Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Siiraanyo Xaaladdiisa Caafimaad Waxa Lagu Ogaan Karaa In Uu Soomo Iyo In Kale!…Taas Ayaa Caddaynaysa Inuu dalka Xukumo iyo….

$
0
0

Faallo:Madaxweyne Siilaanyo Xaaladdiisa Caafimaad Waxa Lagu Ogaan Karaa In Uu Soomo Iyo In Kale!…Taas Ayaa Caddaynaysa Inuu…………

 

Madaxweyne Siilaanyo Xaaladdiisa Caafimaad Waxa Lagu Ogaan Karaa in uu Soomo iyo in kale!…Taas ayaa caddaynaysa in tahli karo talada iyo hogaaminka dalka?

 

Marka hore waxa aan u mahadnaqayaa saxaafadda ku suntan xorriyadda iyo madaxbannaanida una diyaarka ah in ay fikirka la isweydaarsadaa yahay mid caafimaad bulsho.

 

In badan ayaa lagu soo celceliyey dayro laga dayrinayo xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Masuuliin ka tirsan mucaaradka iyo dadweyne tiro badan ayaa in badan kusoo celceliya in xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu ku sugan yahay aanay u saamaxaynin in uu wadanka ka taliyo. Waxa shakigaas sii badiyey markii ay dhacday in Madaxweynuhu ka gabbado saxaafadda mararka qaarna ay dhacday in cajalado laga soo duubay iyo qoraallo loo qaybiyey saxaafadda. Mar la qorsheeyey oo loogu talo galay mooyaane ma ay dhicin in Madaxweynaha loo helo fursad lagula doodi karo waxna la weydiin karo. Mararka ay dhacdo in saxaafaddu fursad u heshona waxa muuqata in Madaxweynuhu si deg deg ah u cadhoodo iyada oo weliga laga dareemayo masuuliinta hareero taagani in ay ka digtoon yihiin su’aalaha la weydiinayo iyo qaabka uu uga jawaab bixinayo, mararka qaarna isma hayn karaan oo waxa la arkaa iyaga oo su’aalo basiida oo la weydiiyey marka uu ka jawaabo ay sacabka tumayaan ama mashxaradayaan, taas oo muujinaysa werwer ay ka qabaan in ay wax kale meesha kasoo baxaan.

 

Haddaba, si dooddaasi usoo xidhanto, waxa si fudud lagu ogaan karaa xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha iyadoo la caddeeyo in uu soomo iyo in uu yahay macduur ruqsadda Illaahay siiyey qofka xanuunsanaya uu ka faa’iidaysto oo uu afuran yahay.

 

Waxa kale oo lagu ogaan karaa xaaladdiisa caafimaad, in uu tukado salaadda taraawiixda ee Sunnaha u ah Muslimiinta bisha Ramadaan?

 

Haddii ay cadaato in Madaxweynuhu soon-qaad yahay oo uu soomi karo, waxa caddaanaysa in uu caafimaad qabo oo dawooyin joogto ah oo badani aanay u soconin. Haddiise ay cadaato in aanuu Madaxweynuhu soomi karo (waa sida ay dad badani u badinayaane), waxa halkaas ka muuqata in Madaxweynaha ay kallifaad ku tahay hogaaminta wadanka. Waxa kale oo cadaanaysa in talada dalka dad kale gacanta ku hayaan sida lagu xanto madaxtooyada.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Dr. Hassan Cilmi Berberaawi

hassanberbera2000@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles