa waxa aan sannadkii 1992-kii ku wareejiyay Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse oo ah astaan u taagan horumarinta gobolka Awdal”.
La soco qeybaha kale………
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail; rasiiqi07@hotmail.com