Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Wiil Carrabka iska jaray si uu u helo nolol ka wanaagsan ta uu imika ku jiro “Daawo dhibka diin la’aanta”

$
0
0

wiil carrabkiisa jaray wiil carrabkiisa wiil carrabkisia jarayNin carrabkiisii jaray oo filaya inuu galo nolol ka wanaagsan, tii uu haystay markuu carrabka lahaa. Yaab.

 

Lalmohan Soren oo ah wiil 17-sano jir ah oo u dhashay wadanka Hindiya ayaa carabkiisa ku jaray middi aan af badan laheyn si uu helo nolol ka duwan tan hadda uu ku nool yahay uuna duco uga helo ilaahiisa shiva.

Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha macbadka Mahedevgarha kaas oo ku yaal tuulada Dugda, ee magaalada Jharkhand halkaasi oo dhiiga carabka wiilka yar lagu shubay baaquli yaalay macbadkan xilli subax hore si uu u guto waajibaadka ducada sida ay aaminsanyihiin dadka daga tuulada Dugda.

Qabiilkan dago tuuladan kuma cusbo dhacdooyinka noocan oo kale walow in carabka la iska jaraahi ay ku tahay mid ugub ayaa hadana waxa ay aamin san yihiin in wiilkan yari uu yahay mid nasiib badan waayo waxa uu ilaahiisa u yaboohay xubin muhiim.

Lalmohan Soren ayaa hadda la nool qoyskiisa asaga oo xoogaa ka bogsanayo xanuunka nabarka gaaray inkastoo uusan hadlin Karin quudkiisana uu yahay wax dareere ah ah kaliya walow falka uu sameyay uu yahay mid xanuun badan laakin uu ku faraxsanyahay ficilkaasi uuna rajaynayo inuu helo nolol ka duwan tan hadda uu ku nool yahay.

Qoyska dhalay wiilkan yar ayaa sheegay in ay aad uga argagaxeen falkaasi balse ay aqbaleen una rajaynayaan wiilkooda inuu ku noolaado nolol ka fiican mida uu hada ku jiro. Waxa ah wax lala yaabo nin carrabkiisa jaraya oo filanaya nolol ka wanaagsan ta uu ku jiro

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles