Quantcast
Channel: Harowo.com » Harowo – Faallo
Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Ma Taqanaa Reerka Ugu Guul Wadaha Iyo Daaquudka Badan Reer Somaliland

$
0
0

Marka hore salaan diiran.

Marka xigta inta aanan idiin sheegin reerka wada daaqudka iyo guulwadaha noqdey, waxaan in yar ka horaysiin lahaa inaan macnaha Guulwade ama Daaquud oo isku macne ah in yar iftiimiyo. Sidiisaba Guulwade wuxuu ahaa askari nasaqan oo ka tirsana ciidamadii Siyaad Bare, Police muu ahayn Milatryna muu ahayn wuxuu ahaa Askari yara duleysan oo aad ka dareemayso arad iyo dayacaad fara fadan oo hadana kacaankii si daacada ugu adeegi jirey. Jaajuusnimo, war soo helid iyo shaqooyin guracan qabasho ayuu arinkiisu ahaa that is why ayaa qofkii si xun oo jajaban nimo ah u adeegaya loogu yeedha Guulwade.

Inkastoo taliskiiSiyaad Bare la salabeeyay hadana casharadii laga bartey weli caradan wax badan ayaa lagu camal falaa. Sidaa darteed iyadoo dhamaan bulshadu qabto xanuunka Guulwadanimada hadana koley ciduun baa u badan.

Reerka Ciidagale la yidhaa oo ahaan reer tariikhdii hore meel adag kaga jirey ama soo lahaan jirey rag karrmeedyo taariikhda ku suntan ayaa iyaba waa cibaare waxa maanta ceelka u taga caada qaatayaal cunaha uun ka fikira ha kala reebin mid dhaqan iyo mid siyaasadeeba. Tolow xil ma laguu dhiibi hadaad hebal caydo.

 

Ninkaa xayn daabka Xaajiga iyo Xirsi soo galey xilkad hayso ayuu rabaaye Xirsi ku dir. Xirsiyow Xaaji Silaanyo u sheeg in ardaagayaga la siiyo halkaa hebel joogo. Shaley wixii aan sheegi waayey maantan xuubka ka qaadaya. Is garab yaac, hinaase min weyn iyo minyaro lagu yaqaaney, kalslooni daro. Hebal hadlaye u jawaab si Xaajiga iyo Xirsi kuu xasuustan. Arimahaas iyo qaar kale oo badan ayaa keenay in cid kasta oo S.land xil ka qabata ay si cadaana indhaha uga qarsato xuuquqda beesha Ciidagale ee siqiirtey ku lahaayen S.land.

 

Waxaan cunaha kuu dhaafin iyo dhaar furya jira. Cawaaqibka ka dhashey Guulwadayaasha Ciidagale mucaarad iyo muxaafidba wuxuu keenay iney dhalinyaradii Ciidagale shaqooyinka dalka ee meelaha dawlada laga helo ka noqdan wax ka yar 0.5. Xaqiiqdi dhawr iyo labaatanka wasaaradood ee dawlada hadii aad baadho waxaad arkeysa in arintasi tahey run biyo kama dhibcaan ah.

Lama odhan karo raga oo dhami waa ilma weeli walo waxaana laga heli karaa midhmidh Xuseen Xasanka Qarniga ah, lakiin waxaan hubaa iney badankoodu yihiin shaabug dadkana lala dhaco iyagana la isla dhaco.

Gebagebadii waxaan ka codsanya dadka kale ee reer Somaliland ee madaxda ka ah dalka iyo wasaardahaba iney arintan qiimimeyn teeda siiyan, waayo?. Hadii aabaha saaqid noqdo adeerka laftiisa xil baa ka saaran xanaaneyntaada

ALLA MAHAD LEH.

OSMAN OMAR DOOL

(omardool1988@hotmail.com)

Hargeysa Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 613

Trending Articles