Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Aqoon yahanka,dhalinyarada iyo Oday-dhaqameedka Beeshayada lug-gooyo oo shir u socdo ay danaha Beesha kaga arinsanayaan

$
0
0

Baryahanba wuxu shir balaadhani u sodaa Beeshayada Lug-gooyo,kaasi oo ay iskugu yimaadeen qaybaha Bulshada oo ay ku  jiraan nooc waliba:Dhalinyaro,Waayeel,Culimada Beesha,Aqoonyahan,Dumarka,dhagar qabayaasha,dhiigyacabyada,khaayimiinta,Tuugta.Dilaaliinta,Beenaaleyaasha,Xaaraan-quutayaasha,Nacam-layaasha,Kabaqaadyada,Dhuun-raacayada,basaasiiinya,Abu-marqaanada,Fadhiku-dirirka.ma-shaqaysatah,Afmiinhshaarada,Geel-jiraha,adhijirta,Saaqidiinta,Sakhraamada,Jaadlayaasha.Dibjirada,Darbijiifta iyo dhamaanta Bulshada Beeshayada Lug-gooyo qaybaheeda ka hadhsan intaa oo soo sheegay.

 

Shirku  oo ka dhacay Magaalada  ma-korto  ee Gobolka ma-gudbe waxa  lagu furay heeso qaraami ah,.iyo muusig.Mar kaliya ayay dadkii isla heleen jiibta iyo jaanta.Cabaar markii lagu raaxaytay heesaha iyo muusiga,ayuu hadalka bilaabay Suldaanka guud ee beeshayada Lug-gooyo Suldaan Habaar,Suldaan Ceebddoon,Suldaan Dhuuni-qaaate,kaasi oo ku bilaabay hadalkiisa  amaanta Beeshayada Luggoyo,iyo cayda Beelaha kale, isaga oo aad ugu dheeraaday Taarikhda ay Beeshu ku lahayd- halgankii  lagu burburiyay nolosha  ee lagu horseeday qaajada,haraadka,xanuunka,gunnimada,isla markaana lagaga guuray Gobnimada,kaasi oo lagu gaadhay nolosha manta lagu jiro ee lagu cuno raashinka dhacay,laguna cabo sharaabka dhacay  ee dadku aanay haysan dawo iyo daryeel midna.

 

Intaa ka dibna waxa hadalka la wareegay Borqorka  guud ee Beesha,Boqor  Hunguri,Boqor, Dhaqanbiis,,Boqor Ibaanlaawe,kaasi  oo isna ka hadllay Taarikhdii ay Beeshu ku lahayd dhinaca Mirqaanka iyo balwada.Waxaanu ka sheekeeyay sheekooyin badan oo ka mid yihiin qaar u sheeegay in la odhanjiray”,kabaha Xaajiga ayaa Uraya”.Taasi oo u sheegay ila isticmaali jiray marka  Ninka lacagtu ka dhamaado mid kale oo cusubina meesha joogo.Sacabka ayaa aad loogu tumay,Boqor Hungurina aad ayuu qoslay.

 

Gababadii,waxa laysla gartay in Beesha Luggooyo ay aad uga tashato  aayaheeda iyo Sidii ay Beeshu u heli lahayd sadbursi aanay haysan Beelaha kale,iyo sidii ay Beeshu wax kasta kalideed u helihayd,taasi oo ah mod Beesha xaq u leedahay oo aanay cidna ka baryi doonin.

Shirka oo socon doona middo 5 bilood ah ayay Beeshayada Luggooyo soo saari doontaa go’aaamo rasmi ah.kuwaasi oo ka turjumidoona rabitaanka Beesha luggooyo.

Axmed Aadan Xussen

Luton Uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles