Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Ma Dhabaa In Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Is Casilaayo?

MA DHABBAA MA DHAYYAL
MUUSE BIIXI MIYYUU IS CASILAYYAA?
Abwaan:Ibraahim-rashiid Cismaan Guure(aboor).

Tan iyyo markii uu soo shaac baxay khilaafkii xisbiga Kulmiyye ee ka dhexeeyyey madaxweyne SIILAANYO iyyo guddoomiyahha xisbiga kulmiyye MUUSE BIIXI,waxxaa isa soo tarayyey qolyo kala taageersan labada dhinac.

Markii hore waxxaa laysku maan-dhaafay sidii loo qabanqaabin lahaa oo loo soo xuli lahaa ergooyyinka golahha dhexe ee xisbiga iyyo sidii loo qaban lahaa shirkii 3-aad ee xisbiga.

Waxxaana lagu heshiiyyey in ay labada beelood (Habar jeclo & Habar Awal)uu mid waliba qaato 240 xubnood, dadyowgii kalena fara-guudkood loogu tuur-tuuro tirooyyin yar oo aanay u qalmin.

Haddaba si uu shirku u qabsoomo, waxxaa lagu heshiiyyey in Muuse Biixi aanay cidina iska barbar sharrixin,si uu guddoomiyye u noqdo,iyada oo laga joojiyyey Samaale.

Shirkii xisbigana waxxaa lagu ansixiyyey guddoomiyyihhii,guddoomiyye-ku-xigeenkii iyyo golihii fulinta ee xisbiga, golahaas oo gacanta u galay kooxdii uu hor-kacayyey Siilaanyo.

Markii uu Muuse Biixi isku hubsaday guddoomiyyenimadii xisbiga ayuu ku dhawaaqay in uu yahay musharraxxa madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiyye.

Dhawaaqqaasi wuxuu sababay in uu soo laba-kacleeyyo murankii iyyo is-qabqabsigii ka dhex-aloosnaa masuuliyiinta ugu sarraysa ee xisbiga Kulmiyye. Waxxaana dhacday in ay xubnihhii xisbigu u kala jabeen laba kooxood.

Durbadiiba waxxaa soo if-baxay in ay arrintu qabyaaladoowdey oo reer ahaan lagu taageeray Muuse Biixi. Waxxaynuna ku aragnay tilifishannada iyo goobahha war-baahintaba Ururro ay leeyyihiin Saccad Muuse oo dhallinyaro iyyo Haweenba leh, oo ay ka mid yihiin kuwii isku magacaabay ‘DIB U XORAYNTA SOOMAALI-LAAND’(waa yaabe yay ka xoraynayaan),iyyaga oo ku gooddiyayey in haddii loo baahdo oo laga maarmi waayo ay gudahha dalka ka samayn doonaan ‘JABHAD’.

Waxxaa kaloo intaa dheeraa in ay dumar ka tirsan beeshsha Saccad Muuse ay ku tiraabayyeen:’Haddaannu nahay Saccad Muuse waa nala yaqaannaa,waxxaannu dhignona waa la yaabi doonaa’(Bal faankooda eega, oo maxay kaga duwan yihiin beelahha kale ee reer Soomaali-laand).

Waxxaa la bilaabay in ‘SHAANI’ lagu qarxiyyo meeelo ka mid ah magaalada Hargeeysa,iyyo weliba in lagu hadaaqo ‘HABAR JECLO NABAD GELYO KUMA MARI KARTO HARGEEYSA’, iyyo weliba in si anshax-xumo ah loogu alaggaaddeeyyo DAHABSHIIL iyyo SHIRKADDIISA, iyaga oo leh Dahabshiil waa nin Habar-Jeclo ah ee Xawaaladdiisa waxba ha ka dirannina…in kastoo ay arrintaas dad badan oo Habar Awal ihi ka soo hor-jeesteen hadalladaas canbaareeyyeenna kuwii waxaas yidhi,xaalna ka bixiyyeen.

arrintu kumay hadhin halkaas ee waxxaa dhacday in ay ururkii dhallinyarada Saccad Muuse weerar ku qaadeen odayyaal isla beeshshooda ah oo intay hudhdheel shir ku qabsadeen taageereen Siilaanyo, waxxaana odayyaashshii lagu garaacay oo laga kala dareeriyyey goobtii ay ku shirayyeen…ceebtaas oo laga daawaday meeel walba.

Xagga dowladda waxxaa u hadlay ‘CUKUSE’ oo si cad u sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo yahay musharraxxa madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiyye, oo uu xaq u leeyyahay in uu mar labaad isu soo sharraxo madaxweynenimo, Distoorkuna u fasaxayyo.

Qir iyyo qir markay arrintu noqotay oo lays mari-waayey ayay soo dhex gashay Guurtidu, si ay xasarraddaas u dhammeeyyaan. dad badani waxay u arkayyeen in uu Saleebaan Gaal yahay nin Habar-Jeclo ah oo ay Siilaanyo ilmaadeer yihiin, gartaasna aanu caddaalad ku dhaqqayn. Hase yeeshee labada dhinacba way oggolaadeen dhex-dhexaadintaas.

Go’aankii ay soo saareenna wuxuu ahaa mid ay u sheegayyaan in uu Muuse Biixi ka tanaasilo musharraxnimadiisii, Siilaanyona uu yahay musharraxxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiyye.

Muuse Biixina isaga oo aan meeel laga saro lahayn ayuu war-baahinta u sheegay inuu iska casilay musharraxnimadii madaxweynenimo ee xisbiga kulmiyye isaga oo leh:’In kastoo uu dhanaan yahay go’aan kani haddana waan qaatay,anigoo xeerinayya danta guud ee dalka’.

Dood hor leh ayaa ka dillaacday oo lagu sheegayyo in ay saddexda nin ee isku beeshsha ahi soo gaadheen gar eex ah, qaarkoodna waxxay ku taageereen Muuse Biixi go’aankaas geesinimada leh ee uu gaadhay, halka ay qaar kale kula taliyyeen in aanay meeeshaas waxba u oollin ee uu si deg-deg ah isu casilo.

Qaar waxxaabay yidhaahdeen markii uu Muuse ku dhawaaqay in uu ka hadhay musharraxnimadii uu ugu taagnaa madaxweynenimada xisbiga Kulmiyye: ‘Waar qofka maba aannaan taageerneen haddii aannu moodaynno inuu sidaa yahay’. Kuwo kalena waxxay ku dhawaaqeen in uu Saccad Muuse ka tashan doono waxxa uu ka yeelayyo xisbiga kulmiyye.

Muuse Biixi isaga oo dhan walba seegay (reerkiisii & xisbigiisiiba) ayaa maalin hore looga yeedhay madaxtooyyada si uu ula kulmo madaxweyne Siilaanyo, laakiin waxxa halkaas ku sugnaa niman xubno sare oo ka tirsan Xisbiga, waxxaana lagu yidhi: ‘Muusoow waa in aad u qabataa xisbiga shir’.

Muusena wuxxuu ku jawaabay:’Aniga ayaa xisbiga guddoomiyye u ah oo markaan doono shirka qabanayya’.Dabadeedna waxxaa bilaabmay buuq iyyo is af-garan waa cirka isku shareeray,waxxaana Muuse lagu yidhi:’Shirkan aad ka war-wareegaysaa qabashadiisu waa kaannu kugu ridi lahayne ogoow’. Waxxaannuna qabanaynnaa shirkaas indhahaaga oo shan ah.

Muusena inta uu aad iyyo aad u xanaaqay ayuu si deg-deg ah kadinka u boobay oo debedda uga baxay kulankii. Kooxdii Siilaanyo intaas kagamay hadhin Muuse Biixiye, waxxay soo saareen go’aan ah in ay shirka xisbiga qaban doonaan Bishsha Ramadaan ka bacdi.

Arrintaas markii uu Muuse maqlayna wuxuu war-baahinta horteeda kaga dhawaaqay in mar haddii aanu u madax bannaanayn maammulka xisbiga uu guddoomiyyaha ka yahay ee Kulmiyye uu is casili doono. Weli waxxaa la sugayyaa is casilaadda Muuse Biixi, haddii aanay ahayn af-gobaadsi.

Ugu danbayntiina waxxaynnu eegnaaba waa halka ay ku soo biyya shubato khilaafka xisbiga Kulmiyye madaxdiisa ka dhex aloosan ee muddada dheer soo jiitamayey. Haddaba akhristoow: ‘Ma Dhabbaa Ma Dhayyal,Muuse Biixi Miyyuu is-Casilayyaa?’.
……………….Dhammaad.

Rashid Osman
rashidosman10@yahoo.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles