XUKUUMADII KULMIYE OO KACDOON QABIIL KA WADDA GOBOLADA SOMALILAND.
Waxa baryahan maqlaynaa oo la hadal hayaa oo soo socota oo lala wadaa quuxayaa muddo kordhin, Waxaan leenahay muddo kordhin waa xaaraan, sanadka iyo badhka u hadhay xukuumada kulmiye ayaa umada dirqi ku ah.
Waxay xukuumada KULMIYE 100 maalmood ee ugu horeysayee hogaanka wadanka usawiri jirtay bushada reer soomaalilamdhumaag dhalanteed ah ama dhalaan habaabis ah, kaasi oo ku sheegi jirtay wax qabadkii xukuumada KULMIYE ee bilihii ugu horeeyey.Waxay xukuumada Silaanyo ku doogsi doobisaba oo ay ku dibishaxanaysay horumarkii ay sheegan jireen.Bulshaduna waxay ku jirtay qarqarsi iyo qoorqabad. Arinku si kasta ha ahaadee way ku hafatey in ay waxqabadkii dhalaan habaabista ahaa ay sii wado. Waxa ay hadda dul hogganaysaamawjaddo ceebo iyo hagardaamooyin ay iyadu kasbatay. Waxa yaalaha ayku riiqadatay waxaa ka mida ah in bilawdo isku dirka beelaha iyo bulshada walaalaha ah ee Somaliland wada degga.Waxay ay ka dhex bilawday shacabkii qaybsanaan iyo qabyaalado iyo cadaalada daro aan xad iyo xisaabtoona lahayn.
Waxaa u daliil ah in ay xukuumada KULMIYE muddo kordhinwaddo Waxaa jirtay maalin dhawayd in xukuumada KULMIYE kacdoon qabiil ka waday G/TUGDHEER iyada oo dadka walaalaha ah is ka hor keenaysa, hase ahaatee way ku guuldaraysatay fidnadaa ay dhex waday shacabka togdheer iyaga oo meel uga soo wada jeestay fahmayna fajida ay xukuumadu waddo.
Fidnadii Xukuumada kulmiye ka waddo gobolka Saaxil. Markaa uu Madaxwayne SIILAANYO uu ku jiray ololaha doorashada kursiga madawayne ee Jamhuuriyda Somaliland cahdigii Madax weyne RAYAALE KAAHIN, waxa jiray heshiis ay wada geleen isaga iyo qabiilkiisu. Heshiiskaasi waxa uu la magacbaxay “ GAR-ADAG TREATY’’.
Waxay maanta kacdoon qabiil ka wadaa G/AWDAL gaar ahaan BORAMA, tusaale hadaladii WASIIR GARAAD Waxa uu beeniyey dhibaatooyinkii iyo xasuuqii loogaystay bulshada deggan Borama iyo Dilla sanadkii 1991. Kaasi oo runtii ah mid aan la dafiri karin. Sababtu waxay tahay waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa “ waa baryey sacabo laguma daddo”. Ujeedada ka dabaysaana waxay ahayd sidii ay bulshada reer Awdal uga hor imaan lahaayeen Wasiirka Kadibna qabiilka uu ka soojeedo iyo dadkii wax laga laayey ay fidno uga dhex dhici lahayd.
Hagardaamayntii ay u xilsaaratay ninkii ahaan jiray gudoomiyaha xibisgga mucaaradka ah ee UCID ee gobolka AWDAL Ninkaasi oo ku kacay falal amni darro kicin kara si ay dadku qorigga la iskugu dhiibo.
Dib aan ugu yar noqdo arinka xasuuqa ka dhacay Hargaysa, Marka laga hadlayo xasuuqii Hargeisa maaha mid la beenin karo waxaana fiican inay reer awdal ka xanaaqin oo ay garab ku siiyaan sidii loo heli lahaa cadaymo kale oo dheeraada sababta oo ah waa la yaqaan cidii dambigaa gashay sidoo kale waxaa xubno ka ah dad badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Burco iyo Hargeisa oo ah kuwii basaasay nin walba ninkiisa isagaa yaqaana loona adeegsadaa dilkiisa kuwii la shaqayn jiray ciidamada iyo sidoo kale kuwii u qaabilsanaa laamaha amaanka.
Marka ay timaado arinta Borama iyo Dilla waa dhab xasuuq ayaa dhacay waliba si gaar ah Dilla waxa ka dhacay lama mid ah ta Borama .
siddaa darted haddii ay maanta reer Awdal ka go’an tahay inay kula xisaabtamaan SNM wixii dhacay waa arin aan xaq u leenahay balse waxaa haboon inaan wadadeeeda u soo marno soo bandhigno intii qof ee la dilay tiradooda oo sax ah lana geeyo maxkamad cidii hawshaa fulisayna waajibkeeda la mariyo si madax banaan loona dhan yahay siyaasiyiin , aqoonyahano , odayaal iwm balse hadaan laba maalmood warbaahinta ka hadalno oo aan baabiinayno arin umad kale dabadeedna aan warkeeda iyo cid daba socota aan la arkayn waxay ila tahay inay tahay uun xaasidnimo iyo taada ha ka hadlin .
Sidaa darteed xisaabtan dhab ahi haddii uu yimaado waxay ilatahay inaan laga dhamaanayn Somaliland dhexdeeda intaan meel kale iyo cid kale la gaadhin.
Sidaa darted waxaan jeclaan lahaa inaan u sheego dadkayga reer awdal inaanay xumaan u arkin ka hadalka wixi dhacay sababtoo ah dambi aanad lahayn ayaad mas’uuliyadiisa qaadaysaa , mana ah reer Awdal kuwii dambigaa galay isla markaana fuliyey .
Markaan ka xanaaqno waxay cadaynaysaa inaan taageerayno dambiilayaal cidkasta iskugu jira.
Ujeedooyinka ka dambeeya hagardaamooyinkaasina waxa weeyi iyada oo doonaysa in loo siikordhiyo mudadda. Maxaayeelay, waxay ogtahay in la nacay oo aan dib dambe loo soodooranayn. Islamarkaa, waxay ka cabsi qabtaa cududa iyo sii xoogaysiga xisbiyada mucaaradkaa.
Nin abwaana ayaa hore uyidhi”Waxay Fiintu la ooydee Galawguna lafoodhyaa Fooraha Dabayshee” . Odhaahdaa qiimaha leh macnaheedu waxa weeyi markaa gu’ga tahay waxaa dhaca foore. Foorahaasi waa dabaysha la yiraahdo cir rimiska.Macnaha waxay dhalisaa roob. Markaa Fiinta iyo galaw waxay ki sii oyaan foorahaasi waxa uu soo wado. Sida, gudgudaha oo ah roobka aadka u culus oo dhibaato ugaysata Fiinta iyo Galawga maadaama ay galaan oo miciinsadaan kayn cidla’ciirsiraha.
Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkay dadku diyaar uma aha mana qaadi karaan mudo kordhin hadii mudo kordhin tamaadana wixii ka dhaca xukuumada ayaa ka masuul ah
Wabilaahi tawfiiq
Abudurizak Mouse Ahmed
Kampala UGANDA