Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Xaalka Waxbarashada Gobolka Awdal

$
0
0

Ma Runbaa In Wasaaradda Waxbarashada Ee Gobolka Awdal Ay Noqotey Private Ama Meel Gaar Loo Leeyahay? By Ahmed Saleban Bookh

Dalkasta oo caalamka ah ka tirsan waxaa uu leeyahay wasaarad waxbarasho oo iyadu u qaabilsan dajinta hababka waxbarasho ee ugu wanaagsan si loo hurumariyo bulshada aqoonta iyo dhaqalaha ummada.waxaa lagama maarmaan ah in ay jirto (Educational Policy)siyaasad waxbarasho si loo gaadho himilada la hiigsanayo.

Hadaba waxaa jira caqabado badan oo baryahan danbe ka soo baxaya wasaarada waxbarashada ee gobolka awdal iyada oo ay si toos ah ay gacanta ugu dhigtey jaamacada camuud oo iyadu ku sifowdey meel dano shakhsi iyo kuwo qabiil fulisa kuna xidhan dad ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waxa iska cad ama lo ogyahay ninka umagacaaban isu-duwaha wasaarada waxbarashada uu yahay shaqaale ka tirsan jaamacada camuud,kaasi oo fuliyo danaha gaar ah jaamacada.

Kana suga talooyinka xaga jaamacada camuud waxaa dhacdey burburin iyo rabshado dhacey maalmihii uu socdey imtaxaanka dugsiyada sare Al-Aqsa ka dib markii isku-duwaha wasaaradu uu tagey dugsiga sare ee Al-Aqsa una sheegey macalimiinta ilaalainaysay inuu dhaarinayo ,kadaibna macalimiintii isku khilaafeen halkaas waxaa khilaafka keenayna uu ahaa in uu imtaxaanku marayey maalintii 3 aad loona igmadey Supervisor ka socda uu socdey xafiiska imtaxanaadka dabadeed ardaydii imtaxaanka galaysay ay maqashay doodii dhexmartey isaga iyo macalimiinta goobtaas ku sugnaa dabdeed uu u yiri inuu shaqadii ka eryey dhamaan macalimiinta ilaalada ku qoran dugsiga sare ee Al-Aqsa.

Waxaa isla markiiba bilaabmey buuq iyo sawaxan dhagaxtuur rabashado wata halkaasna waxaa lagu jajabiyey dugsigii imtaxaanka lagu galayey,waxa kale la eryay laba askari oo ka tirsan askartii illlaalinaysay dugsigaas halkaas oo ay ku soo hadheen 2 askari kaliya waxaa kale oo islama maalintaas rabshad iyo qas ka dhacey dugsiga sare ee Ardaale oo halkaas dhamaan daaqadihii iyo alabaabadii lagu jajabiyey taasi oo ay sobobtey maamul xumada iyo masuuliyada darada ka taagan wasaarada waxbarasha gobolka awdal.

Waxa kale oo maalintii uu soo xidhmey imtaxaankii dugsiyada sare fal noocii ah oo kale ka dhacey arday aad u tiro badan oo wareer culus ku qaadey dugsiga sare ee Aayatiin halkaas oo khasaare ka soo gaadhey agabkii dugsigu uu lahaa halkaasina ay ka muuqato in wax maamul ahi ka jirin Gobolka Awdal gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada Gobolka Awdal oo maraysa meeshii ugu hoosaysay,takale ee iyadna meesha ka maqnayn in lalunsadey seminar loo qabanayay macalimiinta Socialka ka dhiga saddexda iskuul ee dawliga ah waxaana ku heshiiyey isku-duwaha iyo gudoomiyaha jaamacada camuud saaleeban ahmed oo isagu ku soo dagaalalamay in in kursigaa uu noqdo Cumar oo ah shaqsi salebaan ku dhow oo talooyinka saleebaan ku shaqeeya ee aan isagu ku shaqayn talooyinka Wasaarada sare ee tacliinta Somaliland.

Waxaa kale oo aan iayadna meesha ka maqnayn in 1 reer lagu soo celiyo maamulka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Awdal ma waxa heshiis ku ah jaamacada camuud iyo wasiirada waxbarashada,Madaama qofka maamulka inta qofka maamulka loo dhiibayo lagu keenayo nin jeclaysi iyo qabiil ee aan lagu keenayn aqoontiisa iyo kartidiisa waxay taasi ay ka hor imanaysaa dadaalkii ay xukuumada Somaliland ay ka sugaysay beesha caalamka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles