Ugu horeyn Ramadaan kariim ,wa kulu caam wa antum bikheyr.
Ka dib waxaan halkan ku soo gudbinayaa arin nasteexo ah oo aan shacabka somaliland uga digaayo lacag faalso ah oo koox wasiiro ah oo sahey doon ahi dalka soo galiyeen ayna rabaan in ay lacagta dollarka ah ee shacabka ku dhacaan ooy ku badashaan.
Sida aanu sir hoose oo aan ka soo xiganey dad jooga Dalka kenya , lacagtan waxaa lagu daabacey mashiino tayadoodu hooseyso oo yaala magaalada Nayroobi, waxaan lacagtan soo daabacday koox wasiiro ah oo ay ka midyahiin, wasiirka duulista iyo hawada, wasiirka madaxtooyada, wasiirka maaliyada oo laga saxeexday, ninka loogu yeedho mr Morgan, iyo koox dumar ah oo ka talisa qasriga uu siilaanyo deganyahey.
hadaba dadku ha ogaadaan in ay kooxdani yahiin kuwo fashilmey oo dalka iyo dadkaba ka galey danbiyo xun xun iyo godobo aan hadheyn lagana yaabo in ay noloshooda danbe saameyn ku yeelato, sidaasi daraadeedna ay is tuseen in aanu sii joog danbe dalka u oolin, waxeyna goosteen in ay helaan malaayiin dollars ah, oo xaaraan ah , waxeyna ku tala jiraan in ay dhacaan maalka dadweynaha masaakiinta ah ,waxeyna soo daabacdeen lacago faalso ah si ay ugu badashaan lacagta dollarka ah,arintaasi darteed waa in ay iska jiraan , shacabka reer hargeysa, berbera, borame, burco, gabiley waa in ay , dollarkooda ku badalan , lacagtaasi cusub ee ay iska diidaan, waxaana lacagtaada aad ku badalan kartaa uun lacagtii hore, ogow qofka lacagtaasi wata loogu badalimaayo dollar hadaba iska jira waa digmiin.
Qore: Tahir hussein waayo_aragman@yahoo.com