Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Maxkamad Ku Taal Suudaan oo labo maalin u qabatay Naag diinta islaamka ka baxday haddii kale la dili doono

$
0
0

Maxkamad kutaala Dalka Sudan ayaa mudo labo maalin ah u qabatay in ay diinta Islaamka ugu soo laabato gabar u dhalatay Dalkaasi oo shaacisay inay ka baxday Diinta Islaamka ayna noqotay gabar Kirishtaan ah.

Maryan Yaxya Ibraahim oo ah Gabar 27-jir ah horeyna u heesatay Diinta Islaamka ayaa dhawaan waxa ay shaacisay in ay ka baxday diinta Islaamka oo ridowday, waxa ayna gabadhan guursatay nin aan diinta Islaamka aheesan oo gaal ah.

Maxkamad kutaala Caasimada Dalka Sudan ee Khartuum ayaa mudo labo maalin waxa ay u qabatay gabadhan ka baxday Diinta Islaamka , waxa ayna maxkamdu amartay hadii gabadhaan ilaa Maalinta Khmaiista oo beri ku beegan hadii aysan diinta Islaamka kusoo noqon in la dili doono.

Dalka Sudan iyo dunida Muslimka ayaa aad looga hadal hayaa go’aanka ay Maxkamada kusoo rogtay gabadhan Diinta Islaamka ka baxday , waxaana laga dhur sugayaa go’aanka ugu dambeeya ay gabadhan qaadan doonto.

Dowlada Sudan ayaa sheegtay in ay tixgalineyso jiritaanka qofka balse aysan tix galin doonin qofkii ku xad gudba diinta Islaamka , waxaana dadka Muslimiinta ah ay soo dhaweeyeen in gabadhan ridowday la dilo hadii ay ku adkeesato in ay gaalnimadeeda kusii jirto


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles