Nairobi (Harowo) – Dowladda Kenya ayaa ka warbixisay askarta uga dhintay howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee dalka Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay wasaaradda gaashandhigga dalkan, ayaa saxaafadda u sheegay in ilaa 800 oo askari ay ku waayeen tan iyo markii ciidankooda galayn Soomaaliya sannadkii 2011-ka.
Sidda uu sheegay askartan badanaa waxa ay ku geeriyootay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan intii ay dagaalka ka socdeen gobalada Jubbooyinka.
Dowladda Kenya ayaa hadda wada baaritaan ku aadan siddii ciidankaas ay u geeriyoodeen maadama ay yihiin tiro aad u badan, waxaana dacwado ay ku socdaan qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay.
Dhinaca kale, ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la mamnuucay baabuurta leh muraayadaha Beensalka, kaddib markii ay kordhayn falalka ammaanka lidka ku ah.
David Kimaanyo oo ah madaxa booliska Kenya, ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka dalka oo dhan gaar ahaan caasimadda kaddib markii ay soo kordhayn falalka amamanka lidka ku ah oo ay qarxyo ka dhaceyn magaalada. Wuxuu sheegay in aan la yeeli doonin baabuurta muraayadaha madow waayo ammaanka ayaa aad loo adkeenaa ayuu yiri.
Si kastaba, ciidanka Kenya markii horre qaab sharci daro ayey ku soo galayn balse markii dambe ayey ka mid noqdeen howgalka Midiwga Afrika ee AMISOM, Waxaana Shabaab ay ka saarayn magaalada Kismaayo oo dhaqaale badan uu ka soo gali jiray.