Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

TANAASULKA MUUSE BIIXI SAMEEYEY, HADUU JIRO WAA MID UU WAKHTIGU BADEY!!!

$
0
0
Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaa  bahda  saxaafada, guud  ahaanba ,gaar  ahaanba,waxaan ku salaamayaa salaamta  Islaamka ee ah ” ASCW”
 
 
Intaasi  ka  dib  waxaan  manta  iyo  habeen  hore  goor  danbe  ku  arkaayey  war  ay  saxaafadu  qortay oo  ahaa  in  muuse biixi  cabdi  ka  tanaasuley hankiisii  murashaxnimada  ee  xisbiga  kulmiye, hadaba  anigu  waxaan  ka  mid  ahaa  taageerayaasha  gudoomiye  muuse  biixi, ilaa  hadana  runtii  warkaasi  umaan  bogin! balse  haduu  warkaasi  jiro  muuse  biixi  la  yaabimaayo  oo  dee  qofku  haduu  xil  madaxweyne  nimo  rabo  waxa  fiican  in  uu  doonto  isagoo  bad  qaba  balse  isagoo  dagaal  ku  jira  nina  wax  ma  doonan  karo, runtiina  markii  hore  waxa  aad  moodaa  in  uu  waxooga  qalada  lahaa  oo  aaney  waxaba  isku  ogeyn  oday  siilaanyo  oo  isna  eeda  waxbuu  ka  yeelanyaa, siilaanyo  laftiisu  waa  ”anaani” waayo  binu-aadamku  mar mar  ayay is  qanciyaan  balse  siilaanyo  uma  eeka  qof  xitaa  og  qiimaha  qofku  leeyahey iyo  ixtiraamka  dadnimada  oo  muuse  biixi  waxa uu  u adeegsadey  oo  uu  ku  aargoostey  xukunkii  iyo  dowladnimadii  waxbana  lamuu  hadhin
 
 
Maanta  runtii  waxey  aheyd  maalin  muuse  biixi  cabdi  noloshiisa  ku  adkeyd oo  hankiisii  iyo  damaciisii,tacabkiisii hortiisa  lagu  burburiyey ,iyadoo  la  isticmaalaayo, tacabkii  iyo  beertii  uu  wax  ka  beerey  ayaa  lagu  daadifeeyey,
 
Waxaa  kagag  sii  xumaa  kuwa  salaadiinta  sheegta  oo  afxumo  iyo  ku digasho  tv-yada  la  taagnaa/  waxaana  jirta  oo  hubaal  ah  in  aan  Africa  nin  xukun  gacanta  ku  haya  aan  cidina  kula  tartami  Karin  markaasi  xukumadiisa  dhexdeeda  waayo  waa  dad  uu  isagu  shaqada  keensadey oo  aan sinaba  uga  leexan  Karin, dagaalkii  ay  siilaanyo  iyo  golahiisa  wasiirdu muuse  biixi  la  galeen  waxa  uu  ahaa  mid  xun  oo  fool xun, balse  aduunyadu  maalin  maahan , somalida  ayaa  tidhaada  ” bowdyo  Rag  maalinba  mid  ayaa  qaawan”  ee  haduu  muuse  biixi  shaley  qaawanaa  la  arki  doonee  rag  kale  oo  baahan  doona ninkii  nool.
 
 
rayi  ahaan  anigu  waxaan  odhanlahaa  siilaanyo  waa  nin  xun  mana  istaahilo  in loo  tanaasulo  ee  waxa  uu  ku  fiicanyahey  in  lala  qasto, balse  haduu muuse  biixi  xumaantiisii  iyo  kibirkiisii  xoolaha  daweyanha  iyo  xilka  madaxweynenimo  xaniinyo  ku  yeeshey  aan  eegno  meesha  ay  geyso  ee  iskaga  tag  ayaan  kugula  talinlahaa, maahmaahduna  waxaa  weeyey  Somaliland  ha  is  barto  Ina  horey  isu  bartey  intii  hadheyna  manta  ha  is  barto.
 
Wabilaahi towfiiq.
 
 
By  Tahir Hussein.
 
London, uk

Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles