Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Masjid ku yaalla Xamar oo dawladu burburisay si ay ugu bedesho Safaarad Mareykan

Warar lagu kal soon yahay oo aan hellnay, ayaa muujinaya in dowlada Soomaaliya oo dhawaan dhul cusub siisay safaarada Maraykanka, laga dhisaayo meel ku dhow halka uu ku yaallo masjidka Cabdicasiis oo dhisanaa in ka badan 500 oo sanno.

Masjidka Cabdicasiis ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay burburin iyadoo dadka loo sheegay in dayactir lagu sameenaayo masjidka, balse waxaa la ogaaday in masjidka laga dhisaayo halka uu ku yaallo safaarada cusub ee Maraykanku ka dhisaayo Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Axmed Kulalihi kana tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ka sheegay fadhi uu lahaa baarlamaanka, wuxuu sheegay in dowladda ay dhul ahaan u siisay mid ka mid ah raadadka Soomaaliya lagu yaqaan ee wali muuqday, balse dhawaan la baabi’yay.

“Waxaan rabaa in maanta halkan aan ka sheego in dowladdu ay gashay fal ambiyeed aad u culus masjidkii Cabdicasiis ayaa waxaa dhul ahaan loo siiyay halka uu ku yaallo Maraykanka oo safaarad ka dhisanay” ayuu yiri xildhibaan Kulalihi.

Dadka masjidka dhisaya waxa ay lee yihin masaajidka waxaa lagu sameenayaa dib u dhis xooggan, maadama ay waxyeelo ka soo gaartay daagaladii dagaalka gaar ahaan kuwii u dambeeyay.

Masaajidka Cabdicasiis wuxuu lahaa minaarad dhowr qarni dhisan sida ay lee yihiin dadka yaqaana taarikhda Soomaaliya.<


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles