Cabdirashiid Xasan Mataan Waxaan leeyahay Prof Axmed ha ku Mashquuline waxad Raadisaa Saamiga kaaga maqan Beesha Dhexe…..
Maanta waxa igu kalifay in aan maqaalkan qoro shaqsiyaad ku sifoobay Mucaaradnimada Prof Axmed Ismaaciil Samatar, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Awdal.
Waxaan web satyada ku arkayay Maqaalo lagu dhaleecaynaayo Prof Axmed Ismaaciil Samatar, runtii maqaaladaasi waxaa qorayay shaqsiyaad ka soo jeeda gobolka Hargaysa, basle in aan u jawabo kuwaasi Hargaysa ka soo qoray umaan kicin, waayo wixii ay ka rabeen ayay ka waayeen ee waxaan u kacay in aan u jawaabo shaqsiyaadka ka soo jeeda Gobolka Awdal, gaar ahaan waxaan rabaa in aan jawaab kooban siiyo musharaxa madaxweyne xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo aan filayo in UCID makarafoon ka dhigatay.
Cabdirashiid Xasan Mataan waxaa uu hilmaan san yahay in uu yahay nin reer Awdal ah, waayo maanta may ahayn in uu ku mashquulo safarka Prof Axmed Ismaaciil Samatar, waxay ahayd in uu wax ka qoro dhibaatada baahsan ee ku habsatay bulshada uu ka soo jeedo iyo cadaalad darada iyo dhul balaadhsiga ay Beesha dhexe ku jirto.
Cabdirashiid Xasan Mataan runtii maqaalkiisa waxaa iga baxay dhawr arimood
1. In uu ka xumaaday soo dhaweynta intaasi leeg ee ay u sameeyeen dad weynihii Gobolka Awdal Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Quwada uu ku leeyahay Reer Awdal.
2. Gartida iyo Geesinimada, Aqoonta uu Illaahay ku manaystay ee aanu cidna kala gaban runta in uu ka sheego wax kasta oo markaasi jira
3. Miisaanka u ku leeyahay Masraxa Siyaasada ee Geeska Africa iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland.
4 Cabdirashiid oo ah nin u tartamayo jagada Madaxweyne ku xigaanka Somaliland oo aan miisaan weyn ku lahayn Gobolka Awdal.
Hadaba aan u soo daadago nuxurkan maqaalkayga waxaan aad u dhuuxay oo aan si wacan u akhristay maqaalka uu qoray Cabdirashiid Xasan Mataan oo uu ku dhaliilayo Prof Axmed iyo Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo uu ku tilamaay in ay Somaliland ay dharbaaxo xun gaadhsiiyeen, islamarkaasina ilaa hada aanay raali galin ka bixin.
Cabdirashiid Xasan Mataan waxaan leeyahay waxaad ilawday in ay Borama oo ah halkii aad ka soo jeeday ay ka arimiyaan shaqsiyo ka soo jeeda Magaalada Hargaysa taasi ayaa u baahan in aad wax ka qabato oo aad ka hadasho ee uma baahno in aad Prof Samatar aad ka hadasho safarkiisa.
Cabdirashiid waxa kale oo aan leeyahay adeer hadalkaga waxa iga dhex baxay in aad u hadlaysay sidii nin ah Beesha Dhexe oo SNM ahaan jiray oo Somaliland cabsan.
Marka aad ka hadalaysay ee aad leedahay Prof Samatar wali ka uu noqon Mawqafkiisii Somaliweyn ee ha laga foojignaado, waxad is leedahay waxaad ku heli magac iyo samcad, laakiin waxaad ogsoonaataa in ay reer Awdal kabo kugu shidi doonaan hadii aad timaado fagaaraha.
Cabdirashiid Xasan Mataan waxa kale oo aanu sheegayaa marka uu leeyahay Daahir Rayaale ayay ku soo duuleen markii uu Madaxweynaha ahaa waxan ku sheegayaa adiga iyo Daahir Rayaale iyo kuwa kale waanu ogsoonahay in aad bulshada Gobolka Awdal aad curyaamiseen oo aad danihiina aad ka raacdaan, Daahir Rayaalena waa ninkii Iibsaday Gobolka SALAL waa ninkii Xariirad iibsaday markaa waxba Daahir Rayaale ha noo amaanin.
Ma rabo intaasi in ka badan in aan idhaahdo Cabdirashiid Xasan Mataan, waayo qofku marka uu micno weyn ku samaynaayo ayaa lagu raagaa ka hadalkiisa iyo falaaqayntiisa.
Waxaan qoraalkaygan ku soo gabagabaynayaa oo aan u sheegayaa Cabdirashiid Xasan Mataan, waxba ha isku mashquulin Safarka Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Mawqafkiisa ku aadan Midnimada Somaliweyn ee waxaad isku mashquulisaa sidi aad dadkaga waxay tabanayaan aad ugu soo ridi lahayd, midna aan ku sheego Prof Cabdi Ismaaciil Samatar in uu yahay shaqsi aqoon iyo karti Illaahay ku manaystay oo adiga iyo kuwa kula midka ah aanay soo haybsan karin, dhamaan shacabka Reer Awdal, Sala iyo Gabilay ay mar walibana ay u heelan yihiin soo dhaweeyaan Prof dooda qiimaha u leh ee Calamka laga yaqaano in ay Somaliland ka soo hor jeestaana oo waxa jira ay sheegaana waaanu ku raacsanahay hadii aanu nahay Bulshada ku nool Gobolka Awdal, Salal iyo Gabilay.
viv Prof Axmed iyo prof Cabdi
Ciise Ismaaciil Axmed
Switzerlan