Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Si’ Sirgacan Wax Ugu Suluulixinta S/land ay ka wadddo gobollada Galbeedka

$
0
0

       Marka hore waxa Mahad leh Allah (SWT) Marka xigta waxa Mahada  leh Dhamaan Shacbi Waynaha Soomaaliyeed ee ku kala Sugan Daafaha Dunida Marka Xigta waxa Mahada leh      Dhamaan Saxaafada Umada Somaliyeed Wadanka ay Doonaan ha ka  Tirsanaadaane sida Saxda ugu Adeegta  Dhamaantoodna waxan ku wada Salaamaya Iyaga iyo inta ila Diinta iyo Damiirka ah Salaanta Islaamka ASALAAMU CALAYKUM WA RAXMA TULLAAHI TACAALAA WABARAKAATU.

         ***** Waxan Maanta Qalinka u Qaatay inaan ka Dhawaajiyo Xaalado kasoo Cusboonaaday Gobolada Galbeed S/land inaan is yara Dul taago intuu Allah iga Garansiiyo ama intii Garashayda ah . Iyadoo ay sidaa tahay Hadana waxan Akhristayaasha Sharafta leh  ka Codsanayaa Sidii inoo Caadada ahayd inaan Hordhac yar Iidaan uga Dhigno ama aan Yaamiska kaga Biino .

       ***** Sida Caadiga ah  Umada Waliba si u Gaara ayay u Dhaqantaa Adduunkan ama Kowmkan aan ku Uumanahay iskuna Fahantaa  isla Mar ahaantaana is Fahanku Waa Shay aad u Qaaliya iyada oo Dhinacyo Badan laga Eegayo  Qoysbaa si Fican isku Fahmi kara iyagoo Mustaqbal soo Ifaya aw u Widhwidhayo sidii Dahabka Noocisa ugu Qaalisan  Qolo ayaa si Fican isku Fahmi karta Qabiil ayaa si Fican isku Fahmi kara Qaran ayaa Aayahiisa si Saxa uga Toshan kara Qawmiyad ayaa Masayrkeed Siyaasadeed Qotomin karta Dabcan Qaarado ayaa Danaha ay kala leeyihiin si Wacan isugu Qiil Samayn kara Iskuna Fahmi kari Masaaliixda Dhaxdooda taala iyada oo ay sidaa Tahay Hadana kuwii is Fahma siday Doonaanba ha isku Fahmaane waxa sida Caadiga ah ee aan wada Qiranayo kala Leeyihiin Dano Labadoodaba ay Midba Dhinacisa Dantiisa Gaarka ah ka Dhax Arkay wayna Dhici kartaa in lagu kala Faa,iido Bato Mararka Qaar taasna waxay ku Salaysantahay sida loo kala Caqli Badanyahay, loo kala Aqoon Badanyahay, Dabcan kama Reebana sida loo kala Quwad Waynyahay Allah (SWT) Quwadi u Sugnaatee.

             *****Hadaba intaa Guud mar Iidaaneed ayaa ku Dhaafaynaa Akhristayaal Haddii aan u Gundo Dago Gundhiga Qoraalkan ama waxa aan Qalinka Warqada ugu Qotomiyay waxay Daarantahay (1) .Qodob oo Baryahan Danbe Guud ahaan S/Land ka Dhacay Gaar ahaana si Gaara uga sii Dhacay Gobolada Galbeedka .

         / . (1). Qodobkaasi waxa weeyi Cashuur Kordhinta Dalka ka Dhacday Gaar ahaana si Isir ku Jiro oo aan  Cidna Indhaha ka Lalin Karin loogu 4 Jeer Laabay Gobolada Galbeedka Iyada oo aanay Waliba wada Ahayn Gobolada Galbeedka oo Marka Gabilay laga Reebo intii Qawmiyada Samaroon Degto oo Kaliya si ka Reeban Milgaha Masuulnimo loo Saaray  waxan Qabaa inay tahay wax aan laga Fiirsan oo aan laga Baaraan Dagin waxa aad u Haboon Qofka Banii, Aadamka ah inuu Caqligiisu Shaqeeyo Bal Akhristayaal Labadan Qodob ee Hoos ku Xusan Farqiga u Dhexeeya illa Dhugta Dhaayihiinana ku Dheehda.

                    ( A). Wixii Faa,iido ah ee Dalka Dibadisa ka Timaada ama Mucaawinayooyin ah Nooca ay Doonaanba ha Ahaadaane  Aniga ayaa isku Koobaya oo Kalabaydh Marka aan soo Gaadhsiiyo ayaan Dib illaa Gobolada Bariga ee Dalka ku Celinayaa Shaqooyinkii sida Guud loo lahaa ee Dalkana Madaxwayne ilaa Islaanta Dhulka Xaaqaysa Aniga ayaa isku Koobaya .

                      (B). Marka ay Cashuur Noqoto ama Dhibaato Dalka loo Galayana 4 laab Cashuureed Askar Xuduudaha la Geeyo Xuduuda ay Doontaba ha Ahaatee Dhul Shaqsi Leeyahay oo Hanti Dawladeed laga Dhigo Qof Maskax Fican leh oo laga Faa,iidaysto  Mudaharaadyo Dhacaya oo Umad lagu Xasuuqo Dad Xoolo Dhaqato la Qawracayo Habeen Madaw iyada oo Shaadh Dawladed la Xidhanyahay bal Akhristayaal is Barbar Dhig ku Sameeya labada Qodob waxa anigana Dheefta Adigana Dhibta Waxaaguna waa ii Xalaal waxaygana Allah ayaa ii Xalaaleyayba weeyi Sheekadu Waana Kaaf iyo Kala Dheeri .

                  *****Bal aan Dib u yara Milicsano Maalmahan Wixii Dhacay Xafidahullaah Allah (SWT) Cimrigiisa ha Dheereeya Waxa ka Hadlay Arinkaa Culayskaa leh ee soo Kordhay Sheekhunaa Sheekh: Xasan Deheeye Axmed  laakiin waxa Nasiib daro ah waxa uu Waayay Dad la Aragti ah oo Culayskan la Dareemaya  Xaaladuna Marka ay kugu Kaliyaysato ee aad kalidaa wax Dareemayso way Yaraanaysaa inaad wax Buuran oo ay Bulshadu ku Faraxdu aad ka Qabato  Illayn Far kaliya Fool ma Dhaqdee Gacmo wada Jir ayay wax ku Gooyaane.

               ***** Haddii aan Dhinac kale Eegno 03/02/14 ayay ahayd Markii ay Wafti uu Horkacayo Madaxwayne ku Xigeenka S/land  Mudane:  C/raxmaan C/laahi Ismaacil Saylici  ay usoo Kicitimeen Galbeedka isla mar Ahaataana ay soo Gaadheen Xarunta Gobolka Awdal ee Borama iyaga oo Mashaariic Biyood Xadhiga ka Jaray Dabcan Kama Reebanayn Xuuraansi iyo Xamxam Siyaasadeed  bal  aan aad ugu Fiirsano Akhristayaasha Dareenka leh Khudbadihii Masuuliyiinta Heer Qaran  iyo Salaadiinta Gobolku ka Jeediyeen Madashaa   Madaxwayne ku Xigeen ugu Horayn isaga  Aniga oo Shaqsiyan Ixtiraam u haya  kaas oo ayna ka Madhnayn Masuulka Qaranka uu u Hayo Qayb ka tahay Hadana waxan kula Talinayaa inuu Dadkiisa soo Doortay ee uu Dhalasho iyo Dhiig ahaanba kasoo Jeedo inuu wax Badan ka Baaraan Dago awna iska Dhaafo waxa Dhagta loogu Sheegayo intiinii Daawanaysa  Vidio Clipka laga soo Duubay Madashaa waxad ku Dhax Arkayseen Wasiir Cadaani oo Dhagta ugu Sheegaya waxad Tidhaahdaa Jidka Ceerigaabana ha loo Dhago Nuglaado  waa wax Masuulnimada ka Reeban in sidaa Ixtiraamka Sharafta Qofka Banii,Aadamka ka Fog Umada Horteeda Dhagta wax la iskugu Sheego Madaxwayne ku Xigenka waxan Odhan lahaa ma  tihid Call-Box waayo Call-Box Dadka laga waco uunbaa inta Lacag lagu Shubto ama Kaadh la Dhaxmarsho Dadka laga wacaa waxad tahay Adiga Qof, Banii,Aadama waxanad Huwantahay Masayr Umadeed waxay Raganimaadu ku Saxsanayd inaad Baaqa halkaa aad ka Tidhi ee uu Wasiir Cadaani Dhagta kuugu Sheegayay inaad Tidhaahdo Dekada Lughaya ha laga Qaybqaato taa ayaa u Haboon Dadkii kusoo Doortee Umada aad kasoo Jeedana Manfac iyo Magac ugu Filane intaa ayaan ku Dhaafaya Madaxwayne ku Xigeenka Qaranka Hadalkii uu ka Jeediyay Goobtaa iyada ah Aniga oo Ixtiraam Buuxa u haya Isaga iyo wixii Dalkan S/land Xil u hayaba .

                  ***** Haddii Dhinaca kale aan is yara Dul Taagno Hadalka uu ku hadlay, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal  waa Hadal sax ah waana Hadal Dhaxal gal ah waana Hadal aanan nu Illaawu Doonin Haddii aan nahay Daneeyayaasha Horumarinta Dhulka ay Dhalasho Ahaan kasoo Jeedaan.  sida Saxda ahna Suldaan Dhawal waxan ku Naqaanaa Nin Hal Adag isla mar Ahaantaana Runta ka Gaban waanan nu Ognahay, Kaalinta aw kaga Jiro Horumarinta Dadkiisa ,Dalkisa iyo waliba Diintiisa waxan kula Talinaynaa Horaysiyo Danbaysaba inuu Halkaa kasii Wado Garabkaagana waan Taaganahay. Sidoo kale Xildhibaanka Xildhibaanada S/land Mudane:Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Adigana mar walba Kalsooni Buuxda waan kugu Qabnaa sida aad Runta u Sheegayso laakiin Hadalk Kaftan ha uuga Dhigin Dadkani Dad Kaftan u Dhaga Nugul Maahee waxan kugu Ognahay Mar Walba iyo Meel walba oo aad Joogto inaad Noqoto Qof Sidii aan uga Baranay Warkiisu Cadyahay taa Micnaheeda kama Wadno ka Hor imo Xisbul-Xaakimka Laakiin Adiga oo Xisbigaaga ku Jira Sidii aad Hadana uga Hadli jirtay Dadkani waxa ka Maqan Oogta ka Caddee.

              *****Waftiga waxa ka mid ahaa oo waliba Hadalo Dayl qaaf ah Meesha kaga hadlay Wasiiru Dawlaha Maaliyada Mudane :Cadaani.

                      * Wasiir Cadaani  waa Kuma?  Wasiir Cadaani waa Nin Qabiil Reer Burco ah Waligiina waxa lagu Yaqaanay inuu Labada Daamood ee ay Burco ka Koobantahay isku Diro Taasina waa Caadadisa ee maha Ceebtisa Bishii 02 ayay ahayd Markii Dugsi Burco ku yaala oo la Yidhaahdo Sheekh Bashiir aw Damcay inuu ka Jediyo Fikir aw uula Magac Baxay ka Hortaga Qabyaalada   waa Reer Burco oo way is wada Ogyihiin Ardaydii Arday ka mid ah ayaa ku Dhawaaqay oo yidhi ma Maanta ayuu naga Waaninayaa Suntii Qabiil, Qabiil Anaga waxana Burco looga Yaqaan Magacyo aad u tiro Badan mana Jecli inaan Wakhti ku Lumiyo ka hadalkisa Waayo waxa uu yahay ayay Shacabka S/land ka wada Dharagsanyihiin waxbana yuuna Daadafayn Hadalka Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal ee Xaqa ah Saxdana ah .

                   Guntii &Gabogabadii:

                              

                                            Waxan kusoo Gunaanadaynaa Qoralkeenan inaan wax Walba oo Lagu Fikiro mid ka ahaano inama Wadayso kala Qoqob iyo iskala Qaadqaad taasi Dadka aan Tartanka ku Jirno ayay Jaanis Siinaysaa Dhamaanteen waxan inigula talinayaa Qolqol joog iyo Qorbe joog inaga ayaa walaala ah inaga ayaana wada dhalanay wax walba oo dhaca  kala Fogaansho xaaraan ayuu inagu yahay keena Siyaasada sidaa imika Socota oo kale cid kale ugu Adeegayana kolay waxan isku dayaynaa inaan la xisaabtani doono laakiin waxan idiin leehay Dhamaanteen aan ka wada Shaqayno Horumarinta Deegaanada aan kasoo jeedno Dalka ay Doonaan ha ka mid Ahaadaane waxa inoo Ballana is Jacayl iyo isku Duubni Dhamaanteen.

              Ballanteenu waa horumar &hammi fog.

              Ballanteenu waa Hiigsi Dheer &Himilo Wacan .

              Ballanteenu waa Hurdo yari &Halgan Dheer.

                             Guul &Gobanimo .


               Mohamed Mahamoud Shirdon.

               Email Adress:Awdal04@hotmail.com

                                       .Switzerland.

                                        Nooli Kulantee.

                                        Wabillaahi Tawfiiq.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles