Wararka haatan naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in haatan halkaasi uu ka socdo kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin Xildhibaano iyo wasiiro aad ugu dhaw madaxweynaha.
Xildhibaano ka mid ah kuwii shalay madaxweynaha ka dalbaday inuu is casilo iyo wasiiro uu ka mid yahay C/kariin Guuleed ayaa haatan wada fadhiya, waxaana la doonayaa in daaqadda laga saaro mooshin soo socda.
Kulanka waa mid albaabada u xiran, waxaana laga yaabaa in saaxafadda aan wax faah faahin ah laga siin, hase ahaatee wixii soo kordha waan idiin soo gudbin donna Insha Allah
↧
Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Madaxeynaha ka keenay Mooshinka oo looga yeedhay madaxtooyada si loo kala furfuro wakiilada
↧