Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Kursiyahaw Dushaadaa laygu daadshay malaboo….Muuse Shaanni iyo Kursiga Maxaa kala haysta.

$
0
0

muuse iyo siilaanyo

Muuse Shaanni xuu yiri:
Kursiyahaw dushaadaa laygu daadshay malabooo,
Horaan kuugu daalooo – kuma dayn karaayeee.
Danna waan is moodooo inaan kugu dul meeroon ku dib-jiro agtaadee…

Balse muxuu ugu Jawaabay Siiraanyo oo kaashanaaya Sulaymaan-gaal:
Ragga laguma diimee, ruuxii aan ku dooneyn waa laga dambeeyaa…

Sheekadan quruxda badan ee ay is-dhaafsanayeen Magool iyo Kuluc ayaa waxay si
fiican u sharrixi doontaa, mawqifka ay kala taagan yihiin Siilaanyo oo macaankii kursiga
hadda uun dhadhamiyey iyo Muuse shaanni oo ku soo luggo’ay, lagana shaki qabo inuu
sidii laxdii Burco marool-dillaaco…Laxdan Burco agagaarkeeda ku nooleyd beri samaadkii
biyuhuna suqulqulka ku jireen, ayaa aad u harraadanayd, nasiib wanaag waxay boos muhiim
ah ka heshay safkii ugu horreeyey ee la rabay in biyaha ceelka lagu horo (waraabiyo), balse
inkaar-qabaha horaayey oo ay laxda hoos-ka-tuur lahaayeen, beri sii horraysayna ay biyo-hoos-
tood iska harraatiyeen ayaa ka reebay horintii ugu horreysey, mar kale ayay isku diyaarisay inay
nasiibkeeda ka qaaddo harraadka sida ba’an u haleelayna ay ka biyo cabto, mise kii baaba
hor-jooga oo markii labaadna sanka ku dhuftay oo dibbay u boodday! laxda miskiinta ahi
sidii kolba horin looga reebayay waxay nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto horintii ugu
dambaysay,maxaase dhacay, cajiib; markii ay darkii is-dultaagtay mise ceelkiiba wuu go’ay ama biyihii ayaa ka dhammaaday, dantuna waxay ku khasabtay inay MAROOL-DILLAACDO. Waa ta
haysta maanta Mujaahil Muuse Shaanni, oo aan ogayn halka uu dhigay saaxiibadiisii kaadida la
soo cabbay: aaway Dhega-weyne, miyaad aragtay; Boobe, Cali Guray, Cabdirahman Aw Cali (tol-waaye), C/qadir C/rahman, qaarbaaba jeelasha ku jira sida ina Gaboobe, waana halka uu Siilaanyo u diyaarinaayo inuu ku khaatumeysto Muuse Shaani. Markaa bal ila dhegeysta sheekadan oo iyadu is-fasiraysa. kaliya waxaad samaysaa: High-light, then Copy and Paste:

warwareegayeey xaafadaha wuu ka baqayaaye, allahayaw maxaa Muuse Shaanni ka
qabsaday wuu qarsanayaaye.

Laso qaybaha dambi, silsiladdan oo aan u bixinnay: Muuse Shaanni iyo kursiga maxaa kala haysta.

bye now.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles